Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2437 |
August 23,2010 Ramadan 13,1431H | |
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Madaxweyne Siillaanyo Oo Kulan La Yeeshay Wefti Uu Hogaaminayo Safiirka Ingiriiska U Fadhiya Ethiopia Hargeysa, August 23, 2010 (Haatuf) – Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo ayaa kulan Madaxtooyada kula yeeshay Safiirka Ingiriiska u fadhiya Ethiopia Norman Ling, kaas oo hogaaminaya wefti ka koobana saddex xubnood. Ambasador Norman Ling iyo Madaxweyne Siilaanyo ayaa ka wada hadlaay xaaladda uu haatan ku sugan yahay dalku, kaas oo uu Madaxweyne Siilaanyo uga xogwaramay xaaladaha Siyaasada xukuumaddiisa Cusub ee ku wajahan dhinacyada Horumarinta, Nabadgelyada, Kaabayaasha Dhaqaale, Caafimaadka iyo Waxbarashada. Mr. Norman Ling ayaa isaguna waxa uu Somaliland ku amaanay hanaanka dimuqraadiyada iyo doorashooyinkii dalka ka dhacay, kaas oo tilmaamay in doorashadii dalka ka dhacday ay Somaliland u soo jeedisay Indhaca caalamka. Waxa Sidaasi lagu sheegay waraxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse), warsaxaafadeedkaasi oo dhamaystirana waxa uu u qornaa sidan:- “Madaxweynaha JSL Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Xafiiskiisa ku Qaabilay Wefti saddex Xubnood ka kooban oo uu hogaaminaayo Safiirka ingiriiska u fadhiya Addis-Ababa. Weftigin oo u jeedada socdaalkoodu ahaa sii adkaynta xidhiidhka u dhexeeya labada Waddan ee Somalialnd iyo Ingiriiska iyo u kuur-gelida waxyaalaha ugu haboon ee ay iska kaashan karaan labada dhinac. Madaxwaynaha JSL Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa weftigan si mug leh ugu faahfaahiyey Siyaasada Xukuumada Cusub ee Horumarinta Dhinacyada Nabadgelyada, Kaabayaasha Dhaqaalaha, Caafimaadka, Waxbarashada iyo wixii la mida. Madaxweynuhu waxa uu ku nuux-nuuxsaday sida ay Xukuumadiisa uga go’antahay in ay Wadamada Deriska iyo Beesha Caalamkaba kala Shaqayso Adkaynta Nabadgelyada Gobolka iyo ka hortaga Argagixsada iyo Budhcad badeeda. Waxa uu Madaxaweynuhu weftiga u xaqiijiyey in ay Somaliland u bisishahay in ay ku talaabsato Horu-marin isla markaana ay u baahantahay in ay beesha Caalamku gacan ka siiso. Madaxa Weftiga Ambassador Mr. Norman ling oo ay wehelinayeen Matt Woods Ku xigeenka Xog-hayaha Safaarada Ingiriiska ee Ethiopia iyo Jonathan Hargeaves oo ah madaxa DFID ee Nairobi ayaa Somaliland iyo Madaxwaynahaba ku hambalyeeyey Doorashadii dalka ka qabsoontay 26 June ee Sannadkan. Safiirku waxa uu sheegay in ay Doorashadaasi Somaliland Mustaweheeda kor u qaaday isla markaana ay indhaha Caalamka ku soo Jeedisay, Dawladiisa iyo Midawga Yurub-na ay diyaar u yihiin in ay ka teegeeraan Somaliland Dhinacyada Horu-marka Nabad-gelyada, Kaabayaasha Dhaqaalaha, Caafimaadka, Wax-barashada iyo Geedi socodka Dimiquraadiyada”. |