|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2441 |
August 27,2010 Ramadan 17,1431H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Guddoomiyaha Maxkamada Degmada Hargeysa Oo Faro Cididood Kaga Badbaaday Weerar Dil Ah Oo Lagu Soo Qaaday Iyo Baastolad Uu Isku Difaacay Oo Dhaawacday Qof Rayid Ah “Nimanka I Soo Weeraray Waxay Ahaayeen 8 Nin, Saacaduna Waxay Ahayd (6:00) Anigoo Afurkii Ku Sii Socda Ayuu Weeraku Igu Qabsaday Istaanka Basas-Ka Kililka Ee Suuqa, Waxayna Ahaayeen Dadkii Tuugta Ahaa Ee La Soo Daayey”C/rashiid Beergeel Hargeysa, August 27, 2010 (Haatuf) – Guddoomiyaha Maxkamada Degmada Hargeysa C/rashiid Beer-Geel ayaa abaaro Lixdii Maqribnimo ee shalay lagu lagu soo qaaday weerar Tooriyo loogu talo galay in lagu dilo, kadib markii sida uu sheegay Guddoomiyuhu isaga oo gaadhigiisa wata, isla markaana Maraya Istaanka Basas-ka Suuqa ee Xaafada Sheekh Nuur oo uu xiligaa is hortaagay Farmasi goobtaasi ku yaalay ay si kadis ah weerar ugu soo qaadeen siddeed nin oo uu sheegay inay tooriyo ku hubaysnaayeen. Guddoomiyaha ayaa intaa ku daray inuu isku dufaacay Bastolad uu sitay, isla markaana uu gaadhiga dibada uga soo booday, mid ka mid ah ragaasina uu tooridii dhuunta kaga qabtay, isla markaana Bastoladii uu sitay uu damcay inuu isku difaaco, taas oo uu mid ka mid ah raga soo weeraray uu xabad ku riday, balse aanay ku dhicin ee ay labadiisa cagood dhex martay, isla markaana lugta ka cuskatay oo jiidhaysay nin kale oo u dhawaa goobtaasi. Guddoomiyaha Maxkamada dagmadu waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi uu xalay Khadka Telefoonka ugu waramayey Wargeyska Haatuf, isagoo dhacdada ka waramayana waxa uu yidhi “Nimanka i soo weeraray waxay ahaayeen 8 nin, saacaduna waxay ahayd (6:00) anigoo afurkii ku sii socda ayuu weeraku igu qabsaday Istaanka Basas-ka Kililka ee Suuqa, waxayna ahaayeen dadkii tuugta ahaa ee la soo daayey markaa tooriyo dhaadheer bay siteen oo gaadhigayga xoog bay ku soo galeen intay daaqadaha iska fureen labana xaga dambe ayay galeen midna xaga hore ayuu soo galay, ka dibna mindi buu is yidhi beerka kaga dhufo kii xaga hore soo galay, ka dibna gaadhigii baan dibada uga booday, laba nin oo kale oo iyaguna midiyo sita ayaa gaadhiga ka soo daba wareegay ka bacdi Baastoolad aan sitay baan la soo baxay oo aan mid ka mid ah dhegta dabadeeda kaga dhuftay baastoolada xageeda dambe, hadana kuwii kale ayaan is idhi inta aanay midiyaha kula dhicin Baastoolada isku difaac” S: Gaadhiga ma kaligaa baa saarnaa? J: Gaadhiga kaligay baa saarnaa Security maan lahayn. S: Hub noocee ah bay kugu soo weerareen? J: Mindiyo dhaadheer S: Nimanka ku soo weeraray ma kuwii dhawaan jeelka laga soo daayay ee cafiska xukuumaddu u fidisay baa, mise waa kuwo kale? J: Dadku waxay sheegayaan waa Tuug oo qolooyinkii la soo dayayna waa ka mid oo waa tuug waaweyn baa la yidhi oo halis ah oo waxa isla markiiba la ii sheegay inay ka mid ahaayeen tuug waaweyn oo caan ah oo la yaqaan. S: Markaa side baad iskaga difaacday nimanka ku soo weeraray adigu maadaama aad kaligaa ahayd? J: Sideedii ninba kaligay baan u babac dhigay, markuu is yidhi mididii gali ayaan daaqada gaadhiga iska furay oo aan ka booday mididii buu kadib ku dhuftay kursiga, waan soo wareegay laba kale oo mindiyo sita baan arkay, labadii nin baa illaahay Caayey oo igu yidhi aniga joogso ka dib Baastoolad aan sitay baan la baxay, waanan Cabeeyey, Baastooladii markay arkeen buu mid igu soo booday oo dhinac baan uga baydhay, baastoolada dabadeeda ayaan ku dhuftay dhegta bidix oo dhegtu way qaraxday dabadeedna kuwii kale intaanay midiyaha kugu dhufan ayaan Baastooladii is idhi lugta kaga dhufo dabadeed labadiisa lugood dhexdooda ayay ka baxday oo nin kale oo daba taagnaa ayay markaa kaga dhacday lugta. S: Ninkaa ay xabadii aad riday ku dhacday ma nin aan kooxda kusoo weerartay ka mid ahayn baa, mise waa ka mid? J: Ninkaa ay xabadu ku dhacday waa nin shiciba oo goobta taagnaa. S: Ninkaa dhaawiciisu intee le’egyahay? J: xabadu may jabin lafta oo way yar jiidhaysay, ka dib markaa tuug ka mid ah kooxda ayaanu is galay. S; Had iyo jeer halkaa Basas-ka Kililku waa goob khatar ah ayaa la sheegaa oo tuugtu aad ayay ugu badan tahay, arintaasi ma jirtaa? J: Dadkii way ii sheegeen, oo waxay yidhaahdeen xaga hore ayay dadka, Mobile-da kaga qaadaan ninka Farmasigii Dalsan haystaana wuxuu igu yidhi halkan habluhu markay nagaga baxaan lacagtay kaga qaadaanba. S: Hay’adaha amniga maxaad usoo jeedinaysaa? J: Waxaan usoo jeedinayaa hay’adaha amniga in xoog la saaro oo si wanaagsan bilayska loo hal galiyo, oo bilayska badan ee shirkadaha iyo hay’adaha ilaalinayaa ay ilaaliyaan masuuliyiinta qaranka oo xil la iska saaro, maxaa yeelay maanta ceeb bay ahaan lahayd anigoo ku dhinta qarankay ceeb ku ahaan l;ahayd, xukuumada cusub ayay ceeb ku ahaan lahayd, markaa waa in masuuliyiinta aad loo ilaaliyo amaankooda. |