Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2441

August 27,2010                                                                              Ramadan 17,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 

Guddoomiyaha Togdheer Oo Xadhiga Ka Jaray Wado Cusub Oo Laga Dhisay Burco

Burco, August 27, 2010 (Haatuf) – Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Yaasiin Maxamed Cumar ayaa maalintii shalay xadhiga ka jaray Wado cusubo oo laamiy ah, taas oo dhererkeedu yahay hal Km.

Wadadan Laamayda ah ayaa dhaqaalaha ku baxay la sheegay inay gaadhaysa $70,000, taas oo ay bixisay dawladda hoose ee magaalada Burco, isla markaana ay dhistay.

Duqa magaalada Burco Maxamud Axmed Xasan (dheglaab) oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay oo uu yidhi “Halkan waxa aynu isagu nimi in aanu xadhiga ka jaro wadadan cusub oo ah mid ay dawlada hoose dhistay isla markana maalgalisay iyada oo aanay cidna gacan ku siin magaaladan oo aan deked lahayn kastamna aan lahayn oo dakhliga ugu badan ee aanu leha u yahay ardiyada yar iyo waxa naga soo gala saylada xoolaha ayaa hadana aanu ku dedalay in aanu isku dayno in aanu wax ka qabano adeegyada magaalada inti itaalkayaga ah wadadan aynu saaka xadhiga ka jarayno mid kale oo leeg ayaanu bilaabayna imiinka halkan aad arkaysaana qarashka ku baxay qadarkiisu waa $70.000, waxa aanu dhinacayaga ku dedalaynaa u shaqaynta bulshadayada balse iyana waxa aanu ka codsanynaa in ay dhinacoda gacan naga siiyaan hawlaha qaranka".

Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Yaasiin Maxamed Cumar oo isagu xadhiga ka jaray wadan laamiga ah ee dawlada hoose dhistay ayaa waxa u dawlada hoose aad ugu amanay waxqabadakan "waxa aan aad idiinku bogadinaya waxqabadkan muuqda ee aad la timaadeen waxa aan idiinku boorinayaa in aad halkaa ka sii wadan anagu waxa aanu nahay maamulkii cusba ee Gobolka yimi waxa aanu ku hawlan nahay wixii ay balan qaaday xukumada cusubi sidii aanu uga dhabayn lahayn waxa jira wax badan oo gobolkani qabsaday dhinaca xukumada dhexe waxa aani idiin balan qaadayna in anu wax badan gacan idiinku siin doono".

gudoomiyuhu waxa u dawlada hoose ka codsaday in cashuraha ay qaadan 5 % ugu daraan jaamacada Burco,waxana u ugu danbayntii bulshada Gobolka Togdheer kula dardarmay in ay isku duubnida ogaadan danta guud iyo amnigana si guud loga wada shaqeeyo. Waxa kale oo halkaa ka hadlay Cuqaal iyo waxgaradkale oo badan.