|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2441 |
August 27,2010 Ramadan 17,1431H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Madaxweyne Siilaanyo Oo Ogolaaday Maxjarka Abu Yaasir Ee Berbera Hargeysa, August 27, 2010 (Haatuf) – Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Sillaanyo ayaa digreeto uu maalintii shalay soo saaray ku ogolaaday Maxjarka uu ka dhisayo Berbera ganacsadaha Carbeed ee Abu Yaasir. Warsaxaafadeed Madaxtooyada ka soo baxay maalintii shalay oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka Madaxweynaha C/laahi Maxamed Daahir Cukuse waxa uu u qornaa sidan:- Madaxweynaha JSL Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu soo saaray Maanta Digreeto uu ku ogolaanayo Maxjarka National Berbera Quarantine. Markuu arkay: Qodobka 11aad iyo Qodobka 22aad ee Dastuurka qaranka. Markuu arkay : Taladii gudiga kasoo talinta maxjarka cusub ee Berbera. Markuu dhegaystay: Ganacsatada kala duwan ee xoolaha dhoofisa. Markuu tixgeliyay: Duruufaha siyaasadeed iyo tan dhaqaale ee wadanku ku jiro Madaxweynaha JSL: Wuxuu ogolaaaday in maxjarka National Berbera Quarantine ka mid noqdo maxjarada xoolaha lagu caafimaadiyo. Maxjarkan National Qaurantine Berbera waxuu furmayaa marka lahelo ruqsad cadaynaysa in xoolaha looga dhoofin karo wadamada khaliijka. Madaxweynaha JSL: Isagoo tixgelinaya Qaybta 3aad, Qodobka 3.1.1 ee Xeerka Xoolaha ee Qaranka (national veterinary code) wuxuu madaxweynuhu cadaynayaa in gebi ahaanba maxjaradu noqodoonaan hanti qaran mustaqbalka loona celindoono ganacsatada wixii ka galay. Iyadoo maamulkiisa ay xukuumadu si buuxda u yeelan doonto. Isagoo tixraacaya taladii gudiga xukuumada ee maxjarka cusub Madaxweynaha JSL wuxuu farayaa wasaarada xanaanada xoolaha deegaanka iyo horumarinta reer miyiga, maamulka maxjarka iyo dhamaan ganacsada xoolaha dhoofisa in maxjarka shaqeeya ee dawlada loo wada isticmaalo si siman oo cadaalada. waxaana reeban wax kasta oo rebshad ama caqabad ku keeni karta xoolaha dhoofintooda. |