Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2441

August 27,2010                                                                              Ramadan 17,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 

Dagaalka Muqdisho Oo Maalintii 4aad Galay, Tirada Barakacayaasha Oo Korodhay Iyo Wasiirada Sh. Shariif Oo Kulan Yeeshay

Muqdisho, August 27, 2010 (W.Wararka) – Dagaalo aad u culus oo u dhexeeya ciidamada Sheekh Shariif oo kaashanaya Amisom iyo Kooxda Al-shabaab ayaa maalintii Afraad waxa uu ka socda magaalada Muqdisho ee dalka Somalia, kaas oo sababay khasaaro dhimasho 100 Qof iyo Dhaawac ka badan 500 Qof.

Dagaalka oo ka dhacay qaybo ka mid ah magaaladda Muqdisho gaar ahaan goobihi lagu dagaalamaayay sida xaafadda Hodan iyo Howlwadaag, ayaa dadweyne fara badani ka qaxeen goobahaasi, kuwaas oo wixii maacuun ah ee ay qaadi kareen iyo naftoodaba kala cararay goobaha dagaalka.

Sidoo kale Madaafiicda habawga ah ayaa sida dhibcaha roobka ugu soo hooraya Suuqa Bakaaraha iyo xaafadaha ka fogfog goobaha dagaalka, halkaasna khasaare ba’an gaadhsiiyeyey shacabka ku dhaqan Muqdisho.

Maalintii Isniinta ayay ahayd markii kooxda Al-Shabaab ay ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Dawladda taagta daran ee uu hogaamiye Sheekh Shariif iyo Ciidamada AMISOM, waxaanay u qaylo dhaan dirsadeen dhamaan xubnahooda ku sugan gobolada dalka, iyada oo lagu soo waramaayo in kooxo gurmad ah ay ku soo qul qulayaan Muqdisho.

Dhinaca kale Golaha Wasiirada Dawladda sheekh shariif ayaa kulankoodii todobaadlaha ahaa shalay ku yeeshay magaaladda Muqdisho gaar ahaan xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya, Kulanka oo uu shir gudoominayey Raysalwasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, waxaana kasoo qaybgalay Wasiirada Xukuumada Federaalka.

Afhayeenka Xukuumada C/qaadir Maxamuud Walaayo oo kulankaas kadib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in lagaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihin dhaqaalaha, amniga iyo dhacdadii Hoteelka Muna.

Wuxuu sheegay in Wasiirka amniga qaranka uu kulanka kaga warbixiyey xaaladihi ugu danbeeyey ee dalka iyo weliba qorsheyaasha ay wado Dawladda ee ku saabsan dhinaca  amniga.

Mr. Walaayo ayaa intaas raaciyey in Wasiirka Maaliyadda uu kulanka kasoo horjeediyey qorshe qabyo ah oo ku aadan in dib u habayn lagu sameeyo dhaqaalaha Dawladda.

Gaba gabadii kulanka ayay Wasiirada si kulul u canbaareyeen qaraxii dhowaan ka dhacay Hoteelka Muna ee magaaladda Muqdisho oo ay ku dhinteen Xildhibaano iyo Saraakil ciidan ka tirsan Dawladda Sheekh Shariif.