Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2441

August 27,2010                                                                              Ramadan 17,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 

Macalimiin Loo Tobabaray Inay Wax Baraan Caruurta Baahiyaha Gaar Ka Ah Qabta Oo Shahaadooyin La Gudoonsiiyey

Hargeysa August 27, 2010 (Haatuf)-laba iyo toban Macalin oo loo tababaray inay wax baraan Caruurta baahiyaha gaarka ah qabta (Specail Needs) ee xiskoodu dhiman yahay ayaa shahaadooyin la gudoonsiiyay, ka dib markii ay muddo hal sano ah tababar ku qaateen inay wax baraan caruurta xiskoodu dhinam yahay. Macalimiintan oo ka kala socday gobolada Awdal, Saaxil, togdheer iyo Sanaag, ayaa tababarkan waxa maalgeliyey hay’ada IAS.

Munasabada shahaadadaha lagu godoonsiinayay macalimiintan ayaa waxa lagu qabtay xarunta wasaarada waxbarashada, islamarkaan waxa ka soo qaybgalay agaasimaha waxbarashada C/raxmaan Maxamed Maal, Area Maneger Jaamac Ducaale Xuseen, oo ah sarkaal ka tirsn hay’ada IAS, xafiiskeeda Hargeysa.

Munasibadan oo ugu horayn uu hadal kooban oo isugu jira dardaaran, dhiiri galin iyo in macalimiinta tababarka u dhamaaday  ay macluumadkii ay barteen u sii gudbin doonan macalimiinta kale, isaga oo sheegay in tababarkan ugu horayn laga furay Hargeysa, islamarkaana noocani u yahay mid xirfadaysan.

Agaasimaha guud waxa uu ka waramay, faa’iidada ay macalimintan tababarka qaatay u yeelanayaan caruurta ay waxbarayaan ee baahiyaha gaarka ah qabta ee xiskoodu dhiman yahay, waxanu intaa ku daray, caruurta ku jirta iskuulka baahiyaha gaarka ah qabta, in kuwooda ladnaada loo gudbiyo iskuulada kala , islamarkaana laga war-hayo.waxanu kula dardaarmay macalimiintan. Inay ummada uga faa’iideeyaan macluumaadkii ay barteen ee muddada ay baranayeen.