Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2441

August 27,2010                                                                              Ramadan 17,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 

Agaasimaha Guud Ee Cusbitaalka Hargeysa Oo sheegay in ay cusbitaalka keenen Saddex Mishiin Oo ah kuwa lagu naddiifiyo

Hargeysa, August 27, 2010 (Haatuf) - Agaasimaha Guud Cusbitaalka Magalada Hargeysa C/risaaq Yuusuf C/laahi ayaa sheegay in cusbitaalka guud ee magalada Hargeysa  ay keneen qalab casri ah oo ka kooban  Saddex Mishiin oo ah kuwa wax  lagu naddiifiyo qalabka Dadka qalinka lagu qalo, waxa kale oo uu xusay in cisbitaalku baahi weyn u qabay qalabkaasi. Agaasimaha oo hadalkisa sii wata  ayaa Waxa  uu cadeyay in ay  xoojinayaan,  tayada caafimad ee Cusbitaalka ,  waxana noo sahlaya ayuu yidhi Mishiinadan casriga ah ee la  kenay Cusbitaalka Hargeysa  ,Waxna uu xoosta ka xariiqay in ay saddexda mishiinba ay tijaabiyeen oo ay si fiican u shaqeynayaan,Isaga oo arintaasi ka hadlayna waxa uu yidhi “ Runtii waxa  Farxad weyn noo ah in qalabkan oo aanu ku soo iibsanay lacag dhan Lix-kun oo Doolar $6,000 qalabkiina aanu si fiican ugu hawlgalnay oo aanu kaga raysanay warwarkii naga haystay halkii mishiin ee kali ahaa ,  waxase runtii nasiib darro ahayd in ummado  dhan oo qalliin lagu sameynayo oo xaladoodu degdeg tahay aynu hadana ku tirsanaan jirnay hal mishiin oo kaliya  , mishiinkanina waa mid aad u gaboobey oo wakhtigiisu ku siman yahay ilaa 1948kii, waxana uu ahaa mid aan kalsoni badan laga qabin oo xili kasta laga cabsi qabay in uu xumaado, waxa ay nagu noqotay in aanu u hawlgalno sidii qalab loogu soo iibin laha xaruntan qaliinada, waxana iska ururiyay lacagtada lagu soo iibiyey qalabkan  dhakhtiirta  qabilsan qaybta qaliinka ee Cisbitaalka.

Agaasimaha Cisbitaalka  ayaa  mar uu faahfahin ka bixinayey Xalada guud ee cisbitaalku ku sugan yahay waxa uu yidhi “ Cisbitaalku runtii waxa la sammeeyay 1953 dadka dagen Hargeysina waxa ay ahaayeen ilaa 30,000 ruux, lakiin manta waxa kunool Caasimada hargeysa ilaa Halmilyan oo Qof waxa intaasi si dheer ilaa 2Milyan oo kale oo iyaguna eeganaya  cisbitaalka, dhibaatada na haysta waxa ka mid ah in dadka uu qadayo isbitaalku ay ka bateen tiraddii logu tallo galay, marka waxa weyi in aynu sameysano Cisbitaal wax inoo qadi karaWaxa kale oo uu Agaasimuhu ka hadlay xidhiidhada uu la sameeyay dadka ajnabiga ah ee daneynaya Cisbitaalka guud waxna uu yidhi “ waxanu sameynay xidhiidho Caalami ah waxanuna la kulanay gabadh Talyani ah oo ku takhsuustay nashqadaha Cisbitaalada, kadibna waxa aanu wada qiyaasnay cabirka dhul ee uu ku fadhiyo Cisbitaalku, marka waxa aanu ka codsanay in ay noo soo sameyso qaab weyn oo cisbitalku ku qaadi karo , oo halka uu cisbitaalku markii hore ka qaadi jiray 400 sariirood  in imka laga dhigo ilaa 1,000 sariirod  nashqadaana lano  keeno kadibna aanu ku  hawlgalno.