Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2441

August 27,2010                                                                              Ramadan 17,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 

Buug Xiiso Leh Oo Ay Qortay Maryan Jamiila Kadib Markii Ay Soo Islaamtay

Waxaa Tarjumay Abshir A/Xasan [Qaybtii 20aad]

Faraqa qudha ee yimid waa gacmaha oo isbadalay. waxa ay arintani si cad u muuqatay, markii uu qalalaase lagaga soo horjeedo Muslimiintu ka dhacay magaalada Caligarah iyo magalooyinka kale ee Hindiya ku yaal, halkaas oo  muslimiin badan oo aan dambi lahayn  lagu laayay. Nehroo oo ah nin bilaa diin ah, si adagna u aaminsan hantiwadaagu, waxa uu raacaa hababka maadiga ku dhisan sida madaxdiisii hore ee isticmaarka. Kama laabto in uu ku isticmaalo cadaadis la mid ah kii uu Ingriisku dadka Hindiya ku hayn jiray. Haddii aanu isagu ahayn dambiilaha dhiirigaliya xaaqista muslimiinta Hindiya, ma jirto wax uu ka qabtay joojinta ama ciqaabista kuwa masuulka ka ah arintan. Tiirka salka u ah wadaninimada ku dhisan habka reer Galbeedku waa nacaybka kooxaha laga badan yahay. Wadaninimadu waxa ay go'aamisaa in ay muwaadiniintu isku isir ahaadaan, kuna wada hadlaan af isku mid ah, iyo in lagu fuliyo xeerar isku mid ah; uma dulqaadato kala duwanaanshaha. Isku midnimada waa in lagu ilaaliyee qiimo kasta. Mabda'ani waa ka ku fidsan aduunka oo dhan. Waxa aynu ku aragnay Midawga Soofiyeeti sida ay ula dhaqanto kuwa aan Ruushka ahayn. Waxa aynu aragnay wixii ku dhacay Yuhuuddii ku hoos noolayd xukunkii Naasiga iyo ayaandarada Carabta ku haysata "Israaiil". Imika hoogaas laftiisa ayaa ka socda Hindiya. Lama yaabani haddii uu Nehruu ka qaato casharkiisa xagga Naasiga iyo Sihyooniyadda si uu u dhaco hantida muslimiinta Hindiya, ugana eryo dalka, tarabtarbna u laayo. Arintani waxa ay ka soo horjeedaa habka islaamka ee ku dhisan dulqaadka, ilaaliyana diimaha laga badanyahay in ay ku kobcaan dhaqankooda, kuna noolaadaan sida xeerarkoodu dhigayaan iyago oo aan cidhiidhi la gelin.

Sharaxaagii ku saabsanaa waxa uu Islaamku u mamnuucay sawiradu, waxa uu ahaa mid  faa'iido leh, caqligalna ah. Waxa aan had iyo goor rumaysanaa in uu ka dhexeeyo xidhiidh qoto dheeri fanka wayn iyo rumaynta diinta. Xaggayga, masaajiddada waawayn sida Ibna Dooloon oo Qaahira ku yaal iyo Masjidka Qurduba iyo masjidka Istanbuul iyo masaajidada kale ee badan kuna kale yaala aduunyada muslinka ah, xarfaha quruxda leh ee bilicda wanaagsan siiya Quraanka, Sijaadadaha, dharka, dheryaha, iyo qalabka ka samaysan quruuraduhu, waxa ay cabiraad la taaban karo u yihiin faa'iidooyinka ruuxiga ah ee islaamka. Miyaanu Rasuulkeenii suubanaa odhan Ilaahay wuu qurxoonyahay, waxa aanu jecelyahay quruxda?

Markii ay ilbaxnimada islaamku gaadhay halkeedii ugu saraysay, fanku ma ahayn wax lagu keydiyo golooyinka Hidaha iyo Dhaqanka, ee waxa uu ahaa qaab ka mid ah nolosha qofka caadiga ah. Waxa aad moodaa in aannu fanku qayb ka ahayn nolol maalmeedka qofka reer Galbeedka ah.