Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2441

August 27,2010                                                                              Ramadan 17,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 

Imaaraadka Oo Laga Joojay Guurka Haweenka Muslimka Ah Ee Ajaanibka Ah

Muftiga caan ah oo si weyn looga yaqaano Imaarada Dubai oo lagu magacaabo Dr Ahmad al-Haddad, iyo Qaar ka mid ah Aqoonyahaynka u dhashay dalka Isutaga Imaaraadka Carabta ayaa ku baaqay in ragga u dhashay Imaaraadka Carabta laga mamnuuco in guursadaan haweenka Ajaanibka ah ee dalkooda ku nool si ay u sii korodho lacagta ku baxda guurka lamaanayaasha is guursada ee u dhashay dalkooda oo lagu qiyaaso in ka badan $490,000 Cdn.. Baaqan soo baxay qaylo dhaanta ah ayaa ku soo beegmay xilli ay si xawli ah u sii kordhayso tirada ragga u dhashay Isu taga Imaaraadka Carabta ee guursanaya dumarka Ajaanibka ah ee ku dhaqan Imaraadka taas oo korodhay 10% Afartii sano ee u danbaysay haba ugu sii badnaato Imaarada Dubai.   Hogaamiyayaasha dhinaca diinta ee dalkaas ayaa si kulul u canbaareeyay lacagta xad dhaafka ah ee dadka dalkaa u dhashay ee is guursanayaa ay ku bixiyaan meherka iyo xafladaha aroosyadda, taas oo sababtay in Ragga Imaaraatiga ahi ay u leexdaan guurka dumarka ajaanibka ah oo aad uga kharash xaga meherka iyi xafladaha guurkaba marka la barbar dhigo haweenka u dhashay dalkaImaaraadka Carabta.   Dr Ahmad al-Haddad, the Grand Mufti, waxa uu ku adkaystay in uu doonayo in la adkeeyo oo la mamnuuco guurka ajaanibka ah, waxaanu soo jeediyay in la ogolaado oo kaliya guurka lamaanayaasha Carabta Muslimka ah oo kaliya, isaga oo ku taliyay in nin waliba aanu ka badin guurkiisa hal xaas oo kaliya. Mar uu ka hadlayay in qorshaha uu soo bandhigay uu waafaqsan yahay Diinta Islaamka iyo in kale waxa uu yidhi " Waa run oo Islaamku wuu jideeyay in qofka Islaamka ahi u xor u yahay doorashada guurkiisa, laakiin qorshahan aan ku baaqay waxa uu dan u yahay dadka dalkayga”. Si kastaba, ha haatee, qorshahan mamnuucida ah ee uu soo jeediyay Dr Ahmad al-Haddad, waxa uu u dhaw yahay sida ay sheegeen dadka arrimahan u dhuun daloolaa in uu ka aqbali doono Amiirka Imaarada Dubai Sheikh Mohammed bin Rashid al-Maktoum oo min yaro ka dhigtay gabadh u dhalatay dalka Jordan. Warku waxa uu intaa ku daray in dadka Ajaanibka ah ee ku nool dalka Imaaraadka Carabtu in ay aad u korodhay mudooyinkan danbe, tusaale ahaan Imaarada Dubai dadka ku nool Sagaalkii qofba mid ka mid ah ayaa Ajaanib ah.

Sidoo kale, Horaantii sanadkan aynu ku jirno ee 2010-ka, ku dhawaad Seddexdii aroos ee ka dhaca Imaarada Dubai mid ka mid ah ayaa ah aroos Ajaanib ah sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Xarunta tiro koobka ee Dubai. Warbixintu waxa kale oo ay hoosta ka xariiqday in dadka maalaqabeenada ah ee u dhashay dalka Imaaraadku ay ku bixiyaan meherka, qabashada xaflada arooska iyo hadiyadahala isku waydaarsado arooska lacag gaadhaysa $523,000 Cdn. Warbixintan oo lagu daabacay Wegeyska Daily Telergraph, waxa kale oo ay ka dhawaajisay in Tirada haweenka Imaaraatiga ah ee soo qaatay waxbarashada sare in ay aad uga badatay marka la barbar dhigo ragga Imaaritiga ah , taas oo sababtay in haweenka mutacalimiinta ah ee dalkaa u dhashay ay door bideen in ay  soo guursadaan rag ajaanib ah.