|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2441 |
August 27,2010 Ramadan 17,1431H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Sucuudiga Qorsheynaya Dhismaha Magaalo Cusub Oo Ay Ku Baxayso Dawaladda Boqortooyqdda Saudi Arabia Ayaa si rasmi ah ugu dhawaaday in ay wado qorshe ay ku dhisayso magaalo cusub oo aan hore u jirin oo loogu talo galay dadka Xujaajta ah ee imanaya Xajka oo ay ku bixi doonto lacag gaadhaysa Siddeed Bilyan Oo Dollarka Maraykanka ah sidaana waxa sheegay Wasiir ku xigeenka Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Miyiga ee Saudi Arabia. Wasiir ku xigeenku waxa sheegay in magaaladan cusub ee hirgalinta dhismaheeda la qorsheeyay in loogu talo galay in laga dhiso guryo loogu talo galay in ay seexdaan Xujaajta u imanaysa gudashada Xajka, waxaanu tibaaxay in ay magaaladaas cusub loogu talo galay in la dejiyo oo ay seexdaan xujaaj tiradooda lagu qiyaasay Laba Milyan Iyo Shan Boqol Oo Kun qof oo ka kala yimaada sanad walba dhamaan dalalka dunida ee ay ku nool yihiin dadka Islaamka ahi. Dhismaha magaaladan cusub ee loogu talo galay dadka Xujaajta ah ayuu Wasiir ku xigeenku xusay in laga hirgelin doono dhismaheeda magaalada Mina dhinaca bari ka xigta magaalada barakaysan ee Makkah ooh ore can ugu ahayd in xujaajta sanad kasta soo xajiyaysaa ay ka dhistaan taanbuugyo. Si kastaba ha ahaatee, waa markii u horaysay ee Dawladda Suadi Arabia ay ku dhawaaqdo in ay wadi qorshe ay ku dhisayso magaalo cusub oo gaarv u noqondoonta dadka Xujaajta ah, waxaana soo dhaweeyay qorshahan dad badan oo Muslimiin ah oo sheegay in uu ay weyn u tari doonto magaaladan cusubi dadka tirada badan ee soo xaja sanad kasta. |