Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2442

August 29,2010                                                                              Ramadan 18,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 

Shirkada Total Oo La Filayo Inay Dhawaan Ka Xamaan Urursato Dalka Iyo Culayska Ay Ku Hayso Shirkadaha Yaryar Ee Shidaalka Keena

Hargeysa, August 29, 2010 (Haatuf) – Shirkada Total ayaa la filayaa inay dhawaan dalka ka xamaan urursato ka dib markii ay ku guul daraysatey doorkii maalgashi ee ay dalka Somaliland u timid, taas oo dawladdii Marxuum Cigaal kula heshiisay inay dalka keento shidaalka muddo 50 sano ah.

Shirkada Total ayaa ayaa ay ilo xogogaal ahi sheegayaan inay bilihii ugu dambeeyey aanay wax shidaal ah dalka Keenin kadib markii shirkadaha wadaniga ah ee Redsea iyo Qaran ay keeneen shidaal ka jaban ka ay keento shirkadda Total.

Shirkada Total ayaa iyadu foostada shidaalka ah siisa $180 halka ay shirkadaha wadaniga ahi ay ka siiyaan $135, taas oo keentay in macmiil farabadani ay ka guuraan shirkada Total una guuraan shirkadaha yaryar ee wadaniga ah ee keena dalka Shidaalka jaban.

Shirkada Total ayaa iyadu la soo baxda shidaalka ay Haamaha Berbera ku kaydiso xiliga uu kala ga’o shidaalka ay hayeen shirkadaha yar yar ee wadaniga ah, isla markaana ka faa’idaysata oo ku iibisa qiime aad u sareeya.

Dhawaan ayay ahayd markii Badhasaabka gobolka Saaxil Maxamud Cali Heyste (Ramaax) uu dhawr jeer ka dhawaajiyey in laga noqdo heshiiska shirada Total lagu siiyey inay keento shidaalka, taas oo uu sheegay Badhasaabku inay Total caqab ku noqotey qiimaha macquulka ah ee dunida uu ka taagan yahay oo Somaliland uu qiimo sare oo qaaliya ay kaga iibiso.

Sidoo kale Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa isagu dhawaan mar uu warbaahinta ka hadlay shaaca ka qaaday in aanay shirkadda Total shidaal keenista dalka kooto (Monopoly) ku haysan doonin.

Total ayaa iyadu muddo dhawr iyo toban sano ah Haamaha Shidaalka ee Berbera gacanta ku haysay, taas oo aan haamahaasi aanay ku qabin wax dayactir ah.

Baarlamaanka Somaliland ayaa tan iyo wakhtigii Xukuumaddii hore ay shirkada Total heshiiska u cusboonaysiisay keenista Shidaalka dalka, ayaa dhawr jeer oo ay ka hadleen tilmaamay inuu yahay heshiis sharciga baalmarsan oo aan dastuurka waafaqsanayn, sidoo kale aqoon yahano iyo waxgaradka Somaliland ayaa in badan naqdiyey heshiiskaas xukuumadihii hore la gashay shirkada Total.

Si kastaba ha ahaatee waxa la filayaa in xukuumada cusub ee madaxwayne Axmed Siilaanyo inay ka dhabayso balanqaadyadeedi wakhtigii xisbiga Kulmiye uu ahaa mucaaridka, isla markaana uu balanqaadyadiisii ku cadeeyay in haddii uu talada dalka ku guulaysto, u wax ka qaban doono shirkadaha shisheeye ee kootada loogu xidhay shidaalka, ganacsiga xoolaha, isla markaana uu siyaasadiisa ku xardhay ganacsigu noqon doono mid xor ah oo la jaanqaada caalamka oo furfuran, sidoo kale Axmed Siilaanyo ayaa carabaabay in xukuumaddiisu ay tixgalin doonto heshiisyadii xukuumaddii hore gashay, balse ilaa iyo hadda lama oga in shirkadda Total ay ka mid noqon doonto iyo in kale.