Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2442

August 29,2010                                                                              Ramadan 18,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 

Madaxweyne Dhegaha Shacabka S/Land Saddex Ka Ilaali Ma Maqli Karaane

Faallo: Wariyaha Haatuf Ee Boorama, Haashim Goth

Mudane Madaxweyne waxaan ku xasuusin lahaa saddex Arimood in aad ka ilaaliso inay dhegaha shacabku ka maqlaan xukuumadaada, saddexdaa Arimood waxay yihiin Xidhiidhkii Ethoipia iyo Somaliland ayaa xumaaday, Khasnadii lacagi kuma jirto iyo Ictiraaf lama hayo, hadaba Mudane madaxweyne haddii aan tafsiir ka bixiyo waxyaabaha maalmahan iyo intii aad magacawday xukuumadaada ay qorayeen saxaafadaha dalka ka soo baxa waxay dhegaha shacabka maqashiiyeen saddexdaa arimood oo ah in xidhiidhkii Ethoipia xumaaday, in khasnadihii faaruqeen oo xawaaladd musharka laga qaatay iyo in Somaliweyn loo socdo oo Madaxweynihii Galmudug yimid Hargaysa, waxyaahabaas oo dhana dawladeenu midna kama hadal.

Mudane Madaxweyne Xidhiidhka Ethoipia iyo Somaliland in mugdi kaa galay waxa cadaynaya adiga oo wakiilkii halkaas u magacaabay wiil aan lahayn Aqoon dublamaasiyeed oo hore sida saxaafadu qortay, sida aad ka warqabtana Ethoipia waa dalka keli ah ee Somaliland siiyay xidhiidh Dublamaasiyeed, waana dalka keli ah ee ogol inay inoo noqoto dariiqa aan u mari lahayn xidhiidhka Aduunweynaha, lamana halmaami karo xidhiidhka ganacsi ee Somaliland la leedahay, haddii ishaasi xidhantana waa gorayooy gabal kuu dhac, shacabka dhegahoodana ma maqli karaan xidhiidhkii Ethoipia aan lalahyn ayaa xumaaday, sababta oo ah waxa inaga dhexeeya danahaas faraha badan.

Mida kale khudbadaadii ugu horaysay waxaad ku furtay khasnadihii oo faaruq ah ayaan u imid, Arintaasi waxay keentay in shaqaalihii dawladda laga joojiyo Amaahdii biilasha, waxaana halis lagu galay in la is boobo, xusuusta ku darso in maamulka ay ka mid tahay SIRTU, si kastaba ha ahaatee mushaharka laga qaatay xawaaladaha halkaasna dadka waxbaa uga baxay, ogow gurguurato waa lagu gurya gaadhaa, wixii gargaar Amaaheed ah waxa fiican in aad mariso nidaam dawladeed.

Mudane Madaxweyne waxa kale oo aan ku xasuusinayaa weli xukuumadaada lagama maqal ka hadalka Ictiraafka, maalmahana waxa soo baxayay in xildhibaano ka soo qoostay Xukuumadii TFG qaarkood joogeen Xafladaadii qaarna dhawaan gobolka Awdal aad ku xidhay, halkaasina waxa ka bidhaamay Lafahana waan cunaa maraqana waa xaaraan.

Madaxweyne waxaan kugula talinlahaa in aad dhegaha shacabka Somaliland ka ilaaliso saddexdaa arimood ee aan soo sheegnay, dhanka kalana in aad iska ilaaliso turaanturooyinka ay kuu dhiigayaan qaar ka mid masuuliyiinta aad magacawday, taas oo ay ugu wacan tahay Aqoon la’aan dhinaca maamulka ah oo aanay hore u soo marin iyo waayo aragnimo la’aan haysata, dib u eeg qolyaha aad magacawday min heer Wasiir, Gobol iyo ha’yadeed durba talaabooyinka ay qaadeen mudadaas, yaanay shacabka nacaybsho kuu gelin.