|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2442 |
August 29,2010 Ramadan 18,1431H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Wasiirkii Hore Ee Arrimaha Gudaha Oo Waxba Kama Jiraan Ku Tilmaamay In Isaga Iyo Rayaale Ay Saraakiil Maraykan Ah Kula Kulmeen Jabuuti Hargeysa, August 29, 2010 (Haatuf) – Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Somaliland C/llaahi Ismaaciil Cali (Cali) ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay war shalay uu daabacay wargeyska Ogaal oo sheegayay, in isaga iyo madaxwaynihii hore Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ay dhawaan Markab Maraykanku leeyahay oo ku sugan Jabuuti kula kulmeen Saraakiil sar sare oo Maraykan ah oo waraysi la yeeshay, waxaanu C/laahi Ciro ka dhawaajiyey in aanu warkaasi waxba ka jirin Jabuutina uu u tagay arrimo shakhsi oo gaar ah. Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha C/llaahi Ismaaciil Cali (Ciro) waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu xalay wargeyska Haatuf kula soo xidhiidhay khadka tilifoonka isaga oo ku sugan magaalada Hargeysa. C/llaahi Ismaaciil Cali Ciro ayaa waxa uu ka soo noqday safar shaqsiya sida uu sheegay oo uu ku tagay dalka Jabuuti, waxaanu sheegay in uu dalka Somaliland ku sugnaa markii warkan laga baahinayey. Mr C/llaahi Ciro, isagoo ka hadlaya ujeedada safarka uu ku tagay dalka Jabuuti, waxa uu yidhi “Markii uu wargeyska Ogaal warkaas qoray waxaan ku sugnaa magaalada Hargeysa, Safarkaygaas laga been sheegay ee aan ku tagay dalka Jabuuti waxa uu ahaa mid shakhsi oo aniga ii gaar ah, waxaanan u tagay halkaas dano gaara, waxaana qurux badan in wargeyska Ogaal warka ay qorayaan ay u meel dayaan, waxay yidhaahdeen waxa ay isaga iyo madaxwaynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin waxa ay Jabuuti kula kulmeen saraakiil Maraykan ah, waxaan shacbiga reer Somaliland u cadaynayaa in aanay waxba ka jirin warkaas, saraakiil Maraykan ah oo aan la kulmayna aanay jirin” Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha C/laahi Ismaaciil Cali (Ciro) waxa uu intaas ku daray “Warku markaad qorayso waxa uu ku wanaagsan yahay in aad xaqiiq qorto oo aad ummada ku akhrisata u baahiso, Waxaanan mar labaad u cadaynayaa ummadayda in aanay waxba ka jirin warkaas beenta ah ee la iga baahiyey, ”. |