|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2442 |
August 29,2010 Ramadan 18,1431H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Madaxweyne Siilaanyo Oo Guddi Cusub U Magacaabay Guddida Cusbitaalka Hargeysa Hargeysa, August 29, 2010 (Haatuf) - Madaxweyneha Somalilad Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shalay soo saaray digreeto uu ku magacaabay guddi ka kooban 10-xubnood oo ka hawl geli doonta cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa .Guddidan oo uu guddoomiye uga dhigay Maxamed Xuseen Caabi, halka uu guddoomiye ku xigeena uga dhigay Dr. Dr. Axmed Yuusuf Obolos. Sidaasna waxa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay xarunta madaxtooyada oo uu ku saxeexnaa afhayeenka madaxweynaha Somaliland C/laahi Cukuse Warsaxaafadeedkaas oo dhamaystiran ayaa waxa uu u dhignaa sedan Madaxweynaha JSL: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Maanta Magacaabay Guddida Cisbitaalka Guud ee Hargeisa. Markuu arkay: Qodobka 90aad ee Distoorka Qaranka. Markuu tixgeliyey: Ahmiyada ay Guddida Cisbitaalka Guud u leedahay Dhismaha Qaranka. Markuu la tashaday: Cidda ay kusayso. Markuu Kafiirsaday: Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo Markuu ku qancay: in ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay. Wuxuu Go’aansaday Madaxweynuhu: In Guddidan oo ka kooban 10 Xubnood uu Gudoomiye u ahaado, Mudane Maxamed Xuseen Caabi, Gudoomiye ku-xigeena uu u ahaado, Dr. Axmed Yuusuf Obolos, Xubnaha Guddidu waxaanay kala yihiin sedan 1: Maxamed Xuseen Caabi ( Gudoomiyaha Guddida Cisbitaalka) 2. Dr. Axmed Yuusuf Obolos ( G/ku-xigeenka Guddida Cisbitaalka) 3. Mudane Suldaan Xasan Warsame Shire 4. Mudane: Xasan Cali Muuse 5. Marwo. Aamina Yuusuf Aar 6. Marwo. Saakin Jirde Xuseen 7. Xildhibaan Cabdilaahi Cali Askar 8. Xildhibaan Yuuusuf Maxamed Guuleed 9. Mudane: Axmed Muxumed Madar 10. Dr. Cali Qaadi . Guddigan Madaxweyne Silaanyo magacaabay oo ka kooban toban xubnood oo qaar ka mid ah uu hore shaqada uga eryay Madaxweynihii hore Somaliland Daahir Rayaale Kaahin , Guddidan oo Guddoomiye looga dhigay Maxamed Xuseen Caabi oo hore Guddoomiye Cubitaalka ugu ahaan jiray ,Mr. Rayaale ayaa Shaqada uga fadhiisiyay markii u qiil uga dhigay in ay ka mid yihiin Xisbiga Kulmiye . |