Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2442

August 29,2010                                                                              Ramadan 18,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 

Madaxwayne Siilaanyo Door Intee Leeg Ayaa Uga Banaan Buuga Diiwaanka Taariikhda Somaliland?

Faallo:- Nasir Adan Moh’ed (Nawaa)

Tan iyo markii ay Somaliland xornimadeeda kala soo noqotey dalkii la isku odhan jiray Somalia waxa ay soo martey marxalado badan oo midiba mid ka hawl iyo dhibaato badneyd, Madaxwaynihii ugu horeeyey ee Somaliland C/raxmaan Axmed Cali (C/raxmaan Tuur) (AHN) waxa ahaa Guddoomiyihii SNM ee isagoo dalka maamulaya 2 sano oo dhib iyo rafaad badan, waxa uu Madaxwaynihii ugu horeeyey ee Somaliland doorwayn ka qaatey nidaamkii dib u heshiisiinta beelaha Somaliland oo hadii aan taas la samayn aanayba suurta gasheen in dawladnimo la helo, Madaxwayne C/raxmaan Tuur markii uu wakhtigii ka dhamaadayna aynu wada ogayn sidii quruxda badneyd ee uu xilkii uu hayey u soo dhexdhigay shacbiga reer Somaliland, Jabhadii xaq u dirirka ahayd ee SNM-na ka dhigtey mid taariikhda caalamka ka gasha baal dahab ah, sababtoo ah waxa ay martey wado aanay wali jabhad aduunka guudkiisa ka jirtaa aanay marin, wadadaasna waa ta maanta dalka Somaliland iyo Dadkiisaba u horseeday heerkaa ay maanta Dumaqraadiyada ka gaadho.

Madaxwaynihii 2-aad ee Somaliland Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal (AHN) isaguna waxa uu dalka kala soo dabaashay marxaladihii ugu adkaa uguna hawsha badnaa, oo waxa uu isaguna halkii ka sii amba qaaday Dumiqraadiyadii uu C/raxmaan Tuur kaga dagay xilkii madaxtinamada, waxaanu Madaxwayne Cigaal Somaliland u Unkey nidaamkii dawladnimo, waxaanu u hawl galay in Somaliland noqot mid beesha caalamku ku soo hirato, Madaxwayne Cigaal 1993-kii  marka Madaxwaynenimo loogu doortey gobolka Awdal xaruntiisa Boorama waxa uu markiiba u dhaqaaqay in uu sameeyo nidaamkii dawladnimo waxa uu markiiba sameeyey Qaramayntii ciidamada, astaantii dawladnimo oo uu ku guulaystey iyada oo aanay somaliland dhaqaale ah haysan in ay lacag u gaar ah yeelato, hadana isla intii  uu xilka hayey waxa uu sameeyey distuurkii qaranka oo 97% ummada Somaliland ugu codaysay iyo sidii uu ugu guuleytey in dalka uu uga hirgaliyo nidaamkii xisbiyada badan oo aanu Nasiibku isagana ku simin in uu sii noolaato oo  tii Ilaahay ku timid nidaamkaas oo bilaw ah.

Waxaan iyadana la ilaawi Karin oo taariikhda u gashay Madaxwayne Cigaal sidii uu ugu guuleystey, in dalku ka baxo colaadihii qabiiliga ahaa ee khatarta galiyey jiritaanka Somaliland, Madaxwayne Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal (AHN) waxa uu meel adag ka taagnaa qadiyada goobi isku taaga Somaliland oo aanu jecleyn in ay cidi ku gorgortanto, hada marka uu qadiyadaa Somaliland halkaa ka taagnaa waa wakhti ka mid ah wakhtiyadii Somaliland ugu adkaa ee soo mara, waayo maanta Somaliland waxa ay leedahay saaxiib badan oo qadiyadeeda ogal balse aan Ictiraafin, markaase waxa kaliya ee ay Somaliland hiil ka haysatey waxa ay ahayd Shacbiga reer Somaliland.

Madaxwaynihii 3-aad ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin isaguna waxa uu wakhtigiisii Madaxwaynenimo ku soo beegmey iyada oo qodoxaan badan laga guray hirgalintii nidaamkii dawladnimo, waxa isagana uga banaana buuga taariikhda Somaliland boos aad uga hawl yar boosaskii ku soo hagaagay labadii madaxwayne ee ka horeeyey C/raxmaan Axmed Cali iyo Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal (AHN) labadoodabee.

Madaxwaynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin waxa uu isaguna halkii ka sii amba qaaday Heykalkii dawladnimo wixii kaga soo hagaagay, waxaanu hirgaliyey nidaamkii Dimuqraadiyada oo hubaal ah in uu wixii uu la yimid u gali doonto buuga diwaanka taariikhda Somaliland.

Waxa Madaxwaynihii 3-aad ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin lagu xasuusan doonaa inta ay  jirto Somaliland doorkii uu ka qaatey hirgalintii doorashooyinka iyo sugidii iyo gaadhidii uu gaadhay xadadka Somaliland ee bariga ee aanay madaxwaynayaashii isaga ka horeeyey nasiibku ku simin in ay gaadhaan.

Hadaba Su’aasha meesha Taal ayaa waxa ay tahay Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo maxaa ugu banaan buuga diwaanka taariikhda Somaliland oo uu hore u galay wakhtigii halgankii hadana uu boos kale?

Iyada oo ay hubaal tahay xumaan iyo samaan wixii uu la yimaada madaxwayne Siilaanyo in ay u gali doonto buugaas, hadana Su’aasha jawaabteeda waxaan u daynayaa akhristayaasha.

Nawaa117@hotmail.com