Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2442

August 29,2010                                                                              Ramadan 18,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 

Kenya Oo Difaacday Marti Qaadkii Ay U Samaysay Madaxweyne Dalka Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir

 Nairobi, August 29, 2010 (W.Wararka) – Dawladda Kenya ayaa difaacday marti qaad ay u samaysay Madaxweynaha Dalka Sudan Cumar Xasan Al-bashiir, kaas oo maxkamada dambiyada dagaalka Haige ay waaran lagu soo xidhayo u jartay.

Mr. Al-bashiir ayaa isagu maalintii shalay ka dhex muuqday madashii lagu saxeexayey Dastuurka Cusub ee uu dhawaan dalkaasi u codeeyey.

Midowga Yurub iyo maxkamada dambiyada dagaalka ee Haik ayaa labaduba waxaa ay ka dalbadeen Kenya inay xidho madaxweynaha Sudan si loogu qaado dambiyada dagaalka ee la sheegay inuu ka galay gobolka Darfur.

Wasiirka arimaha dibada Kenya Musas watan gula ayaa mar uu maalintii shalay la qaar ka mid ah warbaahinta waxa uu sheegay inay difaacayaan imaatinka madaxweyne Al bashiir ee dalka Kenya, waxaanu intaasi ku daray in martiqaadkaasi uu ahaa marti qaad oo uu dowladooda ka helay.

Xeer ilaaliyaha maxkamada dambiyada dagaalka ee Haik ayaa u gudbiyay golaha Amaanka ee qarmada midoobay tagitaanka Al bashiir ee Kenya iyo ka raali ahaanshaha ay dowlada Kenya ay arintaasi ka muujisay.

Inta badan wadamada qaarada Afrika ayaa haatan u muuqda kuwo u hogaansamay Amarkii ay horay Midowga Afrika uga soo saareen arinta madaxweyne Al bashiir oo ahayd inuu si xoriyad ah ku dhex mari karo dalalka qaarada Afrika iyo in aan wax u hogaan san ah laga samayn qoraalka maxkamada Haige.