Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2442

August 29,2010                                                                              Ramadan 18,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 

Ururka Somaliland Wales Link Oo Qalab Ugu Deeqay Xarunta Daryeelayasha Sare Ee Cafimaadka Iyo Umulisooyinka

Hargeysa August 29, 2010 (Haatuf)- Jaaliyada Somaliland ee dalka Ingiriiska ee Magacooda la yidhaahdo Somaliland Wales Link ayaa deeq qalab caafimada ah soo gaadhsiyey Ururka daryeelayasha Sare ee Cafimaadka iyo Umulisooyinka ee Somaliland, Ururkan oo Xaruntiisu tahay dalka Ingiriiska Gaar ahaana magaalada Cardiff ayaa waxa uu ka shaqeeya Harumarinta Somaliland dhinaca Caafimadka iyo Tacliinta,

Tababar shalay u furmay umulisooyinka oo aqoontooda sare loogu sii qaadayo oo socon doona saddex maalmood, ayaa Agaasimaha Guud ee Ururka Daryeelka Sare ee Cafimaadka iyo Umulisooyinka Marwo Foosiya Maxamed Ismaaciil oo ugu horayn ka hadashay Qalabkan ay Somaliland ugu soo deeqeen Ururkaasi, waxayna sheegtay in ay aad ugu faraxsan yihiin Deeqdan ay soo gaadhsiyeen ururkan la yidhaahdo Somaliland Wales Link. Waxa kale oo ay xustay Marwo Foosiya Maxamed, in wadashaqeyn fiican uu ka dhexeeyo iyaga iyo Ururka Qurbo-jooga ah,

Waxa kale oo ay hoosta ka xariiqday in ay geed dheer iyo mid gaabanba ay u fulaayan sidii kor ay ugu qaadi lahayeen  ilaalinta Cafimaadka hooyada iyo dhalaanka oo ah mid muhiim u ah Bulshada Somaliland,

Marwo Fosiya oo Arimahaasi ka hadlaysan waxa ay tidhi “Waxaanu garaaci doona albaab kasta oo wax tar inoo leh,  waxa  aan aad u amaanayaa qoladan inoo suurta galisay in aynu tababarkan qabsano oo inoo soo diray qalabkan laydunku tababarayo waxana qalabkaasi inoo soo diray ururka la yidhahdo Somaliland Wales Link oo  xaruntoodu tahay kardhif.

Somailand Wales Link  waxa kale oo ay inoo soo direen laba Hablood oo reer Somaliland ah oo aan hore wadanka u arag mid ay diyarinaysay PHD dhakhtarnimo ah iyo mid sanadkii ugu danbeeyay  ku jirta jaamacad dhakhtarnimo ah. Hablahaas  ayaa  la noogu soo dhiibay qalabkaasi oo la yidhi, wax ha lagu baro umulisooyinka,  inkasta oo alaabtii waaweyneyd ay soo qaadi kari waayeen, hadana waxa ay noo soo qadeen alaabtan agteena taala, runtii qalabkan la inoo keenay waa qalab aad u mihiim ah intii kale ee qalabkan ka mid ahaydna way soo socotaa”ayey tidhi Agaasimaha Ururka daryeelka Caafimaadka Mawo Foosiya Maxamed Ismaaciil, waxayna intaa ku dartay  “Xarunta ururka daryeelayasha sare ee Cafimaadka iyo Umulisoyinka  waxa hore tababar u siiyay Royal Colege of Obstetrics and Gynecology (RCOG) tababarkaasi oo socday muddo hal sanno ah  waxana lagu tababaray 10 xubnood oo ka mid ah Ardaydii qaadtay tababarkaasi ay bixisay (RCOG) waxayna tababarkaasi ku barnayeen sidii kor loogu qaadi lahaa ilaalinta Cafimaadka Hooyada iyo Caruurta “  Umulisooyinka waxaan xasuustaa sanadki hore ee ina dhaafay waa tii aanu ku celcelinay sida loo badbaadiyo nolosha iyo xaalada adag markay ku jirto hooyadu, maanta waxaan doonayaa inaan ka wada hadalo waxa bilowga oo aan xaga hoose kazoo bilaabayno sidii loo badbaadin lahaa hooyada iyo ilmaha” Sidaas ayay tidhi Marwo Foosiya Maxamed.