|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2442 |
August 29,2010 Ramadan 18,1431H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Salaadiin, Ganacsato Iyo Cuqaal Reer Saaxil Ah Oo Tageeray Bixinta Cable-Ka Ee Madaxwayne Siilaanyo Hargeysa, August 29, 2010 (Haatuf) – Salaadiin, odey-dhaqameed iyo ganacsato ka soo jeeda Gobolka Saaxil oo habeen hore munaasibad ku qabtay Magaalada Hargeysa ayaa Madaxwayne Axmed Maxamed Siilaanyo ku hambalyeeyay talaabada uu shirkada Somcable ugu ogolaaday inay dalka keento isgaadhsiinta bada hoosteeda marta ee fiber optic. Salaadiinta iyo waxgaradkan ka soo jeeda deegaanka gobolka Saaxil ayaa sheegay inay Madaxwayne Axmed Siilaanyo qaaday talaabo lagu farxo maadaama oo uu si geesinimo leh u kala saaray shirkadihii kala duwanaa ee ku tartamayay keenida dalka ee isgaadhsiinta badda hoosteeda Marta. Guddoomiyaha Awal Barri Cabdilaahi Maxamed Cabdiraxmaan oo isagu munaasibada taageerada ah ka hadlay ayaa hadalkiisa ku bilaabay “ILAAHAY baa mahad leh, mahada labaadna Madaxwaynaheena gartay ee bixiyay Cable-ka.” Ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Waxaanu iskugu nimid in aanu taageero Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) arintaa uu isagu gartay, haddii aynu nidhi dawlad tayo leh dhis, haddii aynu nidhi sida uu isagu u dhiso aynu ku garab joogsano, haddii uu gartay inuu ninkaa Shirkada Somcable ee Maxamed Siciid siiyo, anaguna waanu ku taageersanahay bixintaa uu bixiyay Cable-ka.” Guddoomiyaha Awal Barri Cabdilaahi Maxamed Cabdiraxmaan waxa kale oo uu soo qaaday “Dadka kale ee reer Saaxil ahna waxaanu leenahay walaalayaal idinkuna sidaas oo kale u taageera oo nagula socda.” Ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Anigu wali ma arag ninkaa aan taageerayo laakiin waxaabn leeyahay ragbaa kula tartamayay waana lagaa siiyay ee soo dhawee sidii aad u wada shaqayn lahaydeen ee aad u raaligalin lahaydna adiga ayay kuu taalaa.” Guddoomiye Cabdilaahi Maxamed waxa kale oo uu ka hadlay “Waxa kale oo aanu kuu sheegaynaa gobolka Saaxil maanta adiga ayuu kuu hiiliyay ee sida aad u shaqo galinayso adiga ayay kuu taalaa.” Suldaan Rashiid Axmed Maxamed oo isna halkaa ka hadlaya ayaa yidhi “Waxaan taageero mugle oo dhamaystiran aan ku taageerayaa Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo, sida geesinimada ah ee uu ku kala saaray tartankii labada shirkadood ee isgaadhsiinta Cable-ka, isaga oo tixraacay sharciyadii uu Madaxwaynihii hore ku bixiyay ee uu ku siiyay shirkada Somcable, waxaan leeyahay waxaan taageersanahay ogolaanshahaa.” Dadka munaasibada fadhiyay ee iyaguna tagaeersanaa talaabada Madaxwayne Siilaanyo waxa kale mid ahaa, Chief Caaqil Yuusuf Mire Ducaale (Gees Buro), Caaqil Cali Maxamed Muuse, Ganacsade Cabdilaahi Muuse Jaamac, Ganacsade Maxamed Ibraahim Boon, odey Cali Axmed Kooshin, Caaqil Faysal Jaamac Guuleed, Chief Caaqil Cabdi Maxamed Cigaal, Chief Caaqil Fu’aad Cabdilaahi Ciise (Dhabo) iyo Gancsade Ismaaciil Yuusuf Cismaan. |