Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2442

August 29,2010                                                                              Ramadan 18,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 

Ururka Horseed Oo Madaxwayne Siilaanyo Ku Amaanay Talaabadii Uu Ugu Ogaaladay Shirkada Somcable In Ay Fuliso Mashruuca Cable-Ka Dalka

Hargeya, August 29, 2010 (Haatuf) - Ururka wadaniga ah ee Horseed ee gobolka Hargeysa ayaa ku tilmaamay ogalaanshaha uu madaxwaynaha Jamhuriyada Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ee uu mashruuca Cable-ka bada hoos mara ee uu ku siiyey shirkada wadaniga ah ee Somcable ee uu leeyahay ganacsadaha wadaniga ah ee Maxamed Aw Siciid in ay tahay talaabo sax ah oo lagu diirsaday, isla markaana ay dad badan oo muwaadiniinta oo reer Somaliland ah ay shaqooyin faro badan ka heli doonaan, sidaana waxa lagu sheegay warsaxaafadeed uu ururka wadaniga ah ee Horseed uu ka soo saaray caasimada qaranka Jamhuriyada Somaliland ee Hargeysa, waxaana ku saxeexanaa Guddoomiyaha ururka Horseed Md Calawi Cabdi Gaboobe, isaga oo dhamaystirana waa waxa uu u dhignaa sidan:-  Go’aanka Madaxwayanah Jamhuriyada Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ee uu ku fasaxay mashruuca Cable-ka bada la soo mariyo kuna ogalaaday in la siiyo shirkada wadaniga ah ee Somcable ee uu leeyahay ganacsadaha reer Somaliland ee Maxamed Aw Siciid, isaga oo raacaya ogalaanshihii hore ee uu madaxwaynihii hore ee Somaliland Md Daahir Rayaale Kaahin uu u siiyey shirkadan, sababtuna waxa weeyi  shirkadani waa shirkad wadani ah, ninka shirkadan lahna waxa uu waxtar badan oo muuqda u leeyahay dadka iyo dalka Jamhuriyada Somaliland.

Sidoo kale ganacsade Maxamed Aw Siciid waxa uu door weyn ka ciyaaray hirgalinta iyo xaqiijinta isbadalka siyaasadeed ee cusub ee dalka ka dhacay.

Hadaba waxaan shaki ku jirin inay talaabadani tahay mid kalsooni faro badan u soo jiidaysa Madaxwayne Axmed Siilaanyo iyo xukuumadiisaba, maadaama ay oofisay balantii ay hore u gashay ee mawduucan ku saabsanayd, waxa kale oo uu mashruucani laga helayaa shaqooyin badan oo ay dadkeenu u baahan yihiin.

Dhinaca kale Madaxdhaqameedyadu xaq uma laha inay awaamiir siiyaan dawlada, waxaana la gudboon oo ku waajib ah inay ka shaqeeyaan arimaha loo igmaday ee sida tooska ah u khuseeya sida arimaha deegaanka iyo bulshada oo ay baahi badani ka jirto. Arimaha maamulka dawliga ahna waxa ka masuul ah hay’ada fulinta oo ah xukuumada dalka ka talisa. Dadka gaar ahaan reer Hargeysa iyo guud ahaan reer Somaliland waa dad isku mid ah oo waa ul iyo diirkeed oo meel la kala geeyo ma laha.

Gabogabadii ururka wadaniga ah ee  Horseed ee  Gobolka Hargeysa waxa uu ku baaqayaa in la dhiiri galiyo lana soo dhaweeyo shirkadaha wadaniga ah, si loo kobciyo dhaqaalaha dalka Jamhuriyada Somaliland.