Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2442

August 29,2010                                                                              Ramadan 18,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 

Buug Xiiso Leh Oo Ay Qortay Maryan Jamiila Kadib Markii Ay Soo Islaamtay

Waxaa Tarjumay Abshir A/Xasan [Qaybtii 21aad]

Dhar qaadashada Galbeedka iyo dhismaha aad u cusubi, waa waxa ugu fool xun ee aan weligay arakay. Sawirka aan mawduuciga ahayn ee aadka maalmahan loo jecelyahay, waxa uu u eg yahay sawirda ay abuuraan kuwa waalan ee ku jira dhakhtarda dadka waalan. Waxa ay sawiradani leeyihiin: "Noloshu qiimo iyo ujeedo toona ma laha. Ilaahna ma jiro. wax waliba way isku qasanyihiin oo waxba ma jiraan." Shaki igagama jiro in xumaanshaha ku yimid fanka cusubi uu si toosa ugu xidhan  yahay waxa lagu magacaabo "Falsafadda is-bedalka" Haddii ay lagama maarmaan tahay in wax waliba ay si joogta ah xaaladiisu isugu laaqanto, waxa markaa caqligal  ah in aannu shayna lahay wax degaansho ah. Wax kastaaba waxa uu leeyahay dhammaansho xadidan. Shayna aduunyadan uguma waarayo si abada ah. Dhammaan fanka quruxda badani, waa in ay ku dhisnaadaan rumaynta xaqiiqooyinka quruxda anshaxa leh. Waxa aan u arkaa in musuqa fanka cusubi, sida dhammaan meelaha kale ee dhaqanka uu si toosa uga unkamo diiditaanka fikradaha asalka ah. Qofna suurtagal uma aha in uu helo anshax wanaagsan, isaga oo aan hantiyin iimaanka dhabta ah. Sidee ayuu qof u gaadhi karaa hanashada sharaf iyo anshax wanaagsan, haddii uu filayo waxa maanta la jeclyahay in ay beri noqonayaan wax laga baxay?

Inta yar ee aan ka akhriyey Shaah Waliyulah ayaa aad ii wareerisay. Dhinac waxa aan ka akhriyey in aqoonyahanno badan oo Muslimiin ah oo ku nool Qaarad yaraha Hindiya-Baakistaan ay u haystaan in uu xagga waynida ku xigo Al-Qaasaali. Dhinaca kale, waxa la yidhi kitaabkiisa wanaagsan ee la yidhaado "Xujatullah Al Baliqah" waxa uu diyaariyay fikradaha dhaqdhaqaaqa cusboonaysiinta islaamka isaga oo rumaysan kor  marka mad-habta ku dhisan caqliyadda, dhiirigaliyay ku turjumista macnaha Quraanka afaf qalaad (isaga laftiisa ayaa Quraanka macnihiisa ku turjumay afka Faariisiga), iyo diiditaanka ah wax allaale waxa ka soo jeeda Carabta ee ku jira islaamka, waayo waxa ay ku haboonaayeen oo qudha goor iyo meel gaar ah oo ah bulshadii badawda ahayd ee casrigii Nabi Maxamed (NNKH). Waxa kale oo la yidhi Shaah Waliyullah waxa uu inkiray asalnimada afarta mad-habood. Waxa aannu doonay in uu xeer cusub oo la socda bulshada Hindiya ee muslinka ah ku soo rogo Hindiya. Waxa kale oo uu cadeeyay in lagu dhaqmo oo qudha qaybaha diiniga iyo ruuxiga ah ee Quraanka iyo Sunnaha. Waxa uu diiday in lagu dhaqmo inta kale ee la xidhiidha arimaha aduunka, isaga oo ku tilmaamay in ay ku haboonaayeen oo qudha qarnigii todobaad ee Carabta. Waxa aan fahmi laayahay: Shaah Waliyullah waxa uu  noolaa intii ka horaysay gumaysigii Ingriiska, laakiin sida aan ka akhriyay qoraaladiisa falsafaddiisu waxa ay ahayd tii aasaastay ee mar marsiiyahana u samaysay muslimiinta loo yaqaano muslimiinta cudurdaarka ee soo baxay isaga dabadii. Ma waxa uu ahaa aabihii fikradda mise ma ahayn. Waa maxayse waxa raadka ku yeeshay? Kitaabkiisa "Fikradaha Diinta ee Seer Sayid Axmad Khan" - ee dhawaanta lagu daabacay Machadka Dhaqanka Islaamka, laahoor, kaas oo Bashiir Axmad  Daar ku sheego in uu Seer Sayid Axmad Khan si googta ah uga soo xigto Shaah Waliyllah raacana fikradihiisa.