|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2442 |
August 29,2010 Ramadan 18,1431H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Saxaafada Somalilland Ma Heli Doontaa Ballanqaadyadii Xisbiga Kulmiye Ee Xilligii Doorashada? Wariye Maxamed Cabdi Boosh Slsc Qalabka warbaahinta madaxbanaan ee Somaliland oo dalka ka hanaqaaday tan iyo sanadkii 1991kii wakhtigaasi oo Somaliland xornimadeedii ay kala soo noqotay Somalia, Saxaafada Madaxa Banaan ee Somaliland waxa ay u hawlgashay siddii ay dunida iyo dalkaba ay u gaadhsiin lahayd xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta Somaliland. Waxaan ay taasi Somaliland u suuragalisay inay caalamka ka hesho ixtiraam lagu tilmaamo inay Somaliland tahay ilayska dimuqraadiyada Geeska Afrika . Laakiin, haddan waxa taas barbar socday xadhig iyo tacadi joogta ah oo maamuladii kala danbeeyay ee dalku ay kula kaceen Wariyeyaal tira badan. Iyadoo ay dhibaatadaasi jirto waxa ay Saxaafadu sii waday dedaalkeeda ay dadka ku nool guddaha iyo dibabda ku gaadhsiinaysay horumarka wadanka ka jira. Xisbiga Kulmiye waxa uu wax badan ku eedeeyay dawladdii Madaxweyne Rayaale inay ku tumatay xuuqda aasaasiga ah ee muwaadiniinta, kuwaas oo ay ka mid tahay xuquuqda ay saxafiyiintu u leeyihiin tabinta wararka ku sabaabsan dhaliilihii xukumadii hore. Waxaana kulmiye balanqaaday in aan weriyaasha dib xadhig loola beegsan doonin. Waxa hadda horyaala Aqalka Wakiilada sharci ciqaab kulul marinaya Saxaafada oo ay golaha horkeentay xukumaddii hore, kaas oo laga shakisanyahay in maamulku uu doonayo ama dabada ka riixayo inuu galaha ka ansixiyo si uu uga hortago dhaliliihiisa in la baahiyo. Waxa ay warbaahintu ka war heshay in xubno ka tirsa golaha wakiilada oo daacad ah xisbiga Kulmiye ay dabada ka riixayaan arritaasi, Shir ay dhawaan ku yeesheen hotelka Emperial Saxafiyiin iyo xubno ka socday golah wakiiladu waxa la isla qaatay in ka hortaga arrintaasi loo xilsaaro guddi ka kooban shan xubnood. Kulan ay xubnahaasi xarunta wasaarada warfaafinta kula yeesheen wasiirka wasaaradaasi waxa lagu heshiiyay in tabashada warbaahinta loo gudbiyo shirka golaha wasiirada ilaa hadda ma jirto wax la taaban karo oo ka soo baxay dhinaca dawladda Balanqaad ah kuwa ay caanka ku yihiin siyaasyiinta Afrikaanku. Tusaale madaxweynaha dalka senegal Abdulahi Wade wakhtiigii ololihiisa doorashada ee sanadkii 2000 waxa ay saxaafada dalkiisu la garab joogsatay taageero qayrul caadi ah. Markii uu kursiga madaxtinimada uu ku guulaysatay waxa uu bilaabay inuu xidhig, jidhdil iyo caga juglayn kula kaco saxaafaddii garbaha haysay. Markii ay wax ka sheegeen maamul xumada dawladda madaxweyne Abdule Wade sidaas si lamida ay ayay warbaahinta Somaliland si aan xishood lahay oo taageereen Axmed Maxamed (Siilaanyo) markii uu ololaha ku jiray iyadoo qaar ka mida suxufiyiinta ay si aan qarsoodi lahayn ula safteen xisbiga Kulmiye maamulka cusub ma meel marin doonaa balan qaakiisii saxaafada? Xeerka Lambar 27 ee saxaafada oo ah xeerka kaliya ee Xoriyad siinaya Saxaafada, kaas oo golaha Wakiiladu ay ansixiyeen sanadkii 2004-tii, xukuumada Siilaanyo ma kula dhaqmi doontaa Saxaafada. Weriye Maxamed Cabdi Boosh SLSC. |