Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2442

August 29,2010                                                                              Ramadan 18,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 

Qaar Ka Mid Ah Madaxdhaqameedyada Burco Oo Soo Saaray Baaq Ay Ku Taageerayaan Go’aankii Madaxwenahu Ugu Ogaaladay Shirkada Somcable

Burco, August 29, 2010 (Haatuf)-Qaar ka mid ah Cuqaasha Gobolka Togdheer ayaa baaq ay shalay  ka soo saareen Guriga Cuqaasha ee magaalada Burco waxa ay ku tageereen go'aankii madaxweynuhu shirkada Somcable ugu ogolaaday in ay xadhiga Kaybalka ee Berbera la la soo gaadhsiinayo ay iyadu keento.

Sida uu ku soo waramay wariyaha Haatuf ee gobolka Togdheer Axmed Aadan Yuusuf, waxay cuqaashani, ku baaqeen in arrintaas sida uu madaxweynuhu ku soo afjaray la raaco oo aan laga dayin siyaasad iyo murano, isla markaana cidii kale ee doonaysayna ay nasiibkooda qaadan

Cuqaashaasi baaqa ay ka soo saareen arrintaasina waxay u qornayd sedan:-

“Waxa aanu soo dhowaynaynaa go'aankii geesinimada ahaa ee madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo 24/8/2010 bishan ku soo afjaray khilaafkii iyo ololihii muddada dheer soo jiitamayay ee ku saabsana shirkadihii ololaha ugu jiray in ay Berbera keenan Kaybalka Bada hoosteeda mara ee isgadhsiinta Internet-ka arrintan oo ay labada shirkadood ee Somcable iyo Dalkom muddo doora ku muransanayeen, kadib markay Xukumadii Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin arrintaas ka soo saartay qoraalo kala duwan oo is buriyay,sidaas daradeed

waxa aanu u aragnaa habkii madaxweyne Axmed Siilaanyo u kala saaraya labada shirkadood u ahaa mid ku dhisan hab cadaalada, iyada oo waliba u tixgaliyey heshiiskii ay dawladii hore gashay, kaas oo waafaqsan nidaamka dawladnimo iyo dastuurka dalkaba waxa kale oo u tixgaliyay xaqa muwaadinka ee dhiirigalinta koboca dhaqaalaha dalka, iyada oo ay dalka ka jireen shirkado kale oo isgadhsiineed ayaa tanina waxa ay tahay mid inoo soo korodhay waxanay arrintani ku salaysan tahay nidaamka suuqa xorta ah, sidaas daradeed waxa aanu soo dhowaynayana go'aankaas shirkada Somcable loogu ogolaaday in ay soo jiido xadhiga Berbera la keenayo arrintan hadaynu wax yar ka taabano faa'idoyiinkeeda waxa ay ka mid tahay isgaadhsiinta casriga ah ee dunida sida tooska ah inoogu xidhaysa waxanay adeegyadeedu ka qayb qaadan karaan dhinacyada qiimaha jaban iyo waxbarashada, cafimaadka, ganacsiga iyo waliba dad badan oo shaqo ka heli doona.

Cuqaasha Baaqan soo saaray ayaa waxa ka mid ah

Chief Caaqiil Aadan Ismaaciil Xuseen

Chief Caaqil C/rashiid Xirsi Galow

Axmed Maxamed X Cabdi

Yuusuf Cabdi Macuun

Axmed Cali Raan

Kayse Hayaan Maxamed

Cali Kadiye Jaamac

Axmed Cumar Jaamac

Nuur X C/laahi Heetiye

Ibraahin Maxamed Nuur

Axmed Iidaan Yuusuf

Caaqiil Cumar Ibraahin Maxamed

Axmed Maxamed Huruuse

Xuseen Fariid

Siciid Cabdale

Aadan  Maxamed Cabdale

Saleebaan Ibraahin Maxamud

Axmed Cali Jaamac