|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2442 |
August 29,2010 Ramadan 18,1431H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Masaariyad Uu Qabay Baadari Kaniisadeed Oo Qaadatay Diinta Islaamka Kamiliya Shaxaata Zaakhir, oo ah haweeneey uu qabay Tadros Samaan oo ah baadariga kaniisada wadaadka Markus ee ku taal Mowas ee magaalada AlMinya ee dalka Masar. Kamiliya oo 25 jir ah ayaa islaamnimada aqbashay muddo hal sanno laga joogo laakiin se si qarsoodi ah diinta ugu jirtay. Waxay dhigtay xaflad ay ku shaacinayso inay Muslimad noqotay, ka dibna way soo baxsatay iyadoo la soo xidhiidhay ehelka Sheekh Masri ah oo lagu naaneyso Abuu Yaxya. Sheekh Abuu Yaxya ayaa howshiisu waxay tahay ugu yeedhida diinta Islaamka iyo gargaarida dadka Islaamka soo galaya. Kamiliya ayaa markay la kulantay Sheekha oo si fiican arrinteeda u baadhay in Islaamnimada ay damacsan tahay yahay mid ay iyadu go'aansatay oo aan lagu khasbin, ayna caafimaad iyo miyir qabto, ayaa waxa uu ku Imtixaamay heerka uu go'aankeedu gaadhsiisan yahay iyo dhibaatooyinka ka soo foodsaari kara in ay Muslimad noqotay. Kamiliya oo jilbaab weyn ku dadan, xishood Muslimadnimo ka muuqato ayaa ilmeysay oo tidhi waxaan qarsanaayey inaan Muslimad ahaa hal sanno oo dhan, maanta waxan rabaa in qof weliba ogaado inaan ku faraxsanahay aanan ku faanayo inaan Muslimad ahay.Xijaabka waan jeclaaday , Islaamku waa diin xaq ah, kaniisaduna been ayay ku dhisan tahay, waxan ahaa afada mid kamida baadariyada waxan ogahay waxa qalad iyo been ah ee ka dhex dahacaya kaniisada iyo baadariyaasha dhexdooda oo dhan. Waxan go'aansaday inaan Muslimad noqdo wax kastoo igaga yimaadana diyaar baan u ahay. Kamiliya imtixaan weyn oo adag ayay maraysaa, Sheekh abuu Yaxya ayaa Kamiliya ay isku raaceen masjidka AlAzhar si loo diiwan geliyo islaamnimadeeda. AlAzhar ayaa waxay ku gacan seedhay inay diiwan geliyaan iyagoon gaarsiin nabadsugida waddanka Masar xaalada Kamiliya. baadariga ugu sareeya ee Masar ayaa laga codsaday inuu cadeeyo arrintan uu warbaahinta keeno Kamiliya oo lagu tuhinsan yahay inay dileen oo ay meydkeeda qariyeen. Kaniisada Masar ayaa hore waxa ay afdubeen haweeney kaloo la odhan jiray Wafa Kostantiin iyaduna aheyd afada baadari kale oo ilaa hadda la aan la ogayn meesha ay jaan iyo cidhib dhigtay. |