|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2442 |
August 29,2010 Ramadan 18,1431H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Waxyaabaha In Ay Soonka Jebiyaan La Iskug Raacsanyahay Qaybtii 2aad 3 Cunid ama Cabbid Bareer Ah (oo si u kas ah loo sameeyay): Waxa u daliil ah Qowlkii Ilaahey (S W) “Cuna oo cabba ilaa khayd cad iyo ka madoobi kala baxayaan), dabadeedna kaamila soonka ilaa gabbal dhaca). Al-Baqarah, aayadda 187. Aayaddani waxay caddeyneysaa in cunnidda iyo cabbiddu ay soonka jebiyaan, waxana arrintaan lagu gaar yeelay qofka u sameeya si badheedh ah (ula kac). Qofku haddii uu wax cuno ama cabbo isaga oo hilmaansan ama uu si kama’ ah u sameeyay, ama lagu qasbay soonkiisu waa u jiraa oo kama burayo. Waxana u daliil ah Xadiiska soo socda: Abuu Hureyra (A.K.R.) wuxu yidhi: Nabigu (S.C.W.) waxa uu yidhi: “Qofkii is illaawa isaga oo soomman ee wax cuna ama cabba waa in uu dhamaystaa soonkiisa, waayoo waa cunto iyo sharaab Alle (S.W.) siiyay bay ahaayeen wixii uu illaw ku cunay ama ku cabbay). (Muttafaq xadiisku).Sidoo kale Nabigu (S.C.W) wuxu yidhi: “Illaahay waa ka cafiyay ummaddeyda wixii ay gaf (si kama ah), ama ilowsho ay u sameeyeen ama lagu qasbay“. Qof muslim ah haddii uu arko qof sooman oo wax cunaya waa in uu baraarujiyaa oo xusuusiyaa in uu sooman yahay. Arrintaasna waxay ka mid tahay “wanaaga (macruuf), samafalka iyo Alle ka cabsiga oo lays faro iyo Munkarka oo layska reebo. Qofku haddii uu si kas ah wax u cuno ama wax u cabbo waxa ku waajib ah saddex (3) arrimood: (1) In uu soomo maalinta inta ka hadhsan. (2) In uu Ilaahey u towbad keeno maxaa yeelay dembi aad u weyn oo khatar ah ayuu galay. (3) In uu qaleeyo maalintaas bedelkeeda. 4 iska matajin: Qofka sooman haddii uu matag iskii isaga keeno ama wax kale afka iska geliya, ama uu ursado wax uu ku matagi jiray soonkiisu waa burayaa. Waxana u daliil ah: Xadiiska Abuu Hureyra (A.K.R) wuxu yiri: Rasuulkii Alle (S.C.W.) wuxu yidhi: “Qofkii uu soo dhaafo matag (isagoo sooman) qalle laguma laha, qofkii iska matajiya se qallea ayaa korkiisa ah” waxa wariyay Al-Khamsa.Qofka haddii uu si kas ah is kaga-matajiyo waxa ku waajib ah saddex (3) arrimood: (1) In uu soomo maalinta inta ka hadhsan (2) In layimaad towbad keen In uu qaleeyo maalintaas bedelkeeda. La soco |