Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2443

August 30,2010                                                                              Ramadan 20,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 

Guddoomiyaha UDUB Ee Degmada Boorama Oo Xabsiga Loo Taxaabay, Ka Dib Markii Lagu Eedeeyay Been Abuur

“Xukuumadu Waxay Gobolka U Soo Magacwday Rabshad Wadayaal, Gacmahana Waa La Isla Gaadhi Sida Ay Ku Socdaan.....”  Gudoomiyaha UDUB Ee Gobolka Awda Lcabdicasiis Xuseen Raage

Boorama, August 30, 2010 (Haatuf) - Guddoomiyaha xisbiga UDUB ee degmada Boorama Maxamed Cabdi Axmed (Ilkacase) ayay shalay ciidanka Bileyska ee magaalada Boorama u taxaabeen kuna xidheen saldhiga dhexe ee magaalada Boorama, masuulkan xidhan oo wargeyska Haatuf la xidhiidhay ayaa sheegay in shalay subax ay ciidanka boolisku ku waabariisteen guriga uu ka degan yahay magaalada Boorama ka dibna ay u sheegeen in la soo amray inay soo qabtaan isaga.

Masuulkan ka tirsan xisbiga UDUB ayaa ku eedeeyey Amarka xadhigiisa badhasaabka Gobolka Awdal Maxamed Daahir Cabadala inuu ka dambeeyo, isla markaana uu ku haysto maqaal uu dhawaan ku qoray Internet-ka waa sida uu hadalka uu u yidhiye.

Mar aan isku daynay in aan wax ka weydiino xadhiga masuulkaaskan ka tirsan xisbiga UDUB, Badhasaabka Gobolka Awdal ayaa waxa uu sheegay in sababta loo xidhay ay tahay ka dib markii uu sheegtay xil beeleed oo aanu ahayn, isla markaana uu ku hadlay Afhayeenka beesha J/yoonis, sidaana uu ku baahiyey warbaahinta, ayuu ku mutaystay xadhigaas, waxaana jira madax dhaqameedo ku hadli kara magaca beelaha.

Dhanka kalana waxa xadhiga masuulkan ka hadlay Gudoomiyaha xisbiga UDUB ee Gobolka Awdal C/casiis Xuseen Raage wuxuuna cambaareeyey xadhiga loo geystay masuulkaas iyo fikirkiisa lagu qabsaday, wuxuu intaas raaciyay oo dhaliil xoogan dusha uga tuuray masuuliyiinta dhawaanta loo soo magacaabay gobolka Awdal oo ku tilmaamay Rabshlooyaal wuxuuna yidhi isaga oo Arintaas ka hadlaya “Masuuliyiinta xukuumaddu soo magacawday waa rabshowadayaashii gobolka, haddii ay arimaha ay wadaan sidaas ku sii wadaana waxa dhici doona in gacmaha la iskula tego, waxaan cambaaraynaynaa xadhiga loo geystay masuulkaas iyo kuwo kalaba, waxa jira in rag 3 sano joogay lagu xidho xamar baad ka timid, Aramaha xukuumada Kulmiye ka wado gobolka waxaan u aragnaa iska horkeen iyo colaad laga dhex hurinayo bulshada nabada ku soo caano maashay, xukuumadu waxay gobolka u soo dirtay wiilal aan khibrad maamul lahayn oo hore u soo arag xafiis, xilalkaaba ka culus waxbaa la xidhaa ayuunbay ka garanayaan, sidaas Awgeed waxaan leehay xukuumada Kulmiye arimaha ay ka wado gobolka Awdal haddii ay joojin weydo wixii ay ka hesho iyadaa garan, una malayn maayo in Madaxweynaha iyo masuuliyiinta arimahani khuseeyaan ay ka warqabaan, waxa hawsha wadaana waa dad hore u odhan jiray waa lana ciilay oo ciilan, suuragelimayso inay fadqalalo ka abuuraan gobolka oo ay Somaliland-na ka faquuqaan. ayuu yidhi gudoomiyeha xisbiga mucaaradka ah ee Gobolka Awdal.

Si kastaba ha ahaatee waxa dhawaanahan ku soo badanaya magaalada Boorama xadhiga siyaasadeed ee lagu ugaadhsanayo shakhsiyaadka loo tuhunsan yahay arimo ku lid ah xukuumada, falalka noocan oo kale ah ayay xisbiga Kulmiye ku eedayn jireen xukuumadii ka horaysay ee Daahir Rayaale, taas oo wakhtigaas loo arkayay inay fiicnaan doonaan, dhinaca kalana waxaana soo kordhaya hadalhaynta bulshadu ee fudaydka masuuliyiinta gobolka iyo laamaha amniga ee ay dhawaan  soo magacawday xukuumada cusubi, waxayna dad badani u arkaan talaabooyinkan qaar aan haboonayn wakhtigan oo loo qaaday jihada taban, waxa kale oo soo kordhaya kala fogaanshaha bulshada ku dhaqan Boorama iyo xukuumada Axmed Siilaanyo, dadka qaarkiina waxay leeyihiin xukuumada Axmed Siilaanyo maamul toosintii ay ummadda u sheegi jireen ma kanaa.