|
Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo
Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee
Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga
Afrika
Kulmiye oo cadeeyey
mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay
Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa
Madaxweyne Obama Oo
Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub
Xukuumadda Madaxweyne
Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay
Koox Suxufiyiin Ah Oo
Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka
Iyo Nabada
Sirdoonka Iyo Habka Uu U
Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo
Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009
Dhalinyaradu Marnaba Ma
Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda
Dawladdu Xayaysiiska Caano
Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso
Wadooyin Ay Iska Kaashadeen
Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka
Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey
Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka
Curtay Somaliland
Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad
Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna
Galay
|
|
Mujaahid C/Laahi Askar Oo Si Heer Qaran Ah Loogu Aasay Hargeysa Iyo
Waayihii Halgankii SNM Ee Soo Maray Marxuumka
Xidig Ka Mid
Ah Xidigihii Gadhwadeenka Ka Ahaa Halgankii Dib U Xoraynta S/land Oo
Inaga Baxay
Hargeysa, August 30, 2010
(Haatuf) - Alle ha u naxariistee waxa shalay magaalada Hargeysa ku
geeriyooday Col. Cabdilaahi Askar Barkhad oo ka mid ahaa Saraakiishii
Milatery ee Urur-kii Xaq u dirirka ahaa ee SNM ee ka xoreeyey dalka
Somaliland taliskii dhiigyacabka ahaa ee Afweyne, isla markaana ahaa
wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Jarmalka.
Rabbi naxariistii Janno ha ka
waraabiyee Col. Cabdilaahi Askar, ayaa shalay galab si heer Qaran ah
loogu aasay Xabaalaha Sh. Muuse Ducaale ee duleedka caasimada Hargeysa.
Taariikh nololeedkii Mujaahid
Marxuum Cabdilaahi Askar Barkhad (AHN) 1947-dii waxa uu ku dhashay
magaalada Diridhaba ee dalka Ethiopia, waxaanu waxbarashadiisii H/dhexe
ku soo qaatay isla magaalada Diridhaba, waxaanu dalkiisa hooyo ku soo
noqday sanadii 1966-kii, halka uu 1967-kii layli sarkaal ugu bay dalkii
la isku odhan jiray midawgii Soofiyati, isla markaana waxa uu ku biiray
ciidamadii xooga dalka Soomaaliyeed ee dalkii la isku odhan jiray
Somalia, muddo kadib waxa uu dalka maraykanka ku soo qaatay aqoonta sare
ee hogaaminta ciidamada iyo tababaristooda.
Alle ha u naxariistee Col.
Cabdilaahi Askar Barkhad, waxa uu ka mid ahaa saraakiishii u adkaysan
waayey tacadigii iyo gumaadkii lagu hayay bulshada reer Somaliland oo u
badheedhay inay dagaal hubaysan oo naf-hurid ah kala hortagaan taliskii
Siyaad Barre, isaga oo ka mid ahaa saraakiishii haldoorka ahaa ee
hogaaminaysa jabahaddii SNM ee dib-u-xoraysay Somaliland.
Waxa uu ahaa sarkaalkii
12-kii April 1983-kii markii ay ciidamadii Taliskii Af-weyne qabteen
Cabdilaahi Askar, oo markaa magaalada Hargeysa ka fulinayey hawl-galo
qarsoodi ah ay Xerada Miiska Saraakiisha ee Birjeex kala baxeen koox uu
hogaaminayey Mujaahidkii Geesiga ahaa ee Ibraahim Ismaaciil (Koodbuur)
oo ahaa Gaashaanle Dhexe oo ka tirsanaa xoogga dalka Soomaaliyeed
waxaana uu si qarsoodi ah uga tirsanaa ururkii SNM Markii dambe ka mid
noday Saraakiishii SNM.
Dhinaca kale Abwaan Aadan
Tarabi, oo gabay ka tiriyey xilligii hawlgalkii Bir-jeex ee miiska
saraakiisha waxa ka mid ahaa tuducyadan:-
Bishu waa Apriil Toban beri
iyo laba
Bandhig ciidamadu Isu soo
baxeen
Waxay baaxad iyo Baaruud
Buuxsheen halkaa
Balanto ahayd beri inay
dilaan baa askar la gala baxay
Badh-badhaadhaydii baa xigtaa
la yidhi
Baga waw la qabay burburkaa
ku dhacay
Budhcad waa geydaa
Berigii horena balfas
hoobiyii badhtamaha
Jidkii u badnaa dadkii lagu
beegay iyo
Ifraax boodhe iyo bulshadaan
Wax la yidhi Bir-jeex waxa
helay Bad-jaax
Sidoo kale Yuusuf X. Cabdi
Xandule, oo ka waramaya Alle ha u naxariistee Muj C/llaahi Askar Barkhad,
oo habeenkii Mujaahid Ibraahin Koodbuur iyo mujaahidiintii SNM miiska
saraakiisha kala baxeen Mujaahidka, ayaa waxa uu sheegay, in
maalinimadii uu Koodbuur u yimid, oo uu weydiistay gaadhi Landcrusar ah,
una sheegay inuu hawl ku galayo, waxa uu yidhi “Ibraahin Koodbuur wuu ii
yimid, waxa uu ii sheegay inuu gaadhiga iga doonayo, waxan ku idhi,
maxaa dhacay, waxa uu ii sheegay inuu hawl ummada faa’iido u leh ku
qabanayo, ka dib gaadhigii waan siiyay, aniga oo hawlahaygii ku guda
jira oo adhi farabadan oo aan iibsaday meel ku xeraysan yahay.
Habeenkii fiidkii markii
hawlgalka ay kula baxeen Mujaahid C/llaahi Askar ee aan ogaaday, aniga
oo aan xoolahaygii iyo lacag meel ii taalay oo shaqadii aan ku noqon,
markii aan ogaaday in hawlgalkaas bir-jeex dad loo xidhxidhay ayaan
tagay guri Jameecada ku yaala halkaas ayaan u hoyday oo gurigaygii
umaan hoyan, ka dib laba maalmood ayaan sii joogay Hargeysa sidaas ayaan
kaga daba talaabay, waxay faqashtii ka dib bilawday inay xaasaskii
xidhxidho aniga gabadhaydii way xidhay, xaaskii Ibraahin Koodbuur way
xidhay dhibaatadaas ayay gaadhsiiyay maatadii
C/llaahi Askar Barkhad Alle
Ha u naxariistee waxa uu ahaa oo aan ku aqaanay geesinimo, Nin qiime
leh, daacad ah dhamaan mujaahidiintii dhimatay alle ha u naxariisto
Sidoo kale Mujaahidiin
waawayn oo iyagu shalay ka qayb galay aas qarameedkii loo sameeyey
Mujaahidkii waynaa ee Marxuum C/laahi Askar ayaa iyagu dhamaantood
shacbiga iyo eheliyadii Marxuumkaba ka tacsiyadeeyey, kana hadlay wixii
ay ka yaqaaneen Marxuum C/laahi Askar, ugu horayna C/laahi Xuseen Iimaan
(Dirawal) oo isagu ka hadlaya aqoontii uu u lahaa Mujaahid C/laahi
Askar, waxa uu yidhi “Alle ha u naxariistee Marxuum C/laahi Askar waxa
uu ka mid ahaa tiirarkii ugu waawaynaa ee ay ku taagneyd SNM, waxa uu
ahaa haldoorkii ummadan, xiligii halgankii iyo wakhtigan xaadirka ahba,
waxa uu ahaa nin cibaado sax ah oo danta dadka ka hormarayi dan walba oo
uu leeyahay, waxa uu ahaa nin wadaniyad ay ku xididaysatey, run
ahaantiina waxaan odhan karaa maanta Somaliland shacbigeeda waxa ka
baxay halyey qaran, waxaanan Ilaahay uga baryeyaa in uu naxariistii jano
ka waraabiyo ehelkii, qaraabadii, asxaabtii iyo ummada reer
Somaliland-na samar iyo iimaan ka siiyo”
Waxa isaguna madashaa aaska
ka hadlay Mujaahid Cali Guray, waxaana ka mid ahaa hadaladiisii
“Inaalilaahu wa inaalilaahu raajacuun, Alle ha u naxariisto oo ha u
nuuriyo xabaashe waxa maanta aynu u joognaa halkan aaskii Mujaahid
C/laahi Askar Barkhad oo aynu ogayn halkii uu kaga jiray taariikhdii
halgankii SNM, waxa uu ahaa marxuum C/laahi Askar mid ka mid ah
baalashii ay duuli jirtey SNM, waxan Ilaahay uga baryeyaa nin xaq u
dirir ah buu ahaaye in uu Iilka u nuuriyo oo uu janatul fardaws galo”
Hadaba hadii
aynu si guud u dulmarno taariikhdii halkii Geesigii waynaa ee Mujaahid
C/laahi Askar (AHN) oo shalay si heer qaran loogu aasay waxa aanu
taariikhdaas ka soo qaadanay wakhtigii la xidhay Alle ha u naxariistee
Mujaahid C/laaahi Askar Barkhad iyo la bixitaankiisii iyo macluumaad
kale oo badan.
Ugu horayn
Taariikhdan qiirada leh ee dhabta ah ee ka hadlaysa farsamadii iyo
geesinamadii lagula baxay April 1983-kii Muj. Cabdilaahi Askar Barkhadle
waxa ka waramaya Muj. Aadan Maal Caqli oo ka mid ahaa geesiyaashii la
baxay Mujaahidkaa, Aadan waxa uu ku nool yahay hadda magaalada Hargeysa,
waxaana raggii kale ee hawlgalka ka qayb qaatey ay ka noolyihiin sadex
nin oo mid ka mid ahi uu Gobolka Sanaag joogo midna uu London ku nool
yahay midina uu yahay Aadan Maalkan ka waramaya dhacdadaas cajiibka
ah.
Akhriste
Cabdilaahi Askar (AHN) oo ay wada socdeen Cabdisalaan Turki oo hawl
ciidan u yimid Hargeysa Bishi April 1983 ayaa goor habeen ah lagu qabtay
meel Woqooyiga ka xigta Sinimoogi hore ee Hargeysa ee loo yaqaanay
National Cinema, Waxa la qabtay Cabdillahi Askar habeenimadii ay Bisha
April ahayd 8-da. Cabdilaahi Askar habeenkaa waxa lagu xidhay oo lagu
hayay xaruntii xisbigii Hantiwadaaga Kacaanka Sooamaliyed ee
Woqooyi-Galbeed oo ahayd halka immika ay ku jirto Madbacadda Qaranku.
Subaxnimadiina waxa loo gudbiyay Taliskii Qaybta 26aad oo uu markaa
Taliye ka ahaa gacan ku dhiigle la odhan jiray Gaanni. Marxuum
Cabdilaahi Askar (AHN) markiiba waxa lagula dhaqaaqay silic-dil iyada oo
la mariyay jidadkii xanuunka ee dooxatadii Siyaad Barre ku caan baxday
si warar iyo sir ururka SNM leeyahay looga helo Laabatooyinka jidhkiisa
oo dhana shamac ayaa lagu gubay oo lagu dhalaaliyay.
12-kii April oo ahayd maalintii loo dabaal degi jiray wixii la odhan
jiray Xooggii dalka Somaliyeed ayaa dooxatadii dalka ka talinaysay
qorshaysay in Cabdilaahi Askar la geeyo Golihii Murtida iyo Madadaalada
ee Hargeysa oo lagu qabanayay qayb xafladaasi ka mid ah, dadweynihii
xafladaasi ka soo qaybgalay ayaa la doonayey in la tuso Cabdilaahi Askar
oo isku jabsan iyadoo looga gol lahaa in shacbiga kenodiidka ah lagu
qanciyo in aan cidi u maqnayn, haddii ay u maqantahayna ay iska yartahay
waxa ay tari karaanba, haddalada maalintaa laga hayay Gaani waxa ka mid
ahaa "Kii ugu weynaa ayaanu heynaa oo idin hor keeni doonaa".
Taladu tiisa
oo keliya maahe tii Alle iyo tii Mujaahidiintuna meel ayay sii taalay,
intii uu Marxuum Cabdilaahi xidhnaaba waxay Mujahidiinti guduhuna
gorfaynayeen sidii ay ula soo bixi lahayeen Cabdilaahi Askar, 11-kii
April 1983-kii ayay Hurin ka tirsan Naftood hurayaashii SNM ee gudaha ku
sugnaa oo uu horkacayay Ibrahim Ismail Maxamed oo loo yaqaanay Koodbuur
ay goor casar ah soo kaxaysteen laba Baabuur oo Toyota ah oo iyago oo
dhan Kow iyo Toban Mujaahid. Haddaba bal aynu eegno sida uu dhacdadan
Aadan Maal uga sheekaynayey waxanu ku bilabay sheekadii sidan:-
Bishii 4-aad ee April 8-dii 1983 ayaa meel sinimoogii hore waqooyi ka
xigta saq dhexe Cabdilaahi Askar lagu qabtay. In Cabdilaahi la soo
furtaa waxay ku dhalatay saaxiibadii oo qaarkoodna halkan Hargeysa sii
joogeen qaar na ay la socdeen, Fikradda soo furashada markii ugu
horaysay waxa anaga noola yimid Ibraahim Carab iyo Siciid Cabdi Yaasiin
oo loo yaqanay Bir-jeex. Hawlgalku Furayaal ayuu lahaa oo Askarta waxa
Mafaatiix u ahaa labadaa mujaahid, saraakiishana Ibrahim Ismail Maxamed
(Koodbuur) iyo Cabdisalaan Turki, Aadan maal waxa uu inoo sheegayaa
halkay sheekada ka soo bilaabeen, waxaanu yidhi "Sheekada waxaanu ka soo
bilownay Guri aan ka fogayn Xeradii Birjeex, Maalintaa waxaanu ahayn 10
nin Maalintaa waxaanu qorshaynay inaanu fiidnimada la baxno Cabdilaahi
Askar.habeenkaa way noo suurta galiwayday maxaa yeelay, 10-kayagii
meesha fadhiday saddex ka mid ahayd ayaa naga baxday. Tiradayadii ayaa
yaraatay oo 7 ayaanu noqonay waxaanu go’aansanay inaanay habeenimadaas
noo suurta galay hawshu. Sidaa darteed ayaanu ballan Beri ah u qabsanay
si aanu kulan dambe u samayno."
Aadan Maal haddana maalintii dambe bal ha lafa guro wixii dhacay, waxa
uu yidhi "Bishii April 11-keedii anagoo kasoo qadaynay Hudheel ku yaalay
xaafadii Iftin ayaanu soo raacnay Tagsiyo oo aanu nimid guri ku yaalay
meel Xabsiga dhexe ee Hargeysa Woqooyi Galbeed ka xiga. Waxa gurigaa
lahaa Ismail Sheekh Ibrahim Xujaale, waxa noo qorshaysnaa inaanu
hawlgalka ku dhaqaaqno 4-tii galabnimo, Qolooyin ayaa naga soo habsaamay
oo goordambe noo yimid. Sidaa darteed ayaanu hawlgalkii u qorshaysanay
inaanu ka dhigno 5 galabnimo."Gurigan uu aadan inoo sheegay ee uu lahaa
marxuum /mujaahid ismail sheekh ibrahim waxa uu ahaa ka ay ka baxeen
colku, sidaa darteed ciidamadii dooxatada ahaa ee Siyaad Barre iyagoo
falkan kaga aar gudanaya ayay Ismail la baxeen kuna toogteen Hargeysa,
Ismail waxa la sheegay inuu taageray Hawlgalkaas isagoo sameeyay
dabaaldeg.
Mujaahid Aadan Maal Caqli oo waxa uu intaa ku daray "Gurigii Jeelka
dabadiisa ku yaalay ayaanu ka dhaqaaqnay. Halkan imika Ibrahim dheere uu
ka dhisayo Masaajidka halka ka soo horjeeda ee Dugsiga Sh.Baraawena
Galbeedka ka xigta ayaanu kaga dhacnay wadadii. 5:25 pm daqiiqado ayaanu
dhaqaajinay oo cidhib barako leh ku dhufanay. Ku talagalku waxa uu ahaa
inaanu marno wadad dhaqtarka ka damabaysa oo aanu kasoo laabano Sheekh
Ibrahim Biliso halkii uu ku jiri jiray ka dibna aanu hormarno
Tubatariyada, oo sidaa miiska sarakiisha ku tagno."
Aadan Maal oo ka mid ahaa ragaa naftood hurayaasha ahaa ee la baxay
Mujaahidkaa ha inoo sheego sidii lagu galay Miiska Saraakiisha, "Waxaanu
isu qaybinay laba kooxod oo midi Afar tahay midina Sideed nin tahay.
Waxa horgalayay baabuurka hore ee ay sideedu saarnaayeen oo aan ku jiray
Markii aanu soo dhaqaaqnay Annagoo Sh.Ibrahim Biliso gurigii uu deganaa
meel u dhaw marayna ayaanu ogaanay in baabuurkii Afarta nin saarnaayen
naga hadhay. Halkii ayaanu ka soo noqonay. Anagoo marayna meel aan ka
fogayn Xafiiskii nabad sugida ee hore oo ah halka arimaha debeda iyo dib
u dejintu ku jiraan hadda ayaanu aragnay Baabuurkii oo taagan meel aan
ka fogayn halka hadda laga dhisay Guriga Edna Aadan ee Cusbitaalka Guud
ee Hargeysa ka dambeeya waanu ku soo noqonay. Shaw wuuba fadhiyaa
Baabuurku Waanu riixnay Arday meesha maraysayna way nala riixeen. Waanu
kariweynay Baabuurkii kale ayaanu ku jugaynay kii oo hashkadaynaya ayuu
dhaqaaqay, Wadadii hore waanu ka leexanay oo waxaanu u soo leexanay tan
Madaxtoyada hormarta. Intii aanu Baabuurka riixaynay ayaa Afartii
saarnaa ee ku qornaa mid naga dhuuntay oo uu iska tagay."
"Markii uu Babuurkii oo hashakadaynayaa noo kacay ayaanu isagii nidhi na
horsoco si aanu u ogaano inuu istaagay iyo inkale. Markii aanu gaadhnay
Geerashka ina Abu-site ayaanu Baabuurkii saddexdu saarna aan dhaafnay oo
horgalay, Waxaanu ku nidhi soo soco oo hawshaadi qabso Hawshoodu waxay
ahayd inay albaabka shishe ee Miiska ee Galbeed xigta ay tagaan oo ay
Gaadhka halkaa jooga naga khaarajiyaan, Annagoo sideed ahayna
hawshayadu waxay ahayd inaanu Albaabka soke ee Bariga soo xiga ka galo
oo Gaadhka gudaha ku jira kala calaf qaadno."
Intaa ka dib maxaa dhacay, bal Aadan Maal ha wado mucjisadan, "Waxa
direyskii ciidanka labisnaa Ibraahim Koodbuur iyo Ibrahim Carab oo aan
darajo sidan Balantayadu waxa ay ahayd marka uu Ibrahim Koodbuur
Gaadhka ku yidhaa : "waa Gaashaanle Ibrahim Koodbuur," haddii ay socda
yidhaahdaana inaanu nabad ku galno, haddii ay yidhaahdaan "Nimanka dusha
sarani waa maxay, ama ay Af-Somali kale ku hadlaan," Baabuurku iska
socdo anaguna inta Gaadhka ah ee halkaa taagan aanu khaarajino;
Baabuurkuna xawli dheer ku dhaqaaqo si uu u tiigsado Gurigii uu
Cabdilaahi Askar ku xidhnaa." bal waa tan soo socota ee haddaba bal
Aadan ha inoo dhamaystiro sidii wax u dhaceen "Halkaa goolada ah ee
labaadna Gaadh kale ayaa joogay oo maxaabiis kale ilaalinayay. kuwiina
deg deg ayaanu u dhaafnay oo gaadhkaasi saraakiil meesha ku xidhnayd
ayey ilaalinayeen. Waanu iska dhaafnay, Waxa aanu tagnay Gurgii uu ku
xidhnaa Cabdilaahi Askar oo albaabka kale ee laga baxo u dhawaa. Halkaa
waxa ku sugnaa Baabuurkii kale ee saddexdu saarnayeen. Waajibaadkoodu
waxa uu ahaa inay Gaadhka albaabka Galbeed taagan laayaan si aanu
Annagoo badqabna uga baxno meesha marka aanu hawshayada soo gudano".
Markii aanu gudihii galnay waxa nala kulmay Ciidan laba Gaadh ah oo
meesha wada fadhiyay. Baabuur yar oo jiib ah oo qori saarnaana xaga
Midigta ayuu ka xigay, Jiib kalena waa uu ka dambeeyay, laakiin Jiibka
hore waxa uu soo xigay xaga Guriga. Intii saarnayd meesha ayay iska
taagtaagnaayeen, Nasiib wanaag qoryahoodi ma ay haysan oo Baabuurta ayay
ka saarnaayeen, Xabbada Annaga ayaa ku bilownay oo ku horfurnay Socodkii
dheeraa ee Baabuurka iyagoo ka shakiyay ayay istaageen iyada oo qaarkood
qoryahoodii ay haysteen, Iyaga oo taagan ayaanu Baaburka dheega ugu
qabanay Anagoo Baabuurkii saran oo aan ka dagin ayaanu xabadii ku
bilownay, boodisna waanu ku darnay, marka aanu ku soo boodaynayna
nimanka aanu ku boodaynay Qoryahayaga ayaaba is gadhayay."
Gaadhkii maxay yeeleen, "Nimankii Gaadhka ahaa nin ka mid ah ayaa
markiiba Beerka dhigay meel dhir leh oo xas dhexdii ah kaas oo aanu
moodaynay inuu dhaawacanyahay oo Xabbadi ku dhacday, Ninkaasaa naga
dilay Biixi Xaaji Xasan isla markaana Xabbado nagaga dhuftay Baabuurkii.
Ninkaa mooyaane intii kale ee Gaadhka ahayd hal nin oo kale ayaa Xabbado
ridayey kaas oo ka mid aha kuwii Albaabka taagnaa, Ninkaas ayaa
dhibaatadaa noo geystay, sideedayadii gudaha galay hawhsu way noo kala
qaybsanayd Ibrahim Koodbuur iyo Cabdisalaan Turki xilkoodu waxa uu ahaa
inay Cabdilaahi Askar Qufulka ka jabiyaan oo ay soo qaadaan, waayo waxa
na loo sheegay in uu lugaha iyo gacmahaba ka xidhan yahay. Dirawalka oo
baabuurka ka masuul ahaa oo aanay ahayn inuu ka dego, haddii uu ka dego
oo uu hawlgalanaa aanu ka fogaan dhakhsana ugu soo noqdo. Waxa aanu ku
soo hadhnay Shan Mujahid Anagana hawshayadu waxay ahayd khaarajinta
Gaadhka iyo ilaalinta Ibrahim Koodbuur(Ilaahay ha u naxariistee),
Cabdisalaan Turki iyo Marxuum Cabdilaahi Askar (AHN) dhamaantoodbee.
Shantayadii dagaalamaysay markiiba laba ayay ku dhacday Kuwaas oo ahaa
Biixi Xaaji Xasan iyo Siciid, waxaanu ku soo hadhnay saddex Siciid isagu
dhaawicii gaadhiga kalamuu soo dagin, Biixi waanu is agtaagnayn oo
bidixda ayuu iga xigay, markii ay ku dhacday ayaan arkay ninka toogtay
inuu yahay ninkan xaska dhex rafanaya."
Aadan muxuu yeelay markuu arkay ninkan xaska dhex rafanayay, "Ninkii
xaska dhex rafanayay ayaan xabad ku riday. Inta uu dhaqaaqay ayuu
is-taagay meel cadceeda hoosteeda ah, dhinicii cadceeda ayuu naga maray,
cadceeduna way sii dhacaysay oo waa ay na cawaraysay Ninkii iyo
cadceedii ayaa isku beegmay oo waxa igu adkaatay in ay indhahaygu
qabtaan Xabbad baan ku dhuftay. Inta uu dhacay ayuu haddana siqay
Maloosh iyo ibrahim Carab ayaa ka daba wareegay. Waxa ka horyimid
Gaadhkii debeda joogay kuwii ayay isla libdheen. Anigu markaa waxaan u
baydhay kuwii Gaadiidka iyo daaqadaha Gurayaha si aan lanooga soo
toogan. Markaa Gudaha waxaanu kaga dagaalamaynay saddex keliya Maloosh,
Ibrahim Carab iyo Aniga. Baabuurkii Saddexdu saaranayen debeda ayay
hawshoodi ka bilaabeen. Tasina waxay keentay in gaadhkii lasoo eryado oo
ay xagayagii iyo Gudihii u soo yaacan Markii aanu baxaynay mid ka mid
ah oo meyda ayaanu halkii ku dhaafnay, mid kalena halkan Aqalka
debediisa ayuu ku dhintay. Run ahaantii magaranayo khasaraha aanu
geysanay intii uu leekaa, rag badanbaase meesha jiifay."
"Ibraahim koodbuur waxa uu ku muusanabayay “
Waar
raga laaayayaay...waar raga laayaay”. Saddex
Albaab ayaa isku dhejisnaa oo meesha ka soo jeeday Cabdisalaan Turkina
Albaabkii bidixda xigay ayuu jebiyay Markii uu Albaabkii jebiyay ayuu
yidhi kuma jiro, markasaan ku idhi "Waar ka Midigta, Waar ka Midigta.
Wuu ku orday Gacanta ayuu ula tagay, Cabdilaahi Askar markaa waxa uu
bilaabay qaylo. Waxa uu laha "Waar Waa Ikan..Waar Waa Ikan...Waar Waa
Ikan".
Bal haddaba Aadan Maal ha inoo sii wado sheekadan oo in badan oo
Bulshada Somaliland ka ka dhex arkayaan Mujaahidkii waynaa ee maalintaas
waxaas oo dhiig ah loo daadinayey "Markii aanu is tooyanaynay ee aanu
lahayn kan kuma jiro ayuu na maqlay, Cabdisalaan Turki ayaa Albaabkii
gacanta ula tagay Handaraabkii ayuu soo gundhiyay, Markaas ayaan ku idhi
” Waar Qoriga dabadiisa ku dhufo” Cabdisalaan Turki oo gacanta kula jira
ayaa Ibraahim koodbuur qoriga dabadiisa ku dhuftay, waanu ku qaylinay:
Waar ka daa ninka gacanta ha jabinine marlabad ayuu ku celiyay oo wuu
jabay Albaabkii Marxuum Cabdilaahi Askar oo qaawan ayaa isagoo boodaya
soo dhaafay, waxa soo baxay Cabdilaahi Askar oo aan lugaha ka xidhnayn
ee gacmaha oo keliya ka xidhan, Nigis yarna sita oo ay nabaro ku yaalan
Jidhkiisa".
Dadka
Marxuum Cabdilaahi Askar ku dhowdhowi waxay sheegaan in nabaradii
maalintaa lagu dhuftay Cabdilaahi ay wali ka muuqdaan Jidhkiisa,
Mujaahid Aadan Maal waxa uu intaas ku daray "Markii uu soo baxay ayaan
is hor taagay Aniga oo ka soo jeestay xaggii daaqadaha, waxa aan ku idhi
Waar Baabuurka fuul, Waar baabuurka fuul Anigii ayuu iga shakiyay,
Ibraahim iyo Cabdisalaan oo uu soo dhaafay ayuu ku yidhi "Waar ma
Baabuurka ayaan fuulaa !!?", Ibraahim ayaa la hadli waayay markasaan
Ibraahim ku idhi "Waar Baabuurka fuul dheh", Ibrahim ayaa u ishaaray
inuu Baabuurka fuulo, xaggii Baabuurka ayuu u laabtay oo dhinicii
Dirwalka ayuu soo maray. Dhinaca kale mar oo ka soo gal ayaan ku idhi,
Ibraahina Baabuurkii ayuu la fuulay Shidhkii, Siciid Cabdi Yaasiin oo
Baabuurka wadayna ma ahayn inuu ka dago, balse inuu saarnado ayay ahayd.
Aniga iyo Cabdisalaan Turki ayaa ku dhaqaaqnay Biixi Xaaji Xasan oo
dhaawacnaa, Siciid oo isna dhaawac ahaa, xabbadu waxay ku dhacday isagoo
Baabuurka saaran oo kalama uu soo degin.
dhawr goor ayaa degdega awgii baabuurku naga dhaqaaqay oo hadana noo
joogsaday oo hadana dhaqaqay. Baabuurku in door ah ayuu naga go’ay oo
Albaabkii laga baxayay ayuu ku dhawaaday, Annaguna dhaawicii Biixi
ayaanu daba sidnay. hadadna wuu dhaqaaq oo noo joogsaday. Biixi Xaaji
Xasan aad ayuu u dhawacnaa oo naftuba waa ay kasii gurmaysay. Waxa uu
nagu yidhi "Waar Annigu dhintaye yaan Baabuurku idinka tegin".sidaa
ayaanu Baabuurkii ku fuulnay, Biixina markii aanu tagnay naftuba way ka
baxday oo nolol laguma soo gaadhin.”
"Sidaa ayaanu ku ambabaxnay Annagoo Baabuur keliya wadana. Albaabka
Galbeed ayaanu ka baxnay. Jidka bari ka mara Guriga uu Cabdilaahi Dirwal
iminka ku jiro ayaanu qaadnay, waxa aanu u joogsanay Saddexdii Baabuurka
kale saarnaa oo soo ordayay. Cidi nama eryanayso markaa wax naga sii
yaacaya mooyaa”.
Alle naxariistii jano ha ka
waraabiyee Muj. C/laahi Askar Barkhad waxa uu ifka kaga tagay saddex
wiil, laba gabdhood iyo xaas.
|