|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2443 |
August 30,2010 Ramadan 20,1431H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Shirkadda Som-Cable Oo Shalay Soo Bandhigtay Faa’iidada Somaliland Ugu Jirta Cable-Ka Badda Hoostiisa Mara & Waxqabadkeeda Ugu Horeeya Hargeysa, August 30, 2010 (Haatuf) - Shirkada wadaniga ah ee Som Cable ayaa maalintii shalay ku soo bandhigtay Hutel Maansoor qaabka ay uga hirgalinayso Dalka Cable-ka Badda hoostiisa mara ee dhawaan la filayo in dalka la keeno iyo qorshayaasha ay u dajiyeen mashruucaasi inay uga faa'iidaystaan dadka reer Somaliland. Kulan balaadhan oo ay shirkadan Som Cale-ku soo bandhigaysay ayaa waxa ka qayb galey Wasiiro aad u tiro badan oo ka tirsan Xukumadda Axmed (Siilaanyo) labada shir. guddoon,Salaadiin,Aqoonyahano,Culimo awdiin iyo marti sharaf aad u tir badan. Kulankan oo ay ujeedadiisu aheyd in ay shirkaddan Som-Cable dadweynaha reer Somaliland ugu soo bandhigto qaabka ay uga hirgalinayso mashruucan Cable-ka badda hoostiisa mara dalka ayaa waxa sharaxaad ka bixiyay Guddomiyaha shirkadaasi ee qaybta ganacsiga u qaabilsan Yuusuf Xuseen Cabdala, isagoo marti sharaftii ka soo qayb gashay xafladaas la hadlaya oo u iftiiminaya faa’idada reer Somaliland ugu jira Adeegan Internet-ka ee xawaarihiisu aadka u sareeyo waxa uu yidhi “ Horta hordhaca barnaamijkan Som-Cable maaha kii dhamaystirka laakiin waxa weeyaan mid aanu ku sharaxayno waxqabadka ay soo wado shirkadani haddii alle yidhaa mustaqbalka waxayna wax weyn ka tari doontaa dhinaca isgaadhsiinta oo ay waxyaabo badani iska badali doonaan qiimaha iyo isticmaalkaba waxaa kale oo uu wax badan ka tari doonaa mashruucani camal la’aanta oo aan rajeynayo dhalinyarro badan oo imika bilaa camali inay shaqo ka helaan, waxaan idiin sheegayaa khabiiradii ama farsamo yaqaanadii ay shirkadan Som-Cable ka dalban lahayd dalka dibadiisa waxa ay joogaan dalkeena waxaana la aasaasay shirkaddan Som-Cable sannadkii 2008-dii oo aanu ka aasaasnay Somaliland, waxaana ku baxaya 40 Milyan oo Dollar, Shirkaddan Som-Cable waxaanu jecelnahay inay noqoto Sannadka soo socda Shirkad qaada shirkadaha isgaadhsiinta baahiyahooda oo dhan oo xambaarta oo u gudbisa Caalamka, anagu ma nihin shirkad Suuq geyn ah laakiin waxaanu nahay shirkada si jumlada ahaan wax ku iibisa waxaananu doonaynaa inaanu gaadhsiino dhamaan dalka Xuduudihiisa Degmooyinkiisa, xadhkahaasina waxay noqon doonaan mid laga soo dajiyo Magaalada Berbera, xarunta laga soo dajinayaana ay tahay Jabuuti intaaso kaliyana kuma eekaanayo ee waxaan doonaynaa inaan u sii gudbino Itoobiya oo aanu u marin doono Wajaale” Waxa sidoo kale halkaasi ka hadlay Dr. Axmed Xuseen Ciise oo si qoto dheer uga hadlay Muhiimada uu Dalka u leeyahay Mashruucan Cable-ku ee la filayo in dhawaan laga soo dajiyo Magaalada Berbera waxaanu sheegay inuu aad ugu rajo weyn yahay in Dhalinyaro faro badan oo Jaamacadaha Dalka ku jirtaa ay shaqo ka heli doonaan waxaanu Dr Axmed Xuseen Ciise faahfaahiyay sida ay isgaadhsiintu ka aheyd Dalka wakhtiyadii hore isagoo sheegay inay Jabuuti isgaadhsiin ugu dhaweyd Somaliland. Waxa kale oo isaguna halkaa ka hadlay Gudoomiye ku-xigeenka kowaad ee Golaha Guurtida Sh. Nuux Fure waxaanu ILAAHAY uga baryay Shirkadan Som-cable inay noqoto mid wax badan ka tarta Shaqo la’aanta baahsan ee Dalka ka jirta iyo inay noqoto mid faa’iidooyin badan keenta. Waxa isna halkaasi ka hadlay Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta C/risaaq Khaliif waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Waxaan ILAAHAY ka rajaynayaa inanaynu isugu nimaadno Xaflado noocan oo kale ah oo aan aheyn qaar Siyaasadeysan oo lagaga hadlayo Dadka iyo Dalkaba wax tar u ah” Waxaana ugu dambeyntii madashaas ka hadlay Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiilada Mudane C/casiis Maxamed Samaale, waxaanu ku dhiiri galiyey Shirkada Som-cable inay wax badan ka tarto Dhalinyarta Camal la’aan awgeed Baddaha ku daatay waxaanu C/casiis Maxamed Samaale Xukuumadana ugu baaqay inay shaqo abuur sameyso oo ay dhalinyarada wadanka badbaadiso, waxaanu ogu danbeyn Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee wakiilada C/casiis Maxamed Samaale u mahadnaqay masuuliyiinta shirkada Somcable oo uu ku tilmaamay muwaadiniin daldooda u hiilayey, waxaanu u soo jeediyey ganacsatada dalka in wadankooda maalgashadaan oo ay dhalinyarada wadanka ka tahriibaysa camalo u sameeyaan. |