|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2443 |
August 30,2010 Ramadan 20,1431H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Agaasimaha Cusub Ee Wasaarada Kalluumaysiga, Khayraadka Badda Iyo Maamulka Dekedaha Oo Xilkii Kala Wareegay Agaasimihii Hore Hargaysa, August 30, 2010 (Haatuf) - Agaasimaha cusub ee wasaarada Kalluumaysiga, khayraadka badda iyo maamulka dekedaha ayaa shalay si rasmi ah xilkii uga wareegay agaasimihii hore ee wasaaradaasi. Xaflada xilwareejinta oo ka qabsoontay xafiiska wasiirka kalluumaysiga, ayaa waxa ka soo qayb-galay Wasiirka Wasaarada kalluumaysiga, khayraadka badda iyo maamulka dekedaha, Xildhibaano, masuuliyiinta laamaha kala duwan ee Wasaarada iyo martisharaf kale. Ugu horeyn wasiirka kalluumaysiga, khayraadka badda iyo maamulka dekedaha Dr. Maxamed Yaasiin Xasan oo labadan masuul xilka u kala wareejiyey ayaa agaasimihii hore wasaaradaasi ku amaanay muddadii uu wasaarada joogay waxyaabihii uu qabtay “Intii uu agaasimuhu joogay wasaarada oo ku siman 9 bilood hawl qaranimada Somaliland ku wanaagsan ayuu qabtay, aniguna intii aan wasaarada joogay si fiican oo daacadnimo ah oo wadaniyadi ku jirto ayuu iila shaqeeyey” ayuu yidhi wasiirka kalluumaysigu. Waxa isaguna ka hadlay xafladan agaasimihii hore ee wasaarada kalluumasiga Xasan Maxamed Jaamac waxaanu ka waramay muddadii uu joogay wasaarada waxa u qabsoomay “Waxaan imi wasaarada bishii November badhatamaheedii 2009, markaa xafiisyada badankoodu may lahayn albaabo, gaadiid ay wasaaradu leedahay muu jirin, markii aan xilka la wareegay waxaan kiciyey gaadhigii agaasimihii hore wadan jiray, anigu qoladan KULMIYE isbadelka waan uga horeeyey” ayuu yidhi agaasimihii hore ee kalluumaysigu waxaanu intaa raaciyey “Wasaaradu waxay ka kooban tahay agaasimaha iyo saddex waaxood marka maamulka la eego, waaxda maamulka, waaxda kalluumaysiga iyo waaxda qorhsaynta saddexdaa waaxood ayey ka kooban tahay” ayuu raaciyey agaasimihii. Cabdiraxmaan Cawil Xasan oo ah agaasimaha cusub ee wasaaradaa dhawaana ayaa isagu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay xilkan loo igmaday una gudan doono sida ugu wanaagsan, isaga ka codsday ka soo qayb-galayaashii munaasibada inay ilaahay u baryayaan inuu xilka u fududeeyo. Waxa isaguna ka hadlay Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo tilmaamay inuu rajo wayn ka qabo wasiirka iyo agaasimaha cusubi inay wax badan ka qaban doonaan arrimaha xeebaha iyo kalluumaysiga. Ugu damabayntii wasiirka Kalluumaysiga, khayraadka badda iyo maamulka dekedaha ayaa xilkii u kala wareejiyey labada agaasime. |