Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2443

August 30,2010                                                                              Ramadan 20,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 

Wasiirka Daakhiliga Oo Xilkii Ka Qaaday Xooghayihii Dawlada Hoose Ee Hargeysa Mid Cusubna Magacaabay

Hargeysa, August 30, 2010 (Haatuf) - Wasiirka  arrimaha gudaha  Somaliand Dr. Maxamed Cabdi Gaboose ayaa shalay xilkii ka qaaday  xoghayihii  fulinta Dawlada Hoose  ee Hargeysa Maxamed Aw Aadan Wayrax , isagoo u magacaabay Xoghaye  cusub oo magaciisu yahay Deeq Xirsi Xujaale.

Sidaa waxa lagu sheegay  Waraaq uu shalay soo saray Wasiirka Arrimaha Guddaha Dr. Gaboose, taas oo uu ku magacaabay Deeq Xirsi Xujaale  in uu bedalo xoghayihii hore ee dawlada Hoose Maxamed Aw Aadan Wayrax, wax kale oo wasiirku faray ku simaha duqa ahna ku xigeenka duqa Caasimada Maxamed C/ laahi Uurcade in sidda ugu dhakhsaha badan ugu kala wareejiyo xilka masuulkan cusub iyo masuulkii hore oo ku amaanay muddadii uu xilka hayey sida wadaniyada leh u gutay wajiibaadkii qaranka ka sarana wax kale oo wasiirku kula dardaarmay xoghayaha cusub inuu halkaasi ka sii anba qaado hawsha qaranka ee loo igmaday.

Wasiirka ayaa xoghayihii hore uga mahadnaqay siddii fiicnayd ee intii uu xilka hayey u gutay waxaanu Xooghaya cusub ku booriyey inuu qabyo tiro hawlaha horyaala dawlada Hoose.

Xooghayan xilka laga qaaday ayaa muddo dheer hayay xilkan, balse waxa xil ka qaadistiisa loo aanaynayaa wakhtigii lagu jiray olalihii Doorashada Madaxtooyada inuu si toos ah u galay olalaha, isaga oo ah masuuliyinta aanu sharcigu u ogalayn inay  xisbi u olaleeyaan.

Xukuumada Siilanyo ayaa   dhinacyo  badan ka eegaysa  Magacaabista shakhsiyad hawl kar ah  si ay Xukuumada cusbi u noqoto mid  ka turjunta horumarkii xisbiga Kulmiye ku olalaynayay sanado badan, si looga dhabeeyo balanqaadyadii shacbka iyo kulmiye ku heshiyeen oo ahaa in dalka laga tirtiro masuliyiinti Xukuumadii hore ee caanka ku ahaa  musuqmaasuqa.