Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2443

August 30,2010                                                                              Ramadan 20,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 

Buug Xiiso Leh Oo Ay Qortay Maryan Jamiila Kadib Markii Ay Soo Islaamtay

Waxaa Tarjumay Abshir A/Xasan [Qaybtii 22aad]

Ma waxa uu ahaa aabihii fikradda mise ma ahayn. Waa maxayse waxa raadka ku yeeshay? Kitaabkiisa "Fikradaha Diinta ee Seer Sayid Axmad Khan" - ee dhawaanta lagu daabacay Machadka Dhaqanka Islaamka, laahoor, kaas oo Bashiir Axmad  Daar ku sheego in uu Seer Sayid Axmad Khan si googta ah uga soo xigto Shaah Waliyllah raacana fikradihiisa.

Hababka cudurdaarka ee Seer sayid Axmad Khan waxa ay dhaawaceen aqoonta islaamka iyada oo aan cidi dareemin. Waxa ay si xun u saameeysay Sayid Amiir Cali iyo waliba sidoo kale Mawlaana Abul kalaam Asad. Xataa aqoonyahankii Iqbaal ayaa ka wada baxsan kari waayay saamaynta fikradaha Seer Sayid Axmad Khan,  gaar ahaan sida ka muuqata kitaabkiisa Dibudhisidda Fikradaha Diinta Islaamaka.

Waa aan ogahay in uu Iqbaal ahaa gabayaagii ugu wanaagsanaa ee dunida muslinka qarnigii labaatanaad. Xataa qaar ka mid ah gabayadiisa loo turjumay Ingriisiga ayaa ah qaar dhiiga dhaqaajiya. Laakiin mawqifkiisu waa halkee? Aqoonyahanada qaarkood ayaa ku adkaysanaya in uu Iqbaal ahaa casri heerka kowaada. Waxa ayna aragtidoodan ku badhikaabayaan ka soo guurinta ay si toosa ugu soo qaataan kitaabkiisa "Dibudhisida Fikradaha Diinta Islaamka". Kitabkaas oo isku dayaya in uu u fasiro tiirarka islaamka si waafaqsan habka ay faylsuufiyiinta Yurub ee cusubi wax ku qiyaasaan. Waxa uu si xamaasad leh u ammaanay tijaabada Kamaal Ataaturk ee Turkiya. Waxa se  uu gabayadiisa Faarisiga iyo Urduuga ah si adag ugu canaantay dhaqanka Galbeedka iyo kuwii aasaasay. Waxa kale oo uu si ba'an u canbaareeyay muslimiinta ka tagtay dhaqankooda ee ku dayda reer Galbeedka. Ma jiro qore ka mid ah qorayaasha  shakisan ama aan waxba rumaysnayn  oo kari karay in uu u qoro mawduucyada islaamiga ah sida uu Iqbaal uga qoray si daacadnimo  ah oo nadiifa. Waxa aanan weli fahmin waxa uu aqoonyahanka Iqbaal iskugu buriyo meelo badan? Ma rumaysan karo in uu runtii ahaa khaayin. Codkiisa ayaa ka qaylo wayn in uu ahaa khaayin. Haddaba waa maxay jawaabtu?

Adiga oo mahdasan wax ma iiga sheegi kartaa Mawlaana Abul Kalaam Asad oo noolaa (1888-1958,) waayo ma aan helin kutub ka hadlaysa isaga oo aan ahayn kitaab qudh ah oo Ingriisi ku qoran, uuna leeyahay broofisoor Hamayoon Kabiir kaas oo aan ka helay xarunta guud ee kutubta ee Niyuu Yoork. Laakiin kani igu ma filna. Waxa aan ka aqaano isaga oo dhammi, waa in uu ahaa xoriyad u dirire aad ugu dhaw Mahatama Gaandi, iyo in uu ahaa madaxwaynihii xisbiga Koongareska mudo labaatan sannadood ah. Markii ay Hindiya Qaadatay gobonimadana noqday wasiirka tacliinta ilaa intii uu ka geeriyoonayay. Waxa kale oo aan akhriyay in uu ahaa caalin aqoonyahan ah. Waxa uu ku xeel dheeraa afka Uruduuga oo uu ku qoray sharaxa muranka dhaliyay ee Quraanka. Nasiib darose qoraaladiisu weli kuma turjumna Ingriisi.

Aad  baan kuugu mahadniqi, haddii aad ii ifisid arimaha aan ku soo qaaday waraaqdaWalaashaadii Islaamka:

MARYAN JAMIILA.

Laahoor, Fabraayo 10, 1962