Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2443

August 30,2010                                                                              Ramadan 20,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 

Raysal Wasaaraha Britain David Cameroon Oo Uu U Dhashay Ilmihii Afaraad

Wabaahinta dalka Ingiriiska ayaa markii ugu horeysay heshay sawirada iyo wararka ku saabsan ilmayar  dhawaan loo dhalay ra'isulwasaaraha dalka Britain David Cameroon, kuwaas oo ay saxaafadu siiyeen qoyska ra'isulwasaaraha.

Ilmaha loo dhalay Mr Cameroon oo ah gabadh loogu magac daray ayaa waxa lagu dhaliyey cisbitaalka Royal Cornwall Hospital ee deegaanka Truro Khamiisti lasoo dhaafay kadib markii ay si lama filaan ah fooli u qabatay xaaska ra'isulwasaaraha oo lagu magacaabo Mrs Samantha Cameron. Ra'isulwasaare Cameroon iyo qoyskiisa ayaa hada ku sugan Cornwall iyaga oo ku qaadanaya fasaxa xilliga xagaaga ee kulaalaha dalkaasi Ingiriiska, kadib markii Mrs Cameron iyo gabadheeda yar ee Florence ka baxeen cisbitaalka Jimcihii. Inanta yar Florence ayaa magaceeda oo buuxa waxa uu yahay Florence Rose Endellion Cameron, waana Ilmihii afraad ee uu dhalo Mr Camerons, waalidka gabadhan yar ayaa dooratay magaca la siiyey oo ah magac iska dhex dhexaad ah oo ay la baxaan dadka reer Britain. Ra'isuwlasaaraha dalka Ingiriiska David Cameron ayaa Ilmihiisa curadka ah lagu magacaabaa Ivan, waxana uu ku dhashay cuuryaanimo hase yeeshee waxa uu geeriyooday bishii February 2009, laakin isaga iyo xaaskiisu waxa ay hada heystaan laba caruur ah oo kale oo lagu kala magacaabo Nancy iyo Arthur, oo kala jira lix yo afar sano.