Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2443

August 30,2010                                                                              Ramadan 20,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 

Haweenay Gacanteeda Ku Dishay Modu Bil Ah Afar Milyan Oo Keneeco Oo Abaal Marin Lacageed La Gudoonsiiyay

Haweenay u dhalatay dalka Taiwan, oo lagu magacaabo Huang Yu-yen, ayaa lagu baal mariyay lacag gaadhaysa Seddexkun oo Dollarka Maraykanka ah ka dib markii ay ku guulaysatay in ay bil gudeheed ku qabato Afar Milyan oo Kaneeco ah.

Shirkadda haweenaydan gudoonsiisay Abaalmarintan lacageed oo ah Kambani sameeya Dabinda lagula dagaalamo xasharaadka iyo cayayaanka ayaa daboolka ka qaaday in haweenaydani ay samaysay mid ka mid ah dadaalada ugu badan ee lagula tacaalo la dagaalanka Kaneecada oo wexyeelo xun ku haysa caafimaadka aadmaha.

Afhayeen u hadlay Shirkadan ayaa sheegay in ay haweenaydani ay ku guulaysatay in ay bil kaliya gudaheed ku disho Afar Milayan oo kaneeco ah, waxaanu xusay in  marka la isku geeyo culayska miisaanka Afarta Milyan ee kaneecada ah ee ay haweenaydani dhishay in uu noqonayo 3 pounds iyo 5 ounces.

Afhayeenku waxa kale oo tibaaxay in waxqabadka haweenaydan loo diray diiwaanka lagu qoro dhacdooyinka yaabka leh ee dunida Guinness World Records, kaas oo lagu codsanayo in loo aqoonsado haweenaydii ugu kaneeco dilista badnayd dunida ee abid la arko.