|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2443 |
August 30,2010 Ramadan 20,1431H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Bileyska Boosaaso Oo Raafay Dad Ka Soo Jeeda Koonfurta Somalia Boosaaso, August 30, 2010 (W.Wararka) - Ciidamada Bileyska maamul goboleedka Puntland ayaa magaaladda Boosaaso ka fuliyey howlgalo Raaf ah oo ay ku soo qabqabteen dad badan oo ka soo jeeda koonfurta dalka Somalia. Howlgalada ayay ciidanku ka sameyeen intiisa badan oo ay galeen qaar kamid ah hoteelada ku yaalla magaalada, isla markaana ay kasoo qabteen tiro dad ah oo ay xabsiga u taxaabeen. Dadka la qab qabtay ayaa deganaa hoteelada,waxaana ay ciidanku saareen gawaadhida loogu talagalay maxaabiista oo ay ku geeyeen xabsiga. Sidoo kale ciidanka ayaa dad kasoo qab qabtay Suuqa weyn ee magaaladda, iyadoo dadkaas aan la aqoon tiradooda rasmiga ah. Ma jirto wax faahfaahin ah oo la xidhiidha sababta ka dambaysay howlgalkaan, iyadoo bishii July ee lasoo dhaafay howlgalo ay ciidanka ka sameeyeen magaaladda ay ku qab qabteen dad kasoo jeeda gobolada Koonfureed oo laga mastaafuriyey magaaladda. Howlgalkan ayaa ku soo beegmaya xilli habeenimadii xalay qarax bam ah lagu tuuray guriga Taliyaha ilaalada Cashuurahaa gobolka Bari. |