|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2444 |
August 31,2010 Ramadan 21,1431H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Mid Ka Mid Ah Dadkii Lagu Xasuuqay Malka Durdure 1988-Kii Oo Daadku Soo Saaray Lafihii, Surwaalkii Iyo Suunkii Uu Marxuumku Xidhnaa Oo Badqabay "Xasuuqii Ciidamadii Afweyne U Geysteen Shacbiga Reer Somaliland Oo Xabaalo Wadareedyadii Dadka Lagu Guray Maalinba Mid Qaybo Roobabku Soo Saaraan" Hargeysa August 31, 2010 (Haatuf) – Maalintii Doraad ayaa waxa la arkay lafaha qof ka mid ah dadkii ciidamadii Afweyne ku xasuuqeen duleedka magaalada Hargeysa (Xaafada Malka-durduro), halkaas oo ay ku jiraan xabaalo wadareedyo ka mid ah Kumaan kumka shacbiga reer Somaliland ee ciidamadii Siyaad Bare 1988-kii Xasuuqa Ba’an ugu geysteen. Lafaha maydadka dadkii Ciidamadii Afweyne ku laayeen xiliyadii xaq u dirirka SNM dagaalka kula jireen Ciidamadii Faqashta ee Siyaad Bare ayay Roobabka tododaabadan ka da’ayay caasimada Hargeysa oo soo rogay daad ay dibada usoo saareen lafaha qaar ka mid ah dadkii Ciidamadaasi xasuuqeen. Qolfoofka Lafaha Marxuumka ayaa waxa uu sidii ugu jiray dhirkii uu gashanaa intaanu dhiman, kuwaas oo sidoodii ahaa isla markaana aanay ciidu cunin muddo ku sigma 20 labaatan sano, taas oo Surwaalkii iyo suunkii uu xidhnaa aanay is wax isbedel ahi ku dhicin maryahaa. Lafaha dadkaasi Rayidka ahaa ee ka soo jeeda Somaliland ee ciidamada nacabka ahaa xasuuqeen ayaa isugu jiray, Dhalinyaro, Ganacsato, Qqoonyahano, Culimaa’udiin iyo dad waayeel ah, kuwaas oo raxan raxan inta la isugu xidh-xidhay qoryaha daran-dooriga u dhaca lagu furay, isla markaana xabaalo wadareedyo ay cagaf-cagaf ku rogtay Ciida. Xabaalo wadareedyada ay ku aasan yihiin dadkaasi ee agagaarka hareeraha dooxa xaafada Malko Duduro ee duleedka Hargeysa, ayaa wakhtiyada xilli roobaadka ee Gu’ga marka la gaadho sanad walba ay roobabka da’aa daadadka ka soo rogmadaa dibada u soo saaraan lafaha dadkii ciidamadii Siyaad Barre xasuuqeen 1988-kii. Maalintii doraad, ayay dadweyne farabdani ku arkeen xaafada Malko-durduro ee duleedka galbeed Hargeysa lafaha qof ka mid ah dadkii xasuuqaasi ku nafwaayey oo roobabku dibada u soo saareen ayaa Mujaahid Muxumed Cumar (Qulka) oo ka mid ahaa ururkii xaq u dirirka SNM ee wakhtigaasi dagaalka kula jiray dawladdii Siyaad Barre oo lafaha soo arkay, ayaa waxa uu Haatuf u sheegay in qolfoofkaasi macal dharkii uu gashanaa aanay ciidu cunin, islamarkaana Surwaalkii uu gashanaa ay ka muuqato rasaastii lagu dilay meeshii ay kaga dhacday iyo halkii ay ka baxday. Maaha Markii ugu horaysay ee la arko Lafo dadkaasi xasuuqaasi ka mid ahaa, balse laga soo bilaabo sagaashanadii ilaa hadda xilliga roobaadku curtaan ayaa daadadka soo rogmadaa dibada usoo saaraan lafaha dadkii, iyadoo dhawr jeer oo hore xabaalo wadareedyada qaarkood ama inta badan ee ku aasan Malko durduro guddi loo saaray dib lafaasi inta la isku ururiyay la aasay, isla markaana sibidh iyo sabad lagu adkeeyay, balse may noqon wax adkeeya ee daadadka soo rogmada ay wakhtiyada qaar daadad aad u waaweyni meelo badan xabaalo wadareedyada ka soo saaraan lafaha dadkii xasuuqaa lagu laayay. Waxa hadaba loo baahan yahay, in dadweynaha reer Somaliland, ganacsato, aqoonyahano, waxgarad, xukuumad loo gurmado sidii xabaalo wadareedyadaasi meel weyn loogu aasi lahaa oo roobabka looga badbaadin lahaa, iyada oo dhanka kalena loo baahan yahay in dadkaasi sanad walba xus loo sameeyo lagu xasuusanayo falkaa Axmaqnimada ahaa ee taliskii dhiigya cabka ahaa u gaystay ummada reer Somaliland. |