|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2444 |
August 31,2010 Ramadan 21,1431H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Ciidamo Ka Tirsan AMISOM Oo Ku Dhintay Hoobiye KU Soo Dhacay Vila Somalia Iyo Sh. Shariif Oo Beesha Caalamka Ka Dalbaday Gurmad Milateri Wadooyinka Dagaalku Ka Socdo Ee Muqdisho Oo Ay Isku Kaliyeysteen Dhawaqa Rasaasta Iyo Dhinacyada Dagaalamaya Muqdisho, August 31, 2010 (W.Wararka) – Afar ka mid ah Ciidamada Midawga Afrika ee AMISOM ayaa maalintii shalay ku dhintay Hoobiye ku soo dhacay xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia, Hoobiyahaas oo ka soo dhacay dhinaca kooxda Alshabaab ee dalka Somalia. Afhayeenka ciidanka Amsiom Barighye Behuko ayaa xaqiijiyey dhimashada ciidamadaas, waxaanu sheegay in in dhamaan askari ee dhintayba ay ka soo jeeda dalka Uganda. Afhayeenka Ciidanka xarakada al-Shabaab ayaa isna Shalay saxaafadda u sheegay inay askar badan ku dileen madaxtooyada, kaas oo intaasi inay ka warheleen inay isu diyaarinayeen sidii ciidamadaasi loo geyn lahaa dhinaca Boondheere oo dagaal xoogan ka socday, kadib waxa qaybta madaafiicda ee Al-shabaab ay ogaadeen halka ay ka joogaan madaxtooyada iyaga oo saf ku jira waxaanay ku rideen madfac ayuu yidhi Abuu-Muscab oo u hadla ciidanka Al-shabaab, iyada oo halkaas ay ku dhinteen gaalo badan waa sida uu hadalka u dhigaye. Sidoo kale dagaalkii ka socdey xafadda Boondhgeere oo ahaa kii u xoogganaa dagaaladii shalay ka socda qaybaha kala duwan ee Muqdisho ayaa soo gaadhay tan iyo cadceed dhicii shalay iyada oo aan wax horumar ah laga gaadhin. Dadweynaha ku dhaqan xaafada Shingaani ayaa inana ka qaxay oo ka cararay guryihii ay degenaayeen, iyagoo ka cabsi qaba in dagaalku ku soo fido, isla markaana waxyeelo ka soo gaadho. Dhinaca kale Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa shalay soosaaray war murtiyeed uu ku dalbaayo gargaar degdeg ah oo milatary, waxaana uu sheegay in aan Soomaaliya oo kaliya ku filnayn inay ka hortagaan Al-qaacida iyo Al-shabaab. Dagaalka al-Shabaab ku dhawaaqday isla markaana taageerada ka heshay Xisubul Islaam ayaa maraya todobaakii labaad, waxaana ay wacad ku mareen inay dagaalka wadayaan tan iyo inta ay la wareegayaan magaalada Muqdisho. Madaxweyne Shariif ayaa waxa uu warsaxaafadeedkiisa ku sheegay in beesha caalamka ay indhaheeda u soo weeciso gudaha dalka Soomaaliya oo uu sheegay inay ka jirto qakhtar baaxad leh oo dowladda kaga imanaysa kooxo hubeysan oo xidhiidh la leh sida uu yidhi Al-qaacidda. Warsaxaafadeedka uu soo saaray madaxweynaha oo aad u dheeraa ayaa sidoo kale waxa uu kaga hadlay weerarkii isqarxinta ee lala eegtay Hotel Muna 24-kii August, kaas oo galaafatay nolosha dad Soomaaliyeed oo rayid ah oo gaadhaya 33 qof oo ay ku jiraan xildhibaanno iyo saraakiil ciidan. Waxa uu madaxweyne Sheekh Shariif ku sheegay warsaxaafadeedkiisa in xagjirka Al-shabaab ay u ban baxeen ololahooda argagaxisonimo sidaa awgeed ay beesha caalamka ka doonayaan taageero milateri oo aan kala sooc lahayn sida uu yidhi. Madaxweynuhu waxa kale oo uu warsaxaafadeedkiisa ku sheegay in aanay si Sax ah ual muuqan in Soomaaliya kaligeed lagu daayo ka hortagga Al-shabaab iyo Al-qaacidda oo jaalkood ah, maadaama Soomaaliya ay ku jirto buu yidhi 20 sano oo burbur, qas iyo jahawareer siyaasadeed ah. Marka la eego weerarkii is-qarxinta ee July 11-keedii lala eegtay Kampala, iyo weerarkii Mogadishu ee Al-shabaab iyo saaxiibadood ay abaabuleen, waxaa muuqata in Argagaxisadu ay qorshaysteen inay carqalad iyo xasilooni la’aan ku abuuraan gobolka Geeska Afrika oo dhan iyo dalalka ka fogba, sidaa awgeed ayaa waxa uu yidhi dowladda Soomaaliya waxa ka go’an dib-u-yagleelka sharciga iyo kala-dambeynta Muqdisho iyo in ay gaashaanka u daruurto Al-shabaab iyo kuwa taageera ee wata afkaaraha nidaam-diidka ee ku xidhan xagjirnimada oo ay fidiniyaan. “Inkastoo ay jiraan culeysyadaas, waa inaynaan waligeen iloobin in guushu ay u baahan tahay istaraatijiyad iyo u dhabar-adayga hawsha iyo in si dhab ah looga hortago argagixisada, si taas loo helana dowladda Soomaaliya waxay u baahan tahay kaalmada bulshada caalamka” ayuu yidhi Sheekh Shariif. Wuxuu sheegay ciidamadan inay yihiin kuwo hordhac ah isla markaana ay jiraan ciidamo kale oo Xisbul Islaam ugu tala gashay inuu ku soo biiriyo dagaalada kuwaasoo maalmaha soo socda uu sheegay inay Muqdisho soo gaarayaan. Ururka Xisbul Islaam ayaa wuxuu sheegay dhankooda inay sii xoojinayaan ayna sii wadayaan dagaalada ilaa ciidamada AMISOM looga saarayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. |