Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2444

August 31,2010                                                                              Ramadan 21,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 

Kulan Wada Tashi Oo Dhex-Maray Madaxda Xisbiyada, Labada Shirgudoon, Komishanka Iyo Madaxwayne Siilaanyo Oo Ka Qabsoomay Qasriga Madaxtooyada

Hargeysa, August 31, 2010 (Haatuf) - Kulan balaadhan oo  shalay ka dhacay Qasriga Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo ay ka soo qaybgaleen  Madaxweynaha JSL, Madaxweyne ku xigeenka, Shir-guddonada labada gole (Guurtida iyo Wakiilada), hoggaamada saddexda Xisbi  Qaran  iyo Komishanka Dorashoyinku, ayaa si guud iskugu afgartey in aanay sababo badan awgood aanay suurtagal ahayn qabashada doorashada goleyaasha Guurtida iyo Wakiilada oo ay muddo aad u yari ka hadhay, iyada oo la ogyahay in ay tii deegaanaduna muddo dhaaf tahay.

Kulankan oo ay ujeedadiisu ahayd sidii uu qaranku talo uga yeelan lahaa doorashooyinka goleyaasha ee kaabiga inagu soo haya, ayey madaxdu ku lafo gureen duruufta dhaqaale iyo ta siyaasadeed ee dalka, gebagebadiina waxa la isku raacay in ay madaxda sadexda Xisbi iyo Komishanka doorashooyinku ka soo talo bixiyaan wakhtiyada ku habboon iyo duruufaha kale ee ku gedaaman doorashooyinka , sida shuruucda   ay badhkood qabyo yihiin.

Xubnaha ka qayb galay kulankan waxay kala ahaayeen sidan:-

1.      Madaxweynaha JSL Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud ( Silaanyo )

2. M/wayne ku-xigeenka JSL Mudane: C/raxmaan C/laahi Ismaaciil ( Saylici)

3. Gudoomiye kuxigeenka Kowaad ee Golaha Guurtida Sh. Axmed Nuux Fure

4. G/ xigeenka Labaad ee Golaha Guurtida Md siciid Jaamac Cali

5. G/ ku-xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Md Baashe Maxamed Faarax

6. Gudoomiyaha Komoshanka Doorashooyinka Qaranka Eng. Ciise Yuusuf Maxamed (Ciise Xamari)

7.  Af-hayeenka Komishanka Doorashooyinka Qaranka Maxamed Axmed Xirsi Geele

8. iyo laba Xubnood oo kale oo komishanka Qaranka ah oo kala ah

Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil

Faarax Abiib Aadan

9. Gudoomiyaha Xisbiga UCID  Faysal Cali Waraabe

10. G/ xigeenka Xisbiga UCID Aadan maxamed Mire Waqaf

11. Af-hayeenka Xisbiga UCID Xasan Xuseen

12. Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi

13. G/ ku Xigeen Xisbiga Kulmiye C/raxmaan Cabdi Qaadir

14. G/ ku xigeenka xisbiga Kulmiye   C/raxmaan Talyanle

15. Xog-hayaha Guud ee Xisbiga kulmiye Kayse Xasan Cige

16. Madaxwayne ku-xigeenkii Hore JSL Axmed Yuusuf yaasiin

17. Wasiirkii Hore Maaliyada  Cawil Cali Xuseen Xisbiga 

18. Gudoomiha Siyaasada ee Xisbiga UDUB Cumar Jaamac.