|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2444 |
August 31,2010 Ramadan 21,1431H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Magacaabista Maareeyaha Cusub Ee Dekedu Ma Yahay Mid Ku Haboon Mansabkaa Mise Waa lala wayey? Faallo -Khalid Xabsi Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilanyo ayaa Dekeda BerBera u magacaabay maasuul cusub oo badali doona Maareeyihi hore Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor Xoor) ,kaas oo magaciisu yahay Axmed Yuusuf Dirir oo ka tirsanaa Shaqaalaha Dekeda gaar ahaan qaybta xisaabadka mudo dheerna ka soo shaqeynayay Marsada BerBera .Mansabkan Maareeyaha Dekeda BerBer oo kolayba ka soo dhex bixi lahaa Bulshada Degaan ahaan ka soo jeeda Gobolka Saaxil gudo iyo debed mid kay doontba ha ku suganaate . xulashada masuliyiinta dawladda ayaad mooda in Madaxweyne Siilaanyo ka eegayo dhinacyo badan si Xukuumadiisu u noqoto mid ka turjunta horumarkii iyo isbadalkii sannadaha badan xisbiga kulmiye ku olalaynayey si looga dhabeeyo ballanqaayadii shacbiga iyo kulmiye ku heshiyeen . dhinaca shacbiga doortay kulmiye ayaa jecel in ay xukuumaddasi noqoto mid siyaabo badan kaga duwan xukuumadii dhacday ee Madaxweyne Rayaale oo lagu dhaliili jiray wax qaban La’aan . Tan iyo markii la soo saaray madaxda loo soo magacaabay laamaha kala duwan ee Gobolka Saaxil , ayaa shacabka reer BerBera isku raacen in ay horumar la taaban karo gaadhsiin doonan Gobolka , hasa yeeshe magcaabista xilka mareeyaha dekeda ayaad mood in madaxweynaha loo hoos qariyay oo dad badan oo ku nool BerBera ay isku raceen in madaxweynuhu ku degdegay Mansabkaas oo ay wanagsanayd in aad looga baraan dago madaama mansabkani u yahay kursiga lagu soo saaro dhaqaalaha dalka si hadalka ka soo baxa maamulka Dekedu u noqda mid u dhadhama ummada , magacaabista Mr. Dirir-na u eegtahay shakhsi aan ku haboonayn Xilkaas xilkan ayaa markii horaba miiska sii saarna maalmihii u danbeeyay ,waxana sii qorshaysana masuliyiin dagaal adag u galay xisbiga kulmiye xiligii lagu jiray Doorashada kuwaas oo maalmihii u danbeeyey hadalhayntoodu ka soo shaacbaxday warbaahibta madaxbanan iyo goobaha Bulsahadu ku kulanto. si kastab ha ahaate maareeyahan dekeda ayaa lagu tilmaami kara nin aan aad ulala macaamili Karin shaqaalaha ka hawl gala Dekeda , waxaana dhici karta in xidhiidhka Dawlada Cusub iyo shacabka reer BerBera ay isku dhacaan .madaxweyne Siilanyo ma odhan karo maxaad ku dooratay Maareeyahan, kamana hor joogsan karo cid kasta oo uu xilkaa uu u magacaabo , hasa yeeshe Magacaabista Maareeyhan cusub ayaa la odhankara waa xilkii u horeyay ee intii ay dhalatay Xukuumadan Siilanyo ee aan doob dilaacsan ay dad badan ka biyo diidan loona baahan yahay in dib loogu noqdo. |