|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2444 |
August 31,2010 Ramadan 21,1431H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Buug Xiiso Leh Oo Ay Qortay Maryan Jamiila Kadib Markii Ay Soo Islaamtay Waxaa Tarjumay Abshir A/Xasan [Qaybtii 23aad] Aslaamu Calaykum Wa Raxmatullaahi Wa Barakaatu. Waa aad ku mahadsantahay waraaqdaadii 25kii Janaayo. Fikradaha aad ka qabto Mirsa Qulaam Axmad ee aad cabirtay waa qaar aad u sax ah. Xataa haddii aynu muran ahaan u soo qaadano in uu Nabi Maxamad (NNKH) dabadii Nabi soo baxayo - in kasta oo uu malahani Quraanka iyo Xadiiskaba lid ku yahay - haddana marka aynu ku hakanno sida qof anshax iyo maskax gaaban loogu boqray in uu noqdo Nabi, waxa aynu si dhib yar u garanaynaa sida ay hoos ugu dhacday fikradda Nabinimadu xiligeenan. Kutubta uu qoray beenlawgani, in lagu turjumo afka Ingriisiga iska daayoo, xataa waxa ay kuwa raacsani ku dhici waayeen in ay dib ugu daabacaan afka Urduuga. Wareega la wareejinayo qoraaladiisa waxa loo ilaaliyaa si taxadir leh, dadwaynahana waa laga qariyaa, waayo Qadiyaaniyiintu waxa ay ogaadeen xumida iyo nacaybka loo hayo. Waxa aad ku sawirtay sawir run ah Axmadiyada Laahoor iyo Qadiyaaniyiinta reer "Rabawah", laakiin aragtida aad ka qabto in uu Seer Safarullah Khan ka tirsan yahay kooxda Laahoor waa aragti qaldan. Waxa la cadeeyey in uu yahay Qadiyaani oo uu rumaysanyahay in Mirsaa uu noqon doono Nabi. Axadhistaadii ku saabsanayd sida ay dawaladda Hindiya ula dhaqanto muslimiintu waa run. Guud ahaan marka laga hadlayo, hogaamiyayaasha siyaasadda ee cusub ee Eeshiya iyo Afriki waxa ay xoriyad jecelyihiin oo qudha marka aanay doonayn in ay arkaan awoodda siyaasadeed oo gacmo shisheeye ku dhacda. Laakiin wax kasta oo la xidhiidha fikirka iyo akhlaaqdaba waxa ay adoomo daacad ah ugu yihiin kuwii madaxda hore ugu ahaa, sidaas ayaa ayna u raacaan raadkoodii. In yar oo ka mid ah ayaa leh maskax madax banaan oo dhiiran. Nehro gabigiisaba waxa ku jirtay naf Ingriis ah .Waxa uu Hindi ka yahay uun muuqaalka guud. Shaah Waliyullah waxa uu horeeto iyo danbeetoba ahaa caalin wayn oo muslin ah. Damaanad kama qaadi karo eray kasta oo uu yidhi, waxa se aannu shaki igaga jirin in uu ahaa muxadis iyo faqiih darajada kowaad ah. Qaarad yaraha Hindiya iyo Baakistaan ayuu ka ahaa hogaanka fidinta aqoonta xadiiska. Koox kasta oo ka mid ah culimadayaduna waxa ay abaal wayn ugu hayaan isaga fidinta uu fidiyay aqoonta Nabi Maxamad(NNKH). Ahaanshaha uu ahaa nin aqoon dheer u leh diinta lagana dambeeyo, ayuu ku walba isku dayaa in uu adeegsado magaciisa, oo uu ereyadiisa ka kaxeeyo halka ay ku haboonyihiin si uu ugu muraad qumisto. Kutubtiisa oo dhammina waxa ay ku qorantahay Carabi ama Faarisi, sidaa daraadeed qof kasta oo labadaa af yaqaanaaba waxa uu si buuxda u ogaanayaa sida ayna fikradihiisa daacadda uga ahayn kuwan taageero doonayaasha ahi! Waxa ay hadalkiisa u dhisayaan si waafaqsan fikradahooda khayaaliga ah. Waxa aanay isku deyayaan in ay kala soo baxaan fikrado aan ku jirin qoraaladiisa. Shaah Waliyullah marna kuma baaqin kor marka mad-habta caqliga, mana doonin in laga saaro diinta wax-yaabaha ka soo jeeda Carabta. Waxa uu ahaa qof xoog u jecel afarta mad-habood, mana uu doonin in uu dejiyo hab sharci cusub ah oo uu ku bedelo shareecadda hadda jirta. Hase yeeshee, markii uu arkay adayga iyo colaada ka dhexaysa afarta mad-habood, waxa uu doonay in ay wanaagsanaan lahayd in laga soo dhex saaro gaar ahaan fiqiga Xanafi iyo Shaafici hab shareeco cusub ah. Laakiin ma doonin intaa wax dhaafsan. Ma dafirayo runta ah in uu aqoonyahankii Iqbaal aad u canaantay Galbeedka, oo uu shaqo wayn u qabtay islaamka daraadiis, gaar ahaan isaga oo adeegsanaya gabayadiisa. Nasiib darose, sidaad hore u sheegtay qoraaladiisu kama madhna is-burin. U horayn, Iqbaal waxa uu si is-dabajoog ah u maray heerar kala duwan oo ah korniinka maskaxda intii uu noola. Sannadihii u dambeeyay ee noloshiisa oo qudh ah ayuun buu awood u yeeshay in uu maskaxdiisa ku abuuro fikradda saxa ah ee islaamka. Noloshiisii hore, waxa fikiradda islaamka ee uu aaminsanaa ku laaqnaa fikrado badan oo dibedda kaga yimid. Ta labaad, qaybta u wayn ee noloshiisa, halkii uu ka noqon lahaa muslin si adag u haysta fikradaha islaamka, ayuu nooca wadaninimada salka ku haya aaminay taas oo uu kari waayay in uu ka xoroobo. Taas ayaana sabab u ahayd canbaarayn la'aantii uu canbaarayn waayay hogaamiyayaasha muslinka iyo kuwa sida cusub u fikira. Mararka qaarkoodna, iyada oo ay ugu wacantahay fasaxa uu u haysto gabayga awgeed, ayuu ku talax tegi jiray xag jirnimada iyo taageerada uu siiyo hawlaha ka baxsan muslinimada ee ay ku kacaan kuwa casriyiinta ahi. Ta seddexaad, waxa lagama maarmaan ah in aad maskaxda ku haysid in arimo badan oo xagga taariikhda iyo siyaasadda ah oo ka dhacay Turkigu ay ahaayeen qaar dareen qoto dheer ku abuuray muslimiinta dalalka Hindiya iyo Baakistaan. Dadkan muslimiinta ah markii uu gamaystay isticmarkii Ingriisku, ayey u qabteen xidhiidh caadifadeed inta ka hadhay boqortooyadii Ingiriiska ee burburtay, sidaa daraadeed ayey ugu difaacaan si allaale sidii suurtagal ah. Abaalgud ahaan wixii uu Kamal Ataaturk qabtay si uu u badbaadiyo dalkan muslinka ah ee burburay, ayey aqoonyahannada iyo mufakiriinta halkani ay diyaar ugu noqdeen in ay qariyaan arimihii diinta lidka ku ahaa iyo caydii cadayd ee uu Kamaal Ataaturk ku kacay. Iyada oo laga eegayo raadka ay caadifad maskaxeedkani leedahay, ayuu Iqbaal ahaa tan iyo 1930kii ku u sameeya cudurdaaro iyo cadaymo "Isbedaladii" Kamaal Ataaturk. Waxa aanu isku dayay in uu uga helo meel nidaamka islaamka. Laakiin ugu dambayntii xataa sabirkii gabayaageena ayaa u muuqday in uu quustay. Waxa uu bilaabay in uu si badheedh ah u cambaareeyo isbedelada reer Kamaal. |