|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2444 |
August 31,2010 Ramadan 21,1431H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Wesley Sneijder Oo Cidhiidhi Geliyay Lionel Messi Codayn La Qaaday Ciyaaryahanka caanka ah ee Lionel Messi ayaa lagu soo waramayaa in uu ku guulaystay badiba codadka dadka ku xidhan shabakada Goal.com oo wax ka qorta ciyaaraha. Shabakadan oo dhawaan akhristayaasheeda waydiisay bal cida ay sanadkan u caleemo sarayaan ciyaaryahanka ugu wanaagsan ayaa la sheegay in uu kaalinta koowaad ku guulaystay ciyaaryahan Messi oo helay 31%, halka uu kaalinta labaad soo fahdiistay ciyaaryahan Sneijder oo u ciyaara kooxda Inter Milan. Laacibka caanka ah ee Cistiano Ronaldo oo si weyn looga yaqaana dunida ayaa kaalinta saddexaad soo fadhiistay ka dib markii uu uruursaday dhibco gaadhaya 10%. Shabakada Goal oo nasiib u heshay in ay la xidhiidho isla markaan wax ka waydiiso ciyaaryahan Sneijder sida uu arko kaalinta uu soo fadhiistay ayaa sheegay in uu aad ula dhacsan yahay, waxana hadaladisii ka mid ahaa “Aad ayaan ugu faraxsanahay kaalintan, waxanan isu arkaa nin u qalma waayo kooxdayda Inter Milan iyo waliba xulkayga Holland waxa aan u galay halgan dheer sidii ay guulo u gaadhi lahaayeen” ayuu yidhi ciyaaryahan Sneijder. Xidgan kooxda Inter laqaaday koobabka ugu qaalisan qaarada yurub oo ay ku jiraan horyaalka kooxaha qaarada Yurub iyo horyaalka Talyaanigu, waxa kale oo uu Sneijder kaalin buuxda ka qaatay ciyaarihii aduunka ee ka dhacay dalka koonfur Afrika oo uu ku simay xulkiisa Netherland kaalinta labaad ama soo gaadhsiiyay ciyaarta Finalka. |