Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2444

August 31,2010                                                                              Ramadan 21,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 

Booliska Dubai Oo Xabsiga Dhigay Nin Afrikaan Ah Oo Isku Dayay In Uu Lacag Foojari Ah Oo Gaadhaysa $1 milyan Uu  Ka Sarifto Bangiga Dhexe

Ciidamadda amaanka ee dalka Isutaga Imaaraadka Carabta ee Imaarada Dubai ayaa xabsiga u taxaabay nin u dhashay dalka Ivory Coast oo ku khasbay haweenay shaqaale ka ahayd bangiga dhexe ee dalkaa in ay u sarifto Lacag foojari ahayd oo gaadhaysa Hal Milyan oo Dollarka Maraykanka ah.  Warkan oo aanu ka soo xiganay Wakaalada Wararka ee AP, ayaa intaa ku daray in Ninkanani uu gabadhan ku dhiiri geliyay in ay si degdeg ah hawshaa ugu fuliso isaga oo u ballan qaaday in uu siinayo 30% hadii ay ugu sarifto lacag Dollar ah ama Dirham ah ka hor intii aan la qaban.  Sarkaal sare oo ka tirsan booliska Dubai oo lagu magacaabo Kornayl Hammad Ahmed al-Hamadi ayaa sheegay in ninkan la qabtay uu ku dooday in aanu ka war haynin in waxa uu sitaa uu yahay faalso.  Lacagtan uu sitay ninkan la qabtay oo lagu soo sawiray wargeysyadda dalkaa ka soo baxa qaarkood ayaa muujinaysa in labada dhinac ee lacagta uu ninkani sitay ay lahayd laba midab oo kala duwan, Dhinac waxa uu lahaa midab madaw iyo cadaan ah oo uu ka muuqday muuqaalka sawirka Madaxweynihii ugu horeeyay ee Maraykanka president, George Washington, oo sida caadiga ah ku sawiran lacagta halka Dollar ah ee Maraykanka , halka dhinaca kalena uu lahaa midab Green u badan.  Warkan laguma sheegin wax war ah oo intaa dhaafsiisan, lagumana xusin wax faahfaahin ah oo ku saabsan in gabadhii shaqaalaha ka ahayd ee bangiga ka shaqaynaysay ee uu ninkani weydiistay sarifka in la xidhay iyo in kale. Maaha markii u horaysay ee kiis noocan oo kale ahi uu dalkaa ka dhaco, balse badhtamihii bishii June ee sanadkan ayay ahayd markii Seddex nin oo Iraaniyiin ahi ay siku dayeen in ay dikomantiyo been abuur ah u isticmaalaan in bangiga dhexe ee dalkaas ay kala baxaan lacag tiradeedu gaadhayso 14.4 billion dollars sida lagu sheegay war rasmi ah oo laga soo xigtay WAM news agency, iyada oo Laba ka mid ah raggaas xabsiga loo taxaabay halka kii kalena la doon doonay.