Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2445

September 01, 2010                                                                       Ramadan 22,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 

Badhasaabka Awdal Oo Ilaaladiisa Ku Amray Inay Xabsiga U Taxaabaan Guddoomiyaha UDUB Ee Gobolkaasi Iyo Masuuliyiinta Xisbigaa Oo Sharci Daro Ku Tilmaamay

“Badhtamaha Suuqa Aniga Oo Jooga Ayuu I Salaamay Badhasaabku, Waxanan Is Weydaarsanay Hadalo Ku Saabsan Xadhigii Masuulkii UDUB Ee Uu Xidhay, Ka Dibna Ilaaladiisii La Socotay Ayuu Amray Oo Gaadhigiisii Ayuu Igu Geeyay Saldhiga"C/casiis Xuseen Raage

"Ma jirto haba yaraatee wax sharci ah oo loo raacay xadhiga guddomiyaha UDUB ee awdal " Guddoomiyaha Siyaasada UDUB cumar jaamac

Boorama, September 1, 2010 (Haatuf) - Guddoomiyaha Xisbiga UDUB ee gobolka Awdal C/casiis Xuseen Raage ayaa shalay lagu xidhay saldhiga dhexe ee magaalada Boorama, kaas oo aanu wax ka weydiinay xadhigiisa isaga oo ku xidhan saldhiga Boorama ayaa xadhigiisa ku tilmaamay mid aan hore u dhicin.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in isaga oo suuqa badhtankiisa maraya ay halkaasi ka kaxeeyeen Badhasaabka iyo ilaaladiisa, taas oo ah wax ku cusub gobolka iyo Somaliland.

Gduddoomiyaha UDUB oo arimahaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi “Suuqa badhtankiisa aniga oo jooga ayuu i salaamay Badhasaabku, waxanan is weydaarsanay hadalo ku saabsan hadalkii aan ka idhi xadhigii masuulkii UDUB ee degmada ee uu xidhay, ka dibna ilaaladiisii la socotay ayuu amray ku siiyey oo gaadhigiisii ayuu igu geeyey saldhiga, wax qoraal maxkamadeed ah la iima keenin, OB kuma qorni Booliis la iima soo dirin, nidaamka noocan ahi maaha mid hore aanu aragnay ilaa dawladihii hore ee Soomaalida, masuuliyada dawladnimada wax baal marsan weeyi oo aan sharci ahayn arimahan oo kale, in la yidhaa Anaad ii xidhan tahay waa wax nagu cusub, wixii aan sheegay ayaa halkaas ka cadaatay ayuu yidhi guddoomiye Raage.

wuxuu intaas raaciyey Guddoomiyuhu Waxaan u sheegaynaa Hay’addaha xuuqal Insaanka kuwa Caalamiga ah iyo dhamaanba dadka u ololeeya xuquuqda Aadamaha inay xukuumadda Siilaanyo ka bilawday Gobolka Awdal inay ugaadhsato dadkii Shacabka ahaa iyo Masuuliyiintii xisbiyada Qaranka ee xadhigu ka mamnuuca ahaa. ayuu yidhi guddoomiyaha xisbiga UDUB ee gobolka Awdal C/casiis Xuseen Raage.

Sidoo kalana waxaa shalay la sii daayay guddoomiyihii xisbiga UDUB ee degmada Boorama Maxamed Axmed (Ilkacase) ka dib markii uu xidhnaa hal habeen.

Dhanka kale mar aanu la xidhiidhnay Badhasaabka Gobolka Awdal Maxamed Daahir ayay noo suuroobi weyday in aan helo, balse BBC-da ayuu u sheegay in loo xidhay Aflagaado uu geystay. Sidoo kale xadhiga masuulka ugu sareeya xisbiga UDUB ee Gobolka Awdal ayaa waxa ka hadlay Masuulyiinta heer Qaran ee xisbiga UDUB iyaga oo ka dalbaday xukuumada Siilaanyo in degdeg loo sii daayo masuulka xidhan.

Si kastaba ha ahaatee waxa ku soo badanaya Gobolka Awdal xadhiga loo geysanayo dad lagu eedaynayo arimo ku lug leh xoriyatul qawlka iyo Arimo kale, sidoo kale waxa maalintii 7aad xidhan Cabdoo Shoodhe iyo Axmed Xuseen (Sitiin) oo loo haysto inay ka mid yihiin Baarlamaanka dawladda Sheekh Shariif, kuwaas oo aan wax maxkamad ah la horgeyn, taas baal marsan sidda uu dhigayo sharciga dalka u yaal oo sheegaya in 48 saacadood gudahood lagu horkeeno maxkam qofka dabi loo haysto.

Arimahan ayaa waxay saamayn ku yeesheen bulshada qaybaheeda kala duwan, gaar ahaan duqayda, madaxda dhaqanka ee gobolka Awdal, kuwaas oo si weyn ugu dadaalaya in arimuhu sulux ku dhamaadaan, qaar ka mid ah salaadiinta oo aan kula kulanay Saldhiga Boorama ayaa u sheegay saxaafada inay wadaan is afgarad iyo waanwaan, salaadiintaas oo ka gaabsaday ama diiday in magacooda la xuso.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Siyaasada xisbiga Mucaaradka ah UDUB Cumar Jaamac Faarax, ayaa sheegay in xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo bilawday xeelado Cusub oo ay ku ugaadhsanayso siyaasiyiinta ka tirsan xisbiga UDUB ,isagoo intaa ku daray in maalmihii u dambeeyay ay si sharciga baal marsan u qabqabanayeen, islamarkaana xabsiga loo taxaabay qaar ka mid ah masuuliyiinta xisbiga UDUB ee gobalka Awdal .

Guddoomiyuhu waxa uu sidaasi ku sheegay warsaxaafadeed kooban oo uu shalay soo saaray. Guddoomiyaha Siyaasada xisbiga Mucaaradka ah ee UDUB waxa uu tilmaamay in abaaro 11:00 duhurnimo ee shalay uu Badhasaabka gobolka Awdal uu amar ku bixiyay in la soo qabto guddoomiyaha gobolka ee xisbiga UDUB ka dibna xabsiga loo taxaabo , Warsaxaafadeedkaas oo dhamaystiran ayaa waxa uu u dhignaa sidan: “Maanta abaaro 10:00 Subaxnimo ee ayaa xabsiga loo taxaabay guddoomiyaha Gobolka Awdal ee Xisbiga UDUB Cabdicasiis Xuseen Raage. Waxa isna hore loo xidhay shalay Mohamed Axmed Ibraahim oo ah Guddoomiyaha Xisbiga ee Degmada Boorama, Waxana la sii daayay ka dib markuu xidhnaa 26 saacadood. Ma jirin haba yaraatee wax sharci ah oo loo raacay xadhiga masuulka Xisbiga UDUB ee Gobolka Awdal iyo wax cadaayn ah iyo amar ka soo baxay maxkamad gobolka oo xalaalaynaysa xadhiga masuulkaas. Waxa gacantiisa ku fulieyey Amarkan Guddoomiyaha Gobolka Awdal oo isagu lahaa amarka una adeegsaday gaadhigiisa isagoo u adeegsaday ilaaladiisa oo iyagu u taxaabay Xabsiga kuna soo xidhay Saldhig dhexe ee Boorama. Ma jrin haba yaraatee wax sharci ah oo loo raacay xadhiga masuulka Xisbiga UDUB ee Gobolka Awdal iyo wax ruqsad ah oo loo weydiistay maxkamad xalaalaysa xadhiga masuulkaas. Waxa gacantiisa ku fulieyey amarkan lahaa Guddoomiyaha Gobolka Awdal. Xadhigan maalmihii u danbeeyey lagu ugaadhsanayo masuliyiinta xisbiga UDUB, ayaa loo arkaya mid lagu cabidhinayo afkaarta asxaabta mucaaradka . xisbiga kulmiye ee hada talada haya ayaa markii Mucaaradka ahaa ku doodi jiray in aan xoriyada laga qaadi karin xisbiga soo bandhiga afkaartiisa siyasadeed ,wakhtiyadii ay xukuumadii Rayaalena xabsiyada u taxaabi jirtay aad ugu olaleyn jiray in aan la cabduhdin Karin masuliyiinta ka tirsan asxaabta mucaaradka ah .