Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2445

September 01, 2010                                                                       Ramadan 22,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 

Xukumada Cusubi Ma Waxay Sugaysaa Inta Wakalada Biyaha Burco Fadhiisanayso?

Warbixin Wariyaha Haatuf Ee Borco Axmed A. Yuusuf

Xukumada Cusubi Wakalada Biyaha Burco ma inta ay fadhisanayso ayay sugaysaa mise waxanay ka warqabiin xaalada xun ee ay waqtigan ku sugan tahay Wakaalada Biyaha Burco? bulshada reer Burco ayaa dhawrkii sano ee u danbeyay waxa dhinaca biyaha ka haystay mushkulad aad u balaadhaan, taas oo ay sababeen cida maamulkeeda leh wakaalada.

Mushkiladan oo ay gundhig u tahay musuqmaasaq iyo u kala exasho shaqaalaha Wakaalada ka hawlgala lagu sameeyay, iyada oo ay arrintaas hormuud ka yihiin masuuliyiinta sare ee wakaaladu arintanina waxa ay wakaalada ka dhigtay meel baaba’ ah oo daymo badan la ciircirayasa .halka shacabkuna la yaaban yahay waxa ka socda Wakaalada iyo waxa wax looga qaban wayay, shaqaalaha Wakalada ka hawlgala ayaa waxay mushaaharkoodi la’yihiin 9 sagaal bilood iyada oo shidaalada iyo daymaha kale ee Wakalada lagu leeyahayna ay inta shaqaaluhu leeyahay ku laba jibaarmayaan,.hase yeshee arrinta lays weydiinayo ayaa ah dakhliga Wakaalada soo gala ma mid aan dabooli karin baa baahiyaha Wakaalada mise wax kale ayaa jira. hase ahaate marka aad arrintaas hoos ugu daadegto ayaa waxa ay ku tusaysaa in aanay arrintu dakhli ahayn ee ay wax kale khaladan yihin waxadna arkaysa dakhliga Wakaalada soo gala marka si wacan loo maamulo inay Wakaalada dayn ay gasho iska daayo ay jiri lahayd dakhli badan oo u soo hadha, tusaale ahaan haydaynu eegno dakhliga Wakaalada Biyaha Burco soo galay bilihii Junuary ilaa May sanadka 2010 waxa u dhamaa 1.011.490.693. (Hal bilyan kow iyo toban milyan afar boqol sagaashan kun lix boqol sagaashan iyo sadex shilin S/l sh), taas oo mushaharka shaqaluhu ka noqonayo wax aad u yar, hase yeeshe lacagahan ayaa waxa la sheegay in ay ku baxaan wadooyin sharci daro ah iyo maamul xumo, iyada oo aan meesha laga saarayn in jiraan dano qarsoon oo ay wataan dad maamulka dawlada Hoose ee Burco ka mid ah iyo dad magaalada magac ku leh, kuwaas oo loo badaninayo in ay kow ka yihiin in ay Wakaalada Biyaha Burco fadhiisato ama cilinkeeda la saari waayo si ay marka ugu suuroobaan qorshayaasha ay ka damacsan yihiin,

qolyaha aynu kor ku soo sheegnay ee arrintan dabada ka riixaya ayaa waxa la sheegaya in ay doonayaan in Wakaalada Biyaha ay ula wareegaan qaab (Private) ah si ay uga dhigtaan marshruuc ganacsi oo gaar loo leeyahay arrintan ayaa ah ta qudha ee ugu badan ee Waksalada Biyaha Burco u candadawlan tahay sida ay sheegayaan dadka ku dhowdhow maamulkaa Waksaladu.si kastaba ha ahaate dhinbka ka taagan Wakaalada Biyaha Burco ayaa waxa u ka mid yahay caqabadaha ugu waweyn ee waqtigan ka jira Gobolka Togdheer, iyada oo u yahay arrin aan la dhaylsan karin Xukuumada cusubna hadanay inta ay Waksaladu daba qabashada leedahay aanay wax ka qaban ku keeni doonta hawl adag oo maskax badan iyo muruq badani kaga bixi doono.gunti iyo gabagabadii xukumada Cusub waxa ay dadweynaha reer Burco uga marti yihin in ay uga soo gurmato dhibka ay ku hayaan Wakaalada kuwa danaha gaarka ah lehi, isla markaana Biyaha Burco guddi baadhis loo soo diro loona sameeyo nidaam tayaysan.