|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2445 |
September 01, 2010 Ramadan 22,1431H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
“Xukuumada Waxa Nusqaan Ku Ah Inay Kala Garan Weydo Ragii Hanfigii Iyo Kulaylkii Dhacayey Ee Xagaaga U Olalaynayey Kulmiye Iyo Kuwii Ka Soo Horjeedey Ee UDUB” Baaq Beesha Ciise ee G/Selel Hargeysa September 1, 2010 (Haatuf)-dhalinyarada iyo caaqilada beesha Ciise ee Gobolka Selal, ayaa saluug weyn ka muujiyey saamiga xukuumada cusub ee uu dhawaan soo dhisay madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo ay tilmaameen inaan beesha u cuntamaynin taasi, iyaga oo intaa ku daray, in beeshani ahayd xlligii ololaha doorashada ee xisbiga Kulmiye, kuwii Kulaylkii xagaaga u ololaynayay xisbigaasi, islamarkaana haatan xukuumada ka soo jeeda Kulmiye kala garan weyday ragii xilligii tartanka ee hiil iyo hooba siisay Kulmiye iyo kuwii siyaasada kaga soo horjeeday. Dahalinyarada iyo caaqailada gobolka Selal,waxay sidaa ku sheegeen baaq ay xalay na soo gaadhsiiyeen, ayaa sidoo kale waxay kaga hadleen, gobolka Selal oo ay tilmaameen inuu yahay gobolka ay ku yaalaan magaalooyin taariikhi ah sida Saylac, islamarkaana dakhli kasoo galo Somaliland, in hadana gobolkaasi ka arradan yahay baahiyaha aasaasiga ah, iyaga oo intaa raaciyay, inay su’aali ka taagan tahay oo bulshada gobolkaas ku dhaqani is weydiinayan, ma dastuurka Somaliland baa hoos u dhigay inaan gobolkaasi gobolada kale ee dalka ka hooseeyo heerka waxqabad ee xukumadeed. Iyaga oo Xukuumada ugu baaqay in gobolka Salel wax laga qabto baaahiyaha aasaasiga ah u ka arradan yahay, islamarkaana saamiga gobolkaasi xaqa u leeyahay xilalka xukuumada helo. Baaqan oo taabanaya dhinacyo badan isaga oo dhamaystiran waxa uu u dhignaa sidan:- Gobolka Selal Waxa uu Ka Mid Yahay Gobolada Ugu Khayraadka Badan Ee Somalilnad Waxa Aanu Kamid Yahay Gobolada Ugu Balaadhan Ee Somliland Waxa Ku Taala Mid Ka Mid Ah Magaalooyin Taariikhiga Ah sida (Saylac) Dawladana Waxa Ka Soo Gala Dakhli Misaaniyadeed Oo Lagu Xisaabtamo Waxaanu Gow Ka Yahay Gobolada Ka Haraadan Arrimaha Bushada Dhamaantoot Uguna Dayacan Gobolada Somaliland Hadana Waa Gobolka Ugu Afgaaban Gobolada Ee Wax Dhaliil Ah Aan U Soo Jeedin Dowladihii Xukunka iska dambeeyey ee Somaliland Bulshada Ku Dhaqan Waxay Ka Mid Tahay Shanta Beelood Ee Aasaaska Dhidibada Loogu Taagay Jiritaanka Qadiyada Gooni Isu Taaga Somaliland Ololihii u Dambeeyey Ee Doorashooyinka Qarankana Waxa U Qayb Mugle Ka Qaatay Taageeridda Xisbiga Talada Haya ee Isbedel Doonka Ahaa Ee Kulmiye Haatan na ay Yihiin. Waxayna Sugayeen Isbadal Dhab Ah Oo Ku Dhisan Cadaalad Iyo Sinaan Inay Saamigooda U Helaan Gobolada Dalkoo Dhami , Lakiin Taasi May Dhicin Oo Xuquuqdiisi Ahayd Ka Mid Ahaan Shaha Si muuqata Xukuumada Cusub Ee Ku Dhisan Hab Dimuquraadiyadeed Kamahayno, Sidaa Darteed Waxa Noo muuqada Inay Dowladana Ay Ku Socoto Inay Marto Hilinkii Ay Dowladii Hore Marisay Gobolkan Hilinka Soo Ragaadiyey Wixii U Ku Lahaa Haday Tahay Dowlada Ama Mashaariicda Ay Bixiyaan Hay’adaha Caalamiga ahi, Sidaa daraadeed Waxaan Xal U Aragnay Inaanu Taageerno Xisbiga Isdaldoonka Ah. Markaa Waxaan Bulsha-Weynta Reer Somaliland Iyo Xukuumada Cusub U Sheegeyna Inaanay U Cuntamayn Gobolkaa Balaadhan Ee Qabyada Ah Hal Wasaarad oo Engegeni. Markaa Hadaanu Nahay Waxgaradka, Caaqilada Iyo Dadka Rayidka Ahba Waxaan Rabnaa In Saamiga Aanu Xaqa Ugu Leenahay Dawlada Naloo siiyo Si Noo Cuntanta. Waxaana Cadayn Ah In Mar walba Oo La magacaabo Hawl Wadeena Iyo Masuuliyiinta Sarsare Ee Dowlada Aanay Uga Dhex Muuqan Si La Siman Gobolada Kale Ee Dalka Cid Ka Soo Jeeda Gobolkaas Khaasatan Beesha Ciise Ee Ku Abtirsata Gobolka Ama Aanay Cid Ba Kaga Jirin. Xukumadna Waxa Nusqaan Ku Ah Inay Kala Garan Weydo Ragii Hanfigii Iyo Kulaylkii Dhacayey Ee Xagaaga U Olalaynayey Kulmiye Iyo Kuwii Ka Soo Horjeedey Ee Udub Inay Xilalkii Dib Ugu Celiso Kuwii Udub . MadaxWeyneha Somalilandna Waxaanu U Sheegeyna Inanay Cid Gaar Ah Ama Gobol Gaarihi Lahayn Dowlada Lakiin Ay Ka Dhaxayso Gobolada Dalkoo Dhan. Gobolka Selalna Marnaba Aanu Raali Ka Noqon doonin Xuquuqdiisa In Gobol kale Loogu Dhiibo Ama La Duudsiyo. Su'aalaha la is Waydiinaya Waxay Yihiin:- 1-Ma Distuurka Dalkay Meel Hoose Kaga taala Inaan Gobolkaa Lala Simin Kuwa kale Ee Dalka? 2-Mise Beesha Ku Dhaqan Baan Wax Looga Ogolayn Somaliland? Waxanan Xukumada Ka Rajeynayna Iney Baaqan Si degen U Eegto Dhagahana U Furto Waayo Waa Markii Ugu Horeysay Ee Gobolkaasi Baaq Soo Jeediyo Magacyada Caaqilada baaqan ku suntan ee sexeexay Chef Caaqil Hiriir Qoolaab Caaqil Xasan Muuse Faraax (Indha-Biraale) Caaqil Cabdi Muuse Butin Geedi Qaalib Rayaale Diiriye Canfar Caaqil Maxamed Cabdi Boqore Caaqil Xuseen Caaf Caaqil Cawaale Daahir Roble Caaqil Cabdi Ducaale Caaqil Cilmi Cali Sacad Caaqil Carab Cali Caaqil Cabdi Cokiye Nuur Caaqil Geele Wacays Rukeec Caaqil Xasaneyte Cumar Geedi Caaqil Axmed Migil Magacyada Dhinyarada Sharmarke Aare Ciid ( Chamtar) Maxamed Jirde Saylac Carab Cawaale Daahir |