|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2445 |
September 01, 2010 Ramadan 22,1431H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Lama Filaan Waa Qiso xambaarsan jacayl iyo muruugo badan oo dhex martay laba gabdhood iyo wiil jamacad wada dhiganayay kana waramaysa jiritaanka calafka. W/Q: Qoraa Mukhtaar Cabdi Sheekh (Bulshaawi) mukho4me@hotmail.com (Q.1aad) Falaadhaha cadceeda ee guduudan oo wax walba qurxinaya dhulkuna waa dhul bereed ay ka buxaan Ubaxyo aad u qurux badan oo aad moodo kuwo loogu talo galay jacaylka, shimbiro cod qurux badan ayaa dhagaha dadka ku soo dhacaya goobtuna waa buurta Daallo oo Ardayd jaamacadeed ay booqasho ku tageen amintuna waa casar gaaban oo buurta xageeda sare waxa soo fadhiistay dhado aad baraf moodo oo laydh aad u qabow oo naxariis wadata ay qalbiga kuu dajinayso laba laba iyo saddex saddex ayay u wada socdaan Hodan iyo Haboon waa laba hablood oo aad u saaxiib ah labadooda xafadoodna ay jaar yihiin . Hodan waa inan meel dhexaad dhareer keedu yahay midab keeduna waa mariin casaan xiga aad u qurxoon, Haboona iyana waa inan aad u qurux badan midab keeduna yahay cafee, iyagoo sheekaysanaya ayaa waxa so garab maray Khaalid oo ay Haboon isku Fasal yihiin kadib ayay Hodan iyo khaalid halkii ayay isu bartay Haboon, halkiibuu Khaalid la fadhistay oo kolba midi shekaynayaa waxana ku horeeyay Khaalid oo ka sheekeeyey sheeko dhacday oo labadii hablod ka jeedsan kari wayeen macaanka ay lahayd sheekadu iyo sidda farshaxanka leh ee uu uga sheekeeyey waxaana ku xigtay Haboon oo iyana sheeko qiiro leh ka sheekaysay oo aad u muurugo galisay saaxiibteed Hodana. sheekada xiisaha badan ee Khaalid isna aad u xiiso galisay ayay ka sheekaysay Hodan mar qudha kamuu jeedsan marwalbana kalmadaha xiisaha badan ee midiba mid u sii dhiibayso ayuu la dhacsanaa iyadoo sheekadii wada Hodan ayaa la yidhi waa la tagayaa ee hala soo dhaqaaqo. Goobtu waa dusha sare ee buurta Daallo quruxna Alle ayaa u dhameeyay nimcooyinka naftu ku xasishana dul dhigay jabaqda iyo san qadhaha kala duwan ee shimbiraha iyo dhededa sida shuuxa u da’aysa macaanka jawiga iyo quruxda ardayda ayaa Khaalid malintaasi waxay u ahayd maalin aad ugu dheer oo aan hore u soo marin, isla markaana u ahayd malintii ugu horeysay ee uu qof si rasmiya u jeclaado naftiisuna noqoto mid jacayl la ildaran si uu ugu sheegtana garan la, Khaalid cidkale muu jeclaan ee Hodan ayuu si wanaagsan uga helay. Gobolka Sanaag dhamaantiis ayaa ah gobol dalxiis waa dhul akhtar ah inta badan nimcooyinka iyo khayraadka u gaarka ah marka aad tagto aad ayaad ula dhacaysaa Ceerigaabo iyana waa magaalo dagan oo dadku iswada yaqaan goobaha dalxiiska marka aad taagto waxaad arkaysaa meelo aanad is lahayn dhul soomaliyeed ayay ku yalaanba oo aad moodayso dhulka ay soomalidu ku yaacdo ee yurub la yidhaa lakiin Daallo iyo Sanaag qofkii arkay ayuun baa garan kara quruxda ay leyihiin, daganaanta iyo jawiga macaan, nolosha dadkuna ay tahay mid caadi ah oo qof walba hawlihiisa u gaarka wato intii ay ardaydu booqashada ku joogeena waxa aad looga dareemay magaalada iyadoo malinwalba casuumad iyo soo dhawayn heer sare ah loo samayn jiray waxay ardaydu maalinba meel tagaan dalxiiska ku wanagsan waxa la gaadhay gabo gabadii dalxiiskooda iyakoo u soo amba baxay dhinacaa iyo magaalada Hargeysa oo ay markii hore ka tageen Khaalid waxa uu dalxiiskaas ka soo qaaday jacayl aanu dareemin goortii u galayay waxa uu arkay uun isagoo ku hadaaqaya Hodan iyo weedho jacayl ah oo ay ka mid ahayeen “Dawadaydaaay waad I deeqdee Aan dalxiisne daallo inakeen”. La soco…………….. |