Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2445

September 01, 2010                                                                       Ramadan 22,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 

Javier Mascherano Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyey Magaalada Barcelona Iyo Garoonka Camp Nou

Ciyaaryahankii hore ee kooxda Liverpool iyo qaranka Argentiana Javier Mascherano ayaa si rasmi ah ugu biiray kooxda  Barcelona ee dalka Spain markii uu  £17.25milyan iyo badh lacagta Inigiriiska ee Ginigada ah  kaga  wareegay kooxda Liverpool, isaga oo tijaabada caafimaadka maray habeen hore. Xidigan 26 jirka ah isla markaana ah kabtanka xulka Argentina ayaa mudo shan saacadood ah waxa dib u eegis iyo baadhitaan ku sameeyey dhakhaatiirta kooxda Barcelona sida laga soo xigtay dhakhtarka guud ee kooxda Barcelona  Ricard Pruna.

"Runtu waa riyadii oo rumoowday waana farxad aad u weyn, Barcelona waa koox weyn oo ay u ciyaaraan ciyaartooy magac weyn leh waxan isku dayayaa in aan sida ugu dhaqsaha badan uguna macquulsan kula qabsado kooxda" sidaa waxa uu Mascherano u sheegay TV-ga kooxda Barcelona. Tababaraha kooxda Liverpool Roy Hodgson ayaa dhaleeceeyey habdhaqanka ciyaaryahanka isaga oo ku tilmaamay mid doqoniimo ah habka uu naadiga uga tagay.  Mascherano ayaa ku biiray kooxda Liverpool sanadii 2007 isaga oo xiligaasi kaga yimid West Ham, markii hore amaah ayuu kaga yimid kadibna si toos ah ayaa waxa u iibsatay Liverpool oo uu u saxeexay heshiis afar sano sanadi 2008.

Barcelona ayaa kaga guuleysatay loolanka Mascherano naadiga Inter Milan kadib markii uu macalinkii hore ee Mascherano  Benatez uu ka dalbaday maamulka Inter in ay usoo iibiyaan. Hase yeeshee taasi waxa ay soo af jarantay markii uu ka dagay gagada Camp Nou ee ay ku ciyaarto kooxda Barcelona oosi diiran loogu soo dhaweeyay.