Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2445

September 01, 2010                                                                       Ramadan 22,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 

Booliska Australia Oo Jeelka U Taxaabay Nin Daaraha Dhaadheer Si Cajiiba Dhinaca Uga Kora

Booliska dalka Austaralia ayaa jeelka u taxaabay nin lagu magacaabo Spiderman ama ninkii Caarada ninkaas oo magaciisa caadiga ahi yahay Alain Robert ayaa gacmihiisa iyo lugihiisa ku kora daaraha dhaadheer ee aduunka,

Ninkan ayaa boolisku qabtay isagoo Fananaya daar dheer oo ku taala magaalada Sydney ee dalka Australia. Wakaalada wararka ee dalka Australia AAP ayaa sheegtay in ninkaa oo u dhashay dalka faransiiska inuu gacmihiisa iyo lugihiisa ku koray daarta Lumiere Building oo ka kooban 57 dabaq taas oo ku tala wadada Street Bathurst. Alain Robert ayaa waxa daawanayey Kumaan kun qof oo isugu soo baxay wadadaa isagoo daartaa 57 dabaq ah ku koray mudo 20 daqiiqadood ah,

Max Markson oo u hadlayey ninka ku caanbaxay fanashada daaraha dhaadheer ayaa sheegay in ninkaa Alain Robert uu sameeyey arin layaab leh isla markaana caalamka oo dhan uu ku leeyahay dad taageerayaal ah oo badan, Max ayaa intaa ku daray inuu ka xun yahay in ninkan la xidho, Alain Robert ayaa hore loogu xidhay dalka Australia iyadoo lagu ganaaxay lacag xiliyadaa oo kala ahaa sanadihii 2003 iyo 2009,

Ninkan cajiibka ah ayaa hore u koray ama u fantay daaro dhaadheer oo ay ka mid yihiin. Daarta ku taala magaalada Abudhabi ee National Bank of Abu Dhabi iyo daarta Burj ” Evil ee dalka Faransiiska iyo daarta the Opera House oo ku taal Sydney, iyo guriga dheer ee ay ku taalo jariirada New York Times, Ninkan Lagu magacaabo Alain Robert ee cajiibka ah ayaa aaminsan in cimilada aduunku ay aad u kululaanayso maalin walba ayna ku disho aduunyada dusheeda dad ka badan.