Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2445

September 01, 2010                                                                       Ramadan 22,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 

Faa’iidooyinka 10ka Danbe Ee Bisha Ramadaan

Waxa lagu jiraa 10kii danbe ee bisha Ramaan, waana tobanka habeen ee ugu khayrka badan sanadka iyo bisha Ramadaanba. Hadaba waxa yaabaha ay la gaarka yihiin tobanka habeen ee ugu danbeeyaa bisha Ramadaan ayaa waxa kamid ah waxa ku jira habeen ka khayr badan kun 1,000 bilood waana habeenka looyaqaan (Laylatul Qadriga). habeenka oo aha habeen ka khayr badan Kun Bilood ayaa waxa uu Alle (SWC) fursad u siiyay in dadka muslimkii ka faa’iidaystaan oo ku kabaan cimirgooda gaaban waana beenka Alle uu soo dajiryay quraanka oo qur’aanka la keenay  samda ugu sokeysa ee looyaqaan Samaa u dunyaha, iyada laga soo dajay luuxul maxfuudka. Intabdan dadka Muslimiinta ah ayaa si fiican u dareema ka faa’iidaysiga tobanka danbe ee bisha ramadaan taas oo aad arkayso in ay badidoodu habeenkii Nooleeyaan ay masaajida camiraan halka ay maalintiiina Soon ku qaabilaan. Hadaba fursada Nololeed ee Alle inagu soo gaadhisiiyaya Bisha Ramadaan ayaa Mid Alle Mooye aan aadame laga heleen  waana mid u baahan in lagu shuriyo oo Alle looga mahad cilyaa waxa badan dad inala soomay Ramadaanadii hore oo aan fursada u helin in ay inagala qayb qaataan Ramadaaantan. Hadaba waxyaabaha u gaarka ah ee lagu yaqaan Tobanka ugu danbeeya ee Bisha ramadaan ayaa waxa kamid ah Citikaafka: citikaafka oo ah ficil aad u khayr badan oo lagaga dayanayo Nabi Muxamed (scw) intabada Bulshooyinka islaamka ah ayaa waxa ay tobadanka ugu danbeeya bisha Ramadaan buux dhaafiyaan masaajida iyaga oo ku ay qaar kood ku dhex citikaafaad, aanay habeen iyo maalin midna ka dhex bixin ilaa laga gaadhayo habeenka Ciida. Hadaba dad u badan dhalinyar oo diinta sifiican u fahantay ayaa waxa ay sanadba sanadka uu ka danbeeyo kaga soo badanayaan Citikaafka masaajida ee magaalooyinka waaweyn ee Somaliland, taas oo ay kala siman yihiin dalyowga kale ee muslimiinta ah.