Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2281

Fabruary 22,2010                                                                   Rabi Al-Awal 8,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

Suldaanka Guud Ee Beesha Bariga Sanaag Oo Shaaca Ka Qaaday In Doorashada Madaxtooyadu Ay Ka Dhici-Doonto Deegaanadiisa

Badhan, February, 22, 2010 (W.warar) – Suldaanka guud ee beesha bariga Sanaag Suldaan Siciid Suldaan C/salaan ayaa shaaca ka qaaday in doorashada madaxtooyada ee somaliland ka qabsoomi doonta sanadkan 2010-ka ay si rasmiya uga dhici doonto deegaanada bariga Sanaag ee hoos yimaada gobolka Badhan.

Ilo xogagaal ah oo aanu ka helnay deegaanka Dhahar ee bariga Sanaag ayaa noo xaqiijiyey  in Suldaanka guud ee beesha Bariga Sanaag oo ka hadlayey xaflad shalay lagu qabtay dagmada  Dhahar ee bariga  Sanaag uu si rasmiya ugaga dhawaaqay in Doorashooyinka inagu soo foolka leh ee ka dhici doona sanadkan guud ahaan dalka Somaliland ay ka dhici doonaan gobolka cusub ee Badhan ee bariga Sanaag. Dhinaca kale isagoo intaa ku daray in sanaaduuqda codbixinta doorashada madaxtooyada Somaliland dhamaantood la gayndoono deegaanada bariga Sanaag.

Suldaan Siciid Suldaan CabdiSalaan oo ay garab taagnaayeen Saraakiil ka socota maamulka Somaliland iyo waliba hayadaha localka ah ee Dawladda Somaliland taageerto, wuxu cadeeyey inay ku soo dhaweynayaan sanaaduuqda codbixinta  doorashooyinka madaxtooyada Somaliland deegaanada  bariga Sanaag.

Dhinaca kale waxa magaalada Badhan ee xarunta gobolka Badhan lagu qabtay xaflad lagu wanqalaayay qoditaanka ceel biyo macaan laga soo saari doono oo ay iska kaashanayaan kharashkiisa Dawlada Somaliland iyo hayadda Manhal. Ceelkan ayaa noqon doona mid dadka reer Badhaneed oo muddo ka cabanaayay biyo yaraan, mid ay kaga bixi doonaan haraadka joogtada ee soo noqnoqaayay.