Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2446

September 02, 2010                                                                       Ramadan 23,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 

Wasiirka Awqaafta Oo Sheegay In Ninkii Ka kacay Masjidka Al- Huda Aanu Taageerin Al Shabaab, Balse Uu Aayado Jihaada Ka Jeediyey Masjidkaas

Hargeysa, September 2, 2010 (Haatuf) - Wasiirka Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sh. Khaliil Cabdilaahi Axmed, ayaa beeniyay war doraad ku soo baxay Wargeyska madaxa banaan ee Haatuf, oo sheegayay in Masjidka Al Huda oo uu ku tukanayay lagaga dhawaaqay in la taageero Kooxda xagjirka ah ee  Al-shabaab ee ka dagaalanta koonfurta dalka Somalia.

Waxaanu wasiirka awqaafku sheegay in aanu ku sugneyd wakhtigaas masaajidka, balse uu markii danbe yimid masaajidka Al Huda, waxaanu shaaca ka qaaday ninka masaajidka ka dhex kacay in aanu Al Shabaab taageerin balse uu aayado jihiidka ka hadlaya ka jeediyey.

Wasiirku wuxuu shirkaasi saxaafadeed ka akhriyay qoraal uu kaga jawaabayay warkaasi waxaanu u dhignaa sidan:-“Warka ku soo baxay Wargeyska Haatuf ee sheegayay in Aniga oo ah Wasiirka Diinta iyo Awqaafta aan fadhiyay masaajidka Hudda ee ku yaala kaalinta 8-aad ee magaalada Hargeysa, halkaasi oo wargeysku sheegay in laga taageeray kooxda Al-shabaab Aniguna aanan wax jawaab ah ka bixin, Waxaan u sheegayaa bulshada Somaliland ee xaqiiqada jecel inaanan fadhiyin masaajidkaasi oo aanan maqal warkaasi, hase yeeshee aan soo gaadhay salaadii witriga waxaanan fadhiyay markii Sh. Maxamed Cali Geeddi uu ka sheegay in cid jibaysani aanay ka hadli karin masaajidka iyagoo aan  fasax ka haysan  Guddida masaajidka iyo imaamkiisa. Anigoo gudanaya masuuliyada iyo waajibaadka I saaran waajibaadkaygana gudanaya waxaan ka hawl galay inaan xaqiiqadda ogaado.

Waxa ii  caddaatay in qofkii ka kacay masaajidka uu aayadihii jihaadka ee lagu tukanayay salaatul laylkii uu inta uu jibooday u fasiray dadkii, hase yeeshee ma uu taageerin Al-shabaab iyo koox kale toona.

Wargeyska Haatuf cadadkiisii soo baxay 2430 ee soo baxay 15/08/2010-kii uu igu eedeeyay inaan Radio Hargeysa ka joojiyay qasaa’idkii nabi ammaanka ahaa, waxa kale oo ay igu eedeeyeen inaan aaminsan nahay mad-habta Xambaliyada ee wahaabiyada, dhawaana aan soo saari doono  amar aan ku joojinayo xuska dhalashada nabiga NNKHA, oo aan horseedayo khilaaf diineed, arrintaasina waa wax xaqiiqada ka fog.

Waxaan mar kale, waxaan dadweynaha reer Somaliland ee nabadda jecel ugu baaqayaa inay ka feejignaadaan wax allaale iyo wixii shaki ku abuuraya iyo  khilaaf aan jirin ka dhex wada  dalka iyo dadkaba. Kuwaasi  oo ku caan baxay been abuur iyo isku dhufshada bulshada muslimka ah ee ka badbaaday khilaafka diineed ee ka jira mandaqada.”