|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2446 |
September 02, 2010 Ramadan 23,1431H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Taliyihii Hore Ee Asluubta Oo Xilkii Ku Wareejiyay Taliyaha Cusub Ee Dhawaan Madaxweyne Siilaanyo Soo Magacaabay Hargeysa, September 2, 2010 (Haatuf) - Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Cabdi Suldan Maxamed Geele ayaa shalay si rasmi aha xiliki ugu wareejiyay taliyaha cusub ee dhawaan Madaxweyne Siilaanyo soo magacaabay Maxamed Xuseen Faarax. Munasiban xilwareejinta oo ay ka soo qayab galeen Wasiirka Cadaalada Ismaciil Muumi Aare, qaar ka mid ah ciidamada asluubta masuuliiin ka iyo xubno ka socda hay’adaha ciidamda Asluubta wadda shaqayntu ka dhaxayso oo ay ka mid yihiin Marwo Faadumo Siciid iyo Maxamud Aabakor. Ugu horey waxa halkaa ka hadalay taliyihii hore ee ciidanka Asluubta Cabdi Suldaan waxa uu yidhi “Ciidanka Markii la ii soo magacaabay maan jeclaysan, lakiin waxaan ogaaday ciidanka Asluubtu inuu yahay ciidanka ugu Akhlaaqda wanagsan ciidamada, sharafta Akhlaaqda, runtii maan arag ciidan la mid ah in bada waan soo shaqeyay marnaba ma rag ciidankan oo kele maalin kaliya maan wax aan dhibsado oo todoba sano ayaan joogay waa ciidan wanaagsan oo sharf leh oo shaqadooda ku wanaagsan oo la yaableh, waxaana ugu wacan tiradooda oo yar, way tiro yaryihiin oo hadii ay tiradu badato, lakiin tiradooduna way kooban tahay markaa ciidanka aadbaan ugu mahad naqaya imika shaqo kale in aan qabto ma doonayo oo da ayaa ahay, ciidankaygina waan sii sagootinayaa, waxaanan leeyahay la shaqeeya cida idiin timaada”. Taliye ku xigeenkii hore ee ciidanka Asluubta Ibraahim Ducaale Yuusuf ayaa sheegay in muddo konto sano uu ku soo jiray ciidmada Asluubta, isla markaana ciidama Asluubtu ay yiiin ciidamada ugu Asluubta wanaagasan ciidamada. Dhinaca kalena waxa isguna halkaa hadal ka soo jeediyay taliyaha cusub ee ciidanka Asluubta Maxmed Xuseen Faarax iyo ku xigeenkiisa Cabdi Cali Cawid. Taliyaha Cusub ayaa waxa uu tibaaxay in aanay meesha Faanto iskaga cabi dooni, balse ay muujin doona wax qabad dhab ah. Sidoo kale taliye ku xigeenka cusub ayaa isagu si faahfaasan uga waramay waxyaabaha ay doonayaan inay qabtaan, isla markaana sheegay inay dajin doonaan nidaamka ciidamada Asluubta. |